Posts

Showing posts from May 11, 2025

Haddaad rabtid in aad noqotid aqoonyahan...

Image
  Maaha kaliya in aad noqotid shaqaale ama kaliya in aad xafiiska Jaamacadda iyo Maktabaddeeda iska joogtid. Waa in caqligaagu xanbaaro wayddiimo waawayn, sidaa si la mid ah waa in qalbigaagu qaadi karo masuuliyadda jawaabta. Waa in aad xaqiiqsatid in aanad kaliya ahayn in aad aqoon yeelatid, balse waa in aad yeelatid wacyi, iyo qof abuuraya hiddidiilo iyo rejo. Aqoonyahanoow, masuul baad ka tahay hadalka iyo kalmadda aad ka odhanaysid madalaha iyo meelaha aad muxaadarooyinka ( Lectures ka) ka jeedinaysid; sida aad masuulka uga tahay aamusnidaada marka aamusnidu tahay khiyaano iyo mid lagaga gabbanayo sheegidda xaqa.  Adigu ka liya    ma tihid cilmibaadhe, balse waxa ku saaran in aad noqotid aqoonyahan damiir leh, qof wax naqdiya, iyo in aad noqotid qof bulshada ku xidha oo gaadhsiiya jaamacadda, iyo in aad  la timaaddid  aragti shaqaynaysa.  Kuguma filna kaliya in aad cilmibaadhis qortid, oo aad faafisid. Su'aasha runta ahi waxa ay tahay: Weli ma keen...