12 Xaqiiqo ee ay tahay in qofkastaa aqbalo
1- Jooji naftaadan aad dadka kale barbardhigayso: Isbarbardhiggu waa dabin, Baraha bulshada iyo dadka xaasidiinta ahi keliya waxa ay kaa xadayaan farxaddaada iyo meeshii aad ku fooganayd. Safarkaagu waa jaadgooni, keliya naftaada isbarbardhig tagtadeedii iyo hadda, se cid kale ha isbarbardhigin. 2- Maalgelinta naftaadu maaha nacasnimo: Koritaankaga cidkasta oo kuu dhaw way ka faa’idaysaa. Waxbarashada, tababbarrada, iyo kobcinta xirfadahaagu maaha dayacaad, balse waa u diyaargarawga nolol wanaagsan. 3- Culaysyada shucuureed qofka way burburiyaan in ka badan culaysyada dhaqaalaha: Culaysyada, werwerka iyo qoomamadu iyagaa ka daran culaysyada dhaqaalaha. Maskaxdaada nadiifi, cafiska iyo isku noqoshada naftu waa waxyaabaha ugu muhiimsan. 4- Fekerku markaad dhimato macne malaha: Markaad dhimatid qofna xasuusan maayo waxaad ka fekeraysay. Waxyaabaha debadda kaaga imanayaa yayna saamayn dookhaaga iyo doonistaada. 5- Muhiimaddu waa waxa aad hadda haysatid uun: ...