Posts

Showing posts from February 23, 2020

Sookoobidda buugga “حلية طالب العلم ~Quruxda Ardeyga.”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ حلية طالب العلم ~ Quruxda Ardeyga ” Waxa qoray Sh. Bakar Binu Cabdillaahi Abuu Sayd. Af Carabi ayuu sheekhu ku qoray. Sannadkii   1365kii Hijrada ayuu Magaalada Dawaadami ku dhashay. Dugsigii hoose/ dhexe iyo guud ahaan waxbarashada Dugsiga ee nidaamiga ah waxa uu ku qaatay magaalada Riyaad. Ugu danbayn waxa uu ka baxay jaamacadda Madiina, gaar ahaan Kulliyadda Shareecada. Sidoo kale, Shahaadooyin Master iyo Ph.D wuu qaatay.  Sh. Bakar, waa aqoonyahan ku xeeldheer Diinta Islaamka. Culimada uu wax ka bartay waxa ka mid ahaa Sheekhii waynaa ee Cabdicasiis Ibnu Baas. Muddo badan ayuu maxkamadda weyn ee Madiina Garyaqaan ka ahaa. Masjidka Shariifka ah ee Nebiga ee Madiina ayuu isna waqti dheer macallin wax ka dhiga ahaa. Wasaaradda caddaaladdana wuu la soo shaqeeyay. Lajnada Culimada Sucuudiga, iyo Hay’adda Fatwada u qaabbilsan labadaba wuu ka soo mid noqday. Daaci, Khadiib, iyo Garyaqaan ayuu ahaa. Meelo badan oo kalana wuu ka soo sahqeeyay. Sidoo ka

Xusni Mubarak: Madaxweynihii hore ee Masar

Image
Xusni Mubaarak, ayaa shalay geeriyooday AHUN. Hawlgab ayuu ahaa, oo da’ ahaan   92 gu ayuu cagacagaynayay. Xusni, waxa uu ahaa jiitaa ama keligiitaliye caan ah. Masar waxa uu xukamayay 30 sano, laga soo bilaabo sannadkii 1981kii ilaa 2011kii oo xukunka laga tuuray. Ruugcaddaa in badan siyaasadda iyo maammulka kasoo botorinayay ayuu ahaa. Waqtigaa uu Masar xukumayay aad baa loo tixgelin jiray oo madaxweynayaasha laga haybadaysto ayuu ugu horreeyay. Sannadkii  1928kii ayuu dhashay. Wuxuu ku dhashay Kafr El-Meselha. Barashada Millatariga ayuu galay, wuxuunna qaatay Kulliyada barashada Diyaaradaha. Baylood diyaaradeed ayuu muddo ahaa.   Sargaal ka tirsan Ciidamada Hawada Masar ayuu ahaa in muddo ah. waxa kale, oo uu soo noqday Abbaanduullaha Ciidamada Hawada Masar, iyo Kuxigeenka Wasaaradda gaashaandhigga Dalka Masar. Markii ay Israa’iil iyo Masar is haysteen ee xurguftu ka kacday Kanalka Suways, Xusni aad ayuu u dagaallamay, arrintaasi waxa ay ka dhigtay HALYAY qaran oo muddadii d