Gorfeynta Buugga ‘ Looxa; Sheekada Asxaabu Kahfi.’

Hordhac

Waayahan dhinicii gorfeynta buugaagta Af Soomaaliga ah waan ka yara mashquulay. Hawllo badan baa igu furmay, baadhisyo kale oo Ingiriisi ahna dhinac baan ka waday. Dhawr buug oo Ingiriisi ah ayaan soo koobay, qaarkoodna faalleeyay.
Haddaba iyada oo sidaas ah bandhiggii buugaagta Boorama oo aan ka qaybgalay ayaan ka soo iibsaday buugga la yidhaa ‘ Looxa; Sheekada Asxaabul Kahfi.’ Buugaag kale oo aan carwada ka soo iibsaday ayuu ka mid ahaa. Jeldigiisa iyo hawshiisa Baraha Bulshada ayaan kala socday, waanan xiisaynayay. Filin ka soo Turjumay, Tiraabdoorinna ku sameeyay Xasan M. Dhiillood. Waxaa tifaftiray Axmed-Khaliif Maxammed X Jaamac. Sidoo kale waxaa gacan ka gaystay Cabdiladiif Ismaaciil. Waxaa sidoo kale, habeeyay jeldiga Cabdiraxmaan Maxammed iyo Cabdiladiif. Waxaanna daabacday Madbacadda Hiil. Gugan aan ku jirno ee 2019ka ayaa la daabacay.
Akhristuhu marka uu buugga akhriyo laba mid uun baa laga filaa; qaabkuu u arkay oo noqota laba midkood: bogaadin ama waxoogaa jidhdiid ah oo dhaliili la socoto. Hadda qoraalkeygani labadaa midkood uun weeyi, waliba dhinaca dhaliisha ayuu u badanyahay. Se hadda ii sii ogsoonoow oo wax uun dhaliili maayee, wax caddayn wata ayaan kuu keeni. Markaa ha igu dgdegin oo ha I moodin nin dhaliisha jecel, ma ihi qof dhaliisha jecele buugga aan akhriyay ayaa igaga keenay dhaliisha.
Nuxurka Qoraalka
Wuxuu ka koobanyahay 376 bog. 11 cinwaan oo gacmodaalis ah iyo mahadnaqa. Wax kale kama koobna.
Buuggu muuqaalka guud buug aad u wacan ayuu u eegyahay. Qaab quruxbadan in loo daabacay ayaad mooddaa. Se waxa ka hooseeya ayaad mooddaa inuuna sida jeldiga u qurux badnayn ama u qaabaysnayn sida muuqaalka guud. Waanna ta aan isleeyahay nuxurkii gudaha ka debadda ayaa lagaga mashquulay.
Bilowga koowaad sheekada ayuu bilaabayaa, meel aan inta badan aad loo fahmay  ayuu ka bilaabayaa, wax sharraxaadana ma raacinayo. Bilowga koowaad iyo cinwaanka koowaad ayaabad ku daalaysaa dhinaca uu ka socdo iyo halka uu u socdo. Waxa aad mooddaa in wax si kooban looga warrami lahaa uu in badan ka warramay oo uu ku soo celcelinayo. Aslanba qof sheekadaa Asxaabul Kahfi hore u akhrista wuulla yaabaayaa qaabka ay u taallo, qaabdarnaanteeda iyo sida ay u liidato. Ogsoonoow oo hadda dhinaca nuxurka ayaan ka hadlayaa. Ha ii danbeyso dhinaca hingaadda iyo erayada uu adeegsaday.
Qofku haddii ay ku cusubtahay sheekada Axaabul Kahfi, iyada qaabka ay buugga ugu taal waxbadan ugama baxayaan, oo way ku adkaanaysaa nuxurkeedu iyo waxa uu ka wado qoraagu inuu fahmo. Asalkaba ma ahayn in qaab noocana loo qoro sheeko sidaa xiiso u leh oo la rabo in wax laga fahmo.
Buugga dhawr qof ayaa iga qaaday oo soo akhristay. Dhammaantood, waxa ay igu soo celiyeen ‘ waar Sandheeroow, buugga waannu ku celcelinnay, wax badanna waannu ka fahmi waynnay sheekada, oo dhinaca ay ka socoto, iyo dhinaca u socoto toona waannu garan waynnay! Ma annagaa qaldan mise qoraagaa qaabdarnaan badan ka muuqataa hannaanka uu u qoray sheekada?’ In badan iyagana waan u cudurdaaray oo maadaama aan anba akhriyay in badanna aan la yaabay, qoraagana waan u cudurdaaray oo waxa aan idhi ‘ malaha qoraagu sidii qof Filinka daawaday oo waxa uu ka warramayo muddo la haystay ayuu ugu talo galay, ama dadkaba inay sidiisa sheekada ka dheragsanyihiin ayuu wada moodayaa!’
Yeelkadeede dhinacaa nuxurka sheekada, qaabdhaceega, iyo hannaanka ay usocotaba qoraaga ku noqo ayaan leennahay, oo sidii qoraa dadka wax fahansiinaya oo waxa uu ka hadlayo lala garan karo oo lala fahmi karo, misana laga dhargi karo u qor oo ula hadal. Se ha u qorin, hana ula hadlin sidii nin Filin metelaya oo kolba meel aan la fahmayn ka bilaabaya, ama sidii gaaraabidhaan kolba meeshuu doono ka iftiimaya.
Dhinaca kale, ee aan wax ka odhan doonaa waa dhinaca habqoraalka sheekada, erayada, iyo qaabka ay u dhiganyihiin. Dhinacan buuggu aad buu ugu liitaa oo waa ku faqiir. Mana mooddid inuu yahay buug ay intaas oo qoraa iskugu tageen oo tifaftireen! Waan u cudurdaari lahaa haddii ay meelo kooban tahay, se maaha meelo koobane boggii aad rogtaba waxaa ku jiran qalad aad u badan oo aan noqon karin surmaseegto qoraalka iyo wax si kama’a u dhacay! Ogsoonoow, oo buugaagta la qoro qalad kooban oo dhinaca hingaadda ama erayada ah waa lagu heli karaa, wax lala yaabana maaha, se haddii ay sida kan aan hadda gacanta ku haynno noqdaan wax loo dulqaadan karo maaha! Sababtuna maaha wax kama’ u dhacaye waa wax ka fiirsashola’aan iyo akhris aan shiilid helin u dhacay. Meelo badan oo qaab qaldan u qoran ayaan kula wadaagi, si aanad ii moodin nin gudcur gudaya oo sababla’aan wax ku dhalliilaya. Kuwan ila eeg horta sida ay buugga ugu yaallaan:
‘ waddaan, Fiday, illaah, cadibo, adeeca, mida, xageese, deganaa, habbontaay, sheekadeenu iyo kuwo kale oo badan…..’ 
Erayada halkaa ku qoran oo aan filayo naqdintayda inay intani innaga filnaato gebigooduba way qaldanyihiin sidaanna looma qoro. Aynnu saxno horta, oo qaabkan ayaa sida la isla qirsanyahay loo qoraa: ‘ Wadaan, fidday, Ilaah, caddibo, addeeca, midda, xaggee se, degganaa, habboontahay, sheekadeenna..”Mar hore waan kuu sheegay, mar labaadna aan kuugu celiyo e waxaas oo erayo ah oo gaboodfal laga galay, maaha wax loogu naruuro sameeyo waa kama’, se waa ka fiirsashola’aan ama haddii aad doonto u kasba dheh.
Dhinaca kale ee buuggu aadka uga liito waxaa ka mid ah, dhinaca astaamaynta qoraalka. Meelo badan ayuu u isticmaalayaa astaamo aan kuwoogii ahayn. Bal aan waxyar oo muunad innoo noqon karo, oo buugga sidan ugu qoran aynnu soo qaadanno:
“ Julius: Waxa aan sugaynaa oggolaanshahaaga si aan u sooo dhowayno imbaraadoorka. Waxaa la fuulay oo waxaa la safsafay ciidamadii maamul-goboleedka, waxaa la tumay durbaano oo waxaa la afuufay daramalo iyo qalabka foodhida; dhammaan dariiqyada waa labilay oo waa la dhaqaaqay iyadoo jaanta ciidamada ee rig leh iyo daramalada iyo foodhida midba dhawaaqiisa mar loo ogolyahay inuu dhaco….”

Halkaa waxaa ku qaldan hingaadda erayada, xarfaha libinlaabma iyo halka ay dhigeen astaamayn, iyo sidoo kale inay qaar u baahnaa astaamaynta ka tageen sida hadda oo kale marka ay leeyihiin: ‘ Waxa aan sugaynaa oggolaanshahaaga, si aan u soo dhaway[n]no Imbaraadoorka. Waxaa la fuulay, oo waxaa la safsafay ciida[m]madii maa[m]mul-goboleedka,… ’ Halkaasi waa hakad waynna ka tageen.  Sidoo kale eeg: ‘ … Waxaa la tumay, oo waxaa la afuufay durbaan[n]o… dhammaan dariiqyada waa[l]la bilay, oo waa[l]la dhaqaaqay, iyad[a] oo jaanta ciida[m]mada rig leh, darama[l]lada, iyo foodhida, midba dhawaaqiisa mar loo o[g]golyahay inuu dhaco…”
Meelahaas sidaas oo kale ay seegeen maaha kuwo aynnu halkan kaga geyoon karno, se waxa aan rejaynayaa inay intaasi muunad innoogu filantahay oo qaybaha kale innagaga filnaato.
Sidoo kale, waxa ay qaab qaldann u qoreen marka ay qorayaan calaamadda “..” inayna fakaag boodine ay sida ay tahay uun ay wax ugu dabadaraan. Aynnu soo qaadanno intan buugga ku qoran: “halkee ku baadey Maximilian ilaa wakhtigan?”
Qaabkaa ayay buugga ugu taallaa meelo  qoraalka laftiisa waxbaa eraya sida ‘ illaa, baadey’ ka qaldan. Se marhore ayaynnu kuwaa soo carrabaabnay qaabdarnaantooda e aynnu u soo noqonno fakaagga. Waxa ay ahayd inay fakaag boodaan marka ay calaamaddan “..” furayaan. Se may dhicin. Waxa iyaguna la mid ah oo aynna samayn astaamaha kale marka ay qoraan. Tusaale ahaan, marka ay hakad, joogsi, wayddiin, layaab iyo kuwa kalaba qoraan, waxoogaa fakaag ma boodeynne sidaa ayay ku daynayaan oo sidan ayay odhanayaan: ‘ .. farxad aad u weyn. Deocletian oo”  Qaab sidoo kale waxaa jirta meelo badan oo uu dhawr fakaag boodayo, halkii looga baahnaa inuu hal fakaag boodo. Sida aan filayo cillad farsamo kuma dhicine waa u kas.
Waxa kale oo iyaguna ay aad u qaldeen meelo badan oo sida la isku waafaqsanyahay meel gaara loogu soo hagaago. Tusaale ahaan waxaa buugga aad ugu badan erayada noocan u qoran: ‘ Hab-dhaqan, sawir-gacmeed, tiraab-d00rin…” Erayada noocan ahi marka ay israacaan ee ay hale ray isku noqdaan, waxaa la isku raacsanyahay in la isku daro oo calaamaddan (-) iyo mid la mida toona aan loo dhexaysiin. Tusaale ahaan haddii laba eray oo ‘ Farsamo’ iyo ‘ yaqaan’ ama ‘ San’ iyo ‘ gun’ ‘ wayne, dheere’ haddii ay isku biiraan ooh al magac isla noqdaan waa in loo qoraa; ‘ farsamayaqaan’ Sangub’ Sanwayne’ Sandheere, IWM. Se maaha in loo dhexaysiiyo calaamaddan (-).
Buuggu baddii uu dhinac ka wacnaan lahaa anigaa ammaantiisa u horreyn lahaa, se waxa aan qabaa wax badan oo nuxurka noo sixi lahaa inuu qoraaga, tifaftiraha iyo lataliyayaashuba ay hagradeen. Marka ay saxaanna uu heli doono bogaadintiisa, se buug nagu dhexda nagaga soo dhacay oo aanaan hannaankiisa fahmin bogaadin maynno. Xaashaa!
Haddii aynnu isnidhaa qaladaadka hingaadeeda, erayeed, qoraaleed, astaamee, iyo nuxureed ee buugga saxa buug kale ayay noqon se guudmarkaas guud ee sixidda ah ha inna ahaato. Ogowna oo waxa sidaa u tirada badan ee qalad ah qofka kama’ ama u kasla’aan ku tilmaamaa inuu yahay nin aan qalinka wacan iyo qoraalka wacan dan iyo muraad toona ka lahayn.
Gebagebo
Xagga qoraaga, tifaftiraha iyo caawiyaha waxa aan ku talin lahaa in dib loogu noqdo, oo qaabdhaca sheekada nalaga hagaajiyo, sidii wax bilow ahna loo habeeyo, oo nuxurkeeda iyo hannaankeeda la saxo.
Akhristayaasha waxa aan kula talin lahaa in ciddii sheekada ka sii horreysiin karta inay wax ogaato Qisada Asxaabul Kahfi ay ka sii ogaato inta aynna buugga akhrin. Se buugga akhriya, oo wixii idin kala gudboonaada ammaan iyo dhalliilba sheega.

W/Q:  Cabdirasaaq Sandheere
Boorama, Awdal.
Ogosto 05, 2019

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?