Posts

Showing posts from October 6, 2019
Image
Gorfeynta Buugga ‘ Looxa; Sheekada Asxaabu Kahfi.’ Hordhac Waayahan dhinicii gorfeynta buugaagta Af Soomaaliga ah waan ka yara mashquulay. Hawllo badan baa igu furmay, baadhisyo kale oo Ingiriisi ahna dhinac baan ka waday. Dhawr buug oo Ingiriisi ah ayaan soo koobay, qaarkoodna faalleeyay. Haddaba iyada oo sidaas ah bandhiggii buugaagta Boorama oo aan ka qaybgalay ayaan ka soo iibsaday buugga la yidhaa ‘ Looxa; Sheekada Asxaabul Kahfi.’ Buugaag kale oo aan carwada ka soo iibsaday ayuu ka mid ahaa. Jeldigiisa iyo hawshiisa Baraha Bulshada ayaan kala socday, waanan xiisaynayay. Filin ka soo Turjumay, Tiraabdoorinna ku sameeyay Xasan M. Dhiillood. Waxaa tifaftiray Axmed-Khaliif Maxammed X Jaamac. Sidoo kale waxaa gacan ka gaystay Cabdiladiif Ismaaciil. Waxaa sidoo kale, habeeyay jeldiga Cabdiraxmaan Maxammed iyo Cabdiladiif. Waxaanna daabacday Madbacadda Hiil. Gugan aan ku jirno ee 2019ka ayaa la daabacay. Akhristuhu marka uu buugga akhriyo laba mid uun baa laga filaa; qaabkuu u