Dawlad Guuleysatey: Mashruuc Guuleystay
Noocyada
dawladda caalamkan cusub:
1-
Dawladda guuleysatey ee
heshay nooca loo yaqaan fiicaan heersare ah ama (أو جيد جدا), waa dawladaha hantiyey sifooyinkan shanta ah, guul dawladeed
doonaya si ay u gutaan shaqadoodii aasaasiga ahayd:
A) Waa
in la helo aragti dhaafsan joogtada, raadinasa mustaqbal dheer, qorshaynasana
in ay sii ahaato dawlad waqti dheer. Dawladdu waxa ay ku xidhantahay fekrad.
Fekradduna waxa ay ku xidhantahay dawladda.
B) Waa
in la helo mashruuc ka soo burqanaya aragti, mashruucuna maaha mid ka yimaadda
damaca hal qof oo kali ah. Balse, waa damac fekradeed oo ka soo budh yidhaa
koox badan oo saaxadda saamayn ku leh.
C) Waxa
daruuri ah in la helo awood bini-aadan oo ka danbeysa aragtida iyo mashruuca.
Waana wuxuu fekeraagii Islaamka ahaa ee Ibn Khalduum ku magacaabey ‘Casabiyad~ العصبية .’ Suurtagelna maaha in la dhiso dawladda haddii ayna jirin
feker casabi ah iyo bulsho casabiyad ahi. Taasina waa awoodda loo baahanyahay
in loo baddelo waaqica. Waa lagama maarmaan in la helo ciidan ilaaliya
dawladda─oo fekradda dawladda iyo aragtideeda ka difaaca cadawga debedda iyo gudahaba.
D)Waa in
ay jirtaa koox hoggaamisa shaqada siyaasadda. Kooxdani waxa ay u metealsaa
shaqadii siyaasadda kuwa kale ee maqan. Siyaasaddu hadal maaha; sidoo kalana
maaha calam kheyri ah. Siyaasaddu waa loollan iyo difaac. Loollanku wuxuu noqon
karaa mid sufri ah oo jira, waxa kaluu noqon karaa mid xirfad ah ama farsamo
ah (Tactical ). Sidaa daraadeed waa lagama maarmaan in koba kooxda
hoggaaminasa shaqada siyaasaddu ay gadho mad’bakha (Kushink) Siyaasadda.
E) Waa
lagama maarmaan in aan helno jawi innaga caawinaya shaqada siyaasadda ee ah in
la helo Distoor sax ah, sharci, ururro, iyo saxaafad xor ah; kuwaasi waxa ay
kor u qaadayaan dawladda. Ma guuleysan karaan dawladdahan cusubi, haddii aan la
helin waxyaabaha kor u qaadaya.
Hadda waxa aynu caalamka
Islaamka ka dhadhansan karnaa dawlado yar oo isku dayaya in ka mid noqdaan
dawladaha guuleystay (Developed Countries). Dawladaha waxaa ka mid ah Turkiga
oo ah hadda tiirdhexaad, caalamkuna la yaabay habmaamulkeeda ay u maamushay
dhibaatooyinka Gobolka iyo sida ay u fahantay kooxhoggaamintii [aynu qodobka E
ku soo xusnay]. Waxa kale oo aan arkanaa in khasaaraha ugu yari soo gaadhey, waxayna
labaatan sano gudohood ku noqotey waddanka shanaad ee ugu dhaqaalaha badan
Yurub. Daraasado la sameeyay waxa ay sheegayaan in muddo toban sano ka dib ay
noqon doonto waddanka saddexaad [ee ugu dhaqaalaha badan Qaaradda ]Yurub. Waxa
ay leedahay awood fekradeed oo u metesha Diinta, ilbaxnimada, sawraca, iyo
taariikhda. Waxayna leeyihiin kooxsiyaasadeed wax fahansan, waxayna ku
guuleysteen in ay soo saaraan jiil dhisan fekrad ahaan iyo cilmi ahaanba
labaatankii sano, ka dib Indonesiya. Indonesiya
oo ka mid ah waddamada ugu dhaqaalaha badan caalamka, ahna ka sideedaad
dawlada ahaanm, waxayna la tartamasaa Hindiya, Barazil iyo Turkiga oo doonaya
in uu awood yeesho. Shaki la’aanna waxa ay arrintan kula tartamasaa Maaleesiya,
oo ah dawlad guuleystay is wayddiin la’aan. Sidoo kale Iiraan waa dawlad
guuleysatay waxoogaa, waxayna u jihaatamasaa in ay nafteeda uga hesho saaxad khariidadda dawladda. Halka Sucuudiga
iyo dawladaha shaqeeyaaba ay u halgamayaan in ay iibiyaan mashaariic gumeyseed.
Waxaa jira dawlado guuleysan gaadhey, basle, dullinnimo la qabatey, waa laga
helayaa caalamka Islaamka waxaana ka mid ah Tuunis iyo Morooko.
2- Waxaa
jira dawlado awood leh, balse, aan guuleysan. Waana kuwa ku sifoobey
sifooyinkan soo socda:
A) Qofnimo,
awoodda oo ka xoog badata sharciga: Dawladaha noocan ahi way guuleystaan
mararka qaar, balse, guushaasi ma waarto oo masii joogto. Waxayna u
rahaamantahay in ta uu qof xukunka hayo. Tusaalayal waynu ka helanaa waqtigan
aynu noolnahay: jeneraal Maxamed Siyaad Barre, wuxuu ku guuleystay in uu dhiso
dawlad, markii koowaad ee xukunkiisa. Balse, markii labaad wuu dumiyey. Sidaas
oo kale ayuu sameeyey Sayid Saddaam Xuseenkii Ciraaq, iyo jeneraalkii xaqa
iftiiminayey ee Paakistaan.
B) In
uu jiro ciidan xoogbadan oo kaantaroola (xisaabiya) shacabka baraarugsan iyo ururrada sharciga ah: Halkan
dawladdu waxa ay helasaa awood xoog badan. Basle, ma guuleysanaso sida aynu
casrigan cusub ku aragno. Kuuriyada waqooyi waxa la ogsoonyahay in ay tahay
dawlad awood leh, hoggaamiyahooga qaangaadh ahina wuxuu ku guuleystay in uu
Trump ka dalbado in uu la fadhiisto Sweden. Balse, dawladdan dadkeedu inteeda
badan waa faqiir. Sida dawladda Suez oo aan lahayn ciidan xoog badan loo
tixgeliyo in ay tahay dawlad guuleysatey, amaba maahee loo tixgeliyo dawladaha
caalamka ugu fiican.
C) Waa in la helo ammaan: Dawladda Masar waxa ay
leedahay labo Ammaan. Midkastaa waxa uu hayaa malaayiin warar ah. Golayaashan
ammaaneed waa kuwo cabsi badan, mana keenaan degganaansho siyaasadeed. Halkan
waxa aynu ka ogaananaa in dawladda Sweden ay leedahay gole wareed oo xirfad
leh, oo kaliya aan ku koobneyn tirakoobka mucaaradka xukuumadda. Mucaaradnimadu
waa xaq dabiici ah. Balse, waxa ay u gaaryihiin gaboodfallada lagaga soo
horjeedo dawladda iyo shacabka. Halkan waxa aynu ka ogaananaa in Sweden tahay
dawladda ugu fiican nebedgelyada iyo degganaanshaha siyaasadeed. Halka Masar ay
tahay dawlad ku dhicisawdey nebedgalyada iyo degganaanshaha siyaasadeed.
D)
Fekraddii Distoorka iyo sharciga ayaa ka maqan waaqica: Waxaa jirta caqliyad
sharcineed oo la’aantii aan la qabankarin shaqo siyaasadeed. Waxa kaloo jirta
caqli waaqiceed oo bilaa Distoor ah, ayna suurtagelna ahayn in shaqada loo
qabto si waafaqsan Distoorka. Qofka caqli distoori ah lihi wuxuu raadinayaa
Saqraat uu ku qabto siyaasad guuleysata. Balse, qofka leh caqli waaqiceed waxa uu
raadinayaa wax uu ku shirqoollo Distoorka iyo Sharciga.
Geeska Afrika waxa aynu ka helaynaa
afar Tusaale. Waxaa jirta awood dheeraad ah leh, dadkeeduna ay ku guuleysteen
in ay shirqoollaan Distoorka iyo Sharciga, tusaale ahaan (Ethiopia). Jabuuti
iyadu waxa ay isku baddeshay urur qoyseed, waxayn tusaale u tahay kuwa ku
qooqey Distoorka ee doonaya in qofaf iyo qoyska xukuumadda ahi xisaabta
hayaan. Dawladda Eritariyana waxa ay
tusaale u tahay kuwa afduubtey xaqii
ummadda. Eritariya dawlad maaha. Halka Soomaaliya dawladdii lagu qariyey qabiil
ee ay ka jirto dawlad dhicisawdey.
Ethiopia, dawladdii xoogga
lahayd waxa ay ku baaba’dey kacaan, hadda waxa ay ku sii nooshahay
ilbidhiqsigii ka horreeyey dhicisawga. Nidaamkii dawladda Jabuuti ee awooddu
wuu dhammaadey, maantana wuxuu ku jiraa ilbidhiqsigii dhicidda ka hor.
Nidaamkii Eratariya wuxuu ku jiraa shabag kaliya. Shacabkii Soomaaliyeedna waxa
ay raadinayaan dawlad ka [madaxbannaan] qabiil.
Waa maxay dariiqa/waddada uu
umarayo Geeska Afrika Dawlad toosan?
Waxaynu ubaahannahay in la
xaqiijiyo saddexdan arrimood:
1-
Waa in aqoonsiyaasadeed
saaxadda la keeno, dhibaatadeennnu maaha mid bulsheed, waa mid siyaasadeed oo
bilaa fekrad ah. Sidaa daraadeed waxa lagama maarmaan in la helo
aqoonsiyaasadeed bulshada dhexdeeda dhamaan Geeska Afrika.
2- Waa in noocyada kala duwan ee bulshada la
fahmaa. Dawlad kasta oo dhacdaa waa sida mashruuc sare oo fashilmay. Taasina
maalmaha ayaa sugey. Dawladaha sii jiraa waxa ay isku dayaan in ay fahmaan kala
duwanaanshaha nolosha ee bulshada.
3- Waa
in la helo koox siyaasadeed, mid kastana aragtidiisu ay ahaado sidii waddanka
korr loogu qaadi lahaa (horumarin lahaa). Kooxahaasina waxa ay metelayaan
bulshada, siyaasadda, fekradaha Dugsiyada. Sidaasayna dawladdu uga koobnaanasaa
sidii aragti iyo mashruuc oo kale.
Halkan ayaynannu ka bilaabannaa
masiirkeenni iyo meeshaan u soconnay, waana waxa ay sameeyeen tusaalayaashii
dawladihii horumarey. Yaynaan casuumin tijaabada. Anigu ma aaminsani mashruuc,
balse, waxa aan aaminsanahay in la akhriyo tusaalayaashii guuleystayaasha.
W/Q: Sheekh Cabdiraxmaan
Bashiir
W/T: Cabdirasaaq Sandheere
Waxa aan tujumey 20-21 Marij
2018.
Comments
Post a Comment