WAA MAXAY SAMAFALKU?' Volunteersm.'


    

SAMAFAL: waa hawl uu qofku  uu u qabto bulshada, ururrada bulshada iyo mashruuc bulshada dhexdeeda laga qabto. Isaga oo aan qofku wax dhaqaale ah ka dooneyn ama aan ka helayn macaash.
Arrintan isdiraannimadu ama samafalnimadu waxa ay dhammaan qofka ama urrurka qabta iyo bulshada loo qabtaba u leedahay faa’idooyin togan.

Faai’dooyinka Samafalka waxaa ka mid ah:
1-Qofka waxaa ku dhisma qanaacada naftiisa ama kalsoonida.
2-Qofku wuxuu ku horumarin karaa xirfadda uu leeyahay ama waxa uu xiiseeyo.
3- Waxaa laga helaa khibrad.
4-Qofku firfircooni ayuu ka helaa iyo caafimaad.
5-Qofku wuxuu ku bartaa  shakhsiyaad cusub  iyo waxaa kaloo fidaya shabakadii dadka uu yaqaaney.
6- qofkun wuxuu fursad u helayaa inuu dadkii danyarta ahaa la dareen noqdo.
7- isku xidhka bulshada ayaa ay muhiim u tahay.
8-  waxay kor u qaadaa bulshada, waayo waxaa horumar laga gaadhaa dugsiyada, deegaanka oo nadiif noqda, danyarta oo la caawiyo IWM.

       WAXYAABAHA AY QABTAAN
1- Waxay habeeyaan tababarrada, waxa kaloy sameeyaan furasado waxbarasho.
2-Arrimaha qaar ayey daba-gel ku sameeyaan oo ay qiimeeyaan.
3-Xirfaddo ayey sameeyaan.
4-Waxay maamulaan  isku xidhka samafallada  sida; Qaybaha bulshada, jaraa’idada ama warbaahintaba.
5-Waxay nadiifiyaan meelaha caamka ah.  
7-Waxa ay qeexaan khatarta ku iman karta deegaanka iyo saameynta ay keeni karto.
8- Tababbarro iyo siminaarro ayey horumarineed ayey qabtaan.
9- Wacyi gelinta bulshada ayey sameeyaan.


Cabdirasaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?