Sookoobidda buugga “حلية طالب العلم ~Quruxda Ardeyga.”
Hordhac
Buuggan la yidhaa “حلية
طالب العلم~ Quruxda Ardeyga” Waxa qoray Sh. Bakar Binu
Cabdillaahi Abuu Sayd. Af Carabi ayuu sheekhu ku qoray. Sannadkii 1365kii
Hijrada ayuu Magaalada Dawaadami ku dhashay. Dugsigii hoose/ dhexe iyo guud
ahaan waxbarashada Dugsiga ee nidaamiga ah waxa uu ku qaatay magaalada Riyaad.
Ugu danbayn waxa uu ka baxay jaamacadda Madiina, gaar ahaan Kulliyadda
Shareecada. Sidoo kale, Shahaadooyin Master iyo Ph.D wuu qaatay. Sh. Bakar,
waa aqoonyahan ku xeeldheer Diinta Islaamka. Culimada uu wax ka bartay waxa ka
mid ahaa Sheekhii waynaa ee Cabdicasiis Ibnu Baas. Muddo badan ayuu maxkamadda
weyn ee Madiina Garyaqaan ka ahaa. Masjidka Shariifka ah ee Nebiga ee Madiina
ayuu isna waqti dheer macallin wax ka dhiga ahaa. Wasaaradda caddaaladdana wuu
la soo shaqeeyay. Lajnada Culimada Sucuudiga, iyo Hay’adda Fatwada u qaabbilsan
labadaba wuu ka soo mid noqday. Daaci, Khadiib, iyo Garyaqaan ayuu ahaa. Meelo
badan oo kalana wuu ka soo sahqeeyay.
Sidoo kale, qoraa wayn oo buugaag badan iyo Kutub Shareeco
ah qoray ayuu ahaa. Fanniyo badan ayu wax ka qoray. Fanniyada uu wax ka qoray
waxa ka mid ah Fiqiga, oo waxa uu ka qoray Kutubta ay ka midka yihiin “المواضعة
في الاصطلاح .” “داب
طالب الحديث من الجامع للخطيب.”
Sidoo kale, waxa uu wax ka qoray Xadiiska, waxaanna ka mid ah kutubtaa “تقريب
آداب البحث والمناظرة.”Iyo “مدينة
النبي صلى الله عليه وسلم رأي العين.” Buugaag guudna wuu qoray.
Buuggu waxa uu ka kooban 95 bog. Illaa 7 qaybood ayuu
qaybiyay. Si guud waxa ay soo hoosgalayaan, waxa ardeyga marka uu waxbaranayo
qurxiyo ee looga baahanyahay inuu sameeyo.
Buugga toddobada qeybood ee qoraagu u qoondeeyay ee uu u
qaybiyay ayaynu xabbad xabbad u qali, oo u soo qaadan. Aadaabta ardeyga dhinaca
naftiisa laga rabo ayaynnu tixi doonnaa.Waxaynnu ku xigsiini qaabka uu qofku
wax u baranayo, iyo waxa laga rabo. Haddana ‘ Aadaabta uu ardeygu kula dhaqmayo
macallinkiisa ayaynnu sheegi doonnaa. Waxaynnu ku sii xigsiini“ Ardeygu cidda
uu la saaxiibayo. Waxaynu ku sii dari doonnaa “ Aadaabta laga rabo aqoonta.” In
“ Ardeygu aqoonta ku dhaqmo” ayaynnu sii raacini. Qeybta ugu danbaysa waxaynu
sheegi “ Digniinno” uu qoraagu ardeyga siinayo.
Ugu danbayn waynnu soo xidhi sookoobidda buugga, oo waxaynnu ku soo xidhi “ Maxaa quruxda aqoonta ardeyga ka qaaday?” Intaas ayaynnu faahfaahin. Ugu danbayna gunta iyo gunaanadka ayaynnu isla gaadhi.
Ugu danbayn waynnu soo xidhi sookoobidda buugga, oo waxaynnu ku soo xidhi “ Maxaa quruxda aqoonta ardeyga ka qaaday?” Intaas ayaynnu faahfaahin. Ugu danbayna gunta iyo gunaanadka ayaynnu isla gaadhi.
Nuxurka
buugga
Qeybta 1aad, waxa uu ku bilaabayaa qoraagu aadaabta ardeyga
naf ahaan looga baahanyahay. Aadaabtaa waxa ka mid ah:
1-
Inuu ogaado ‘ in aqoontu
Cibaado tahay.’ Markaa waxaa inuu niyada wanaajiyaa oo ikhlaas ka dhigaa. Nebiga
ku dayo, oo jidkiisii raac.
2-
Allekacabsiga ilaali.
Alle ka cabso markasta, marka aad ardey tahayna wayba ka sii xagjirtaa. Kor iyo
hoos Alle uga cabso.
3-
Isdhuldhig noqo.
4-
Iska ilaali kibirka iyo
faanka.
5-
Ku sifoow dhawrsoonaan,
dulqaad, samir IWM.
6-
Qanaaco yeelo, saahidna
noqo.
7-
Sharaf ku sifow.
8-
Meelaha maalaayacniga
lagu hayo ka dheeroow.
9-
Feker, oo wax fiirfiiri.
10- Waxa
aad dhiganayso sug, oo joogtee.
Qeybta 2aad, waxa uu qoragu kaga warramayaa “ Sida uu
ardeygu aqoonta u raadsanayo iyo qaabka uu ku dhiganayo.” Ardeyga waxaa u
quruxbadan inuu sameeyo arrimo dhawr ah ayuu sheekhu leeyahay. Marka uu maaddo
baranayo waxa muhiim ah inuu qaababkan yeelo:
1-
Inuu ka qaato qof aqoon
u leh, oo sugay.
2-
Waxa uu baranayo waa
inuu wax ka xifdiyaa.
3-
Waxan uu dhiganayo
inuuna ka mashquulin.
4-
Adiga oo aan mid
xifdiyin midkale ha u guurin oo ha bilaabin.
Qeybta 3aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa ‘ Aadaabta uu
ardeygu qofka waxbaraya ama macallinkiisa kula dhaqmayo.” Ardeyga aadaab gaar
ah ayaa looga baahanyahay, halka macallinkana waajibaad laga rabo. Ardeyga
marka aqoonta uu dhiganayo laga yimaaddo dhinaca macallinka waxbaraya waxa
looga baahanyahay:
1-
Inuu Macallinka
xurmeeyo: Inuu macallinka aad u ixtiraamo. Sida inuuna magaciisa oo qallalan
ugu yeedhi ‘ Hebeloo.’ Se waa inuu wax raaciyo sida ‘ Macallin Hebeloow, ama ku
soo koobto Macallin.’ Sidoo kale, marka aad agtiisa joogtid hadalka ha badin,
hana hadlin idinla’aan, waayo ixtiraamyaraan ayay sheegaysaa.
2-
Inuu Macallinka waxa uu
sheegayo uu wax ka qorto: Sheekhu, waxa uu leeyahay halkan waa inaad macallinku
waxa uu sheegayo, ama akhriyayo qorataa oo afkiisa waxa uu ka sheegayo hoosta
ka xarriiqdaaa. Sidoo kale, inaad fahantid, oo waxaad fahanto qorato.
Qeybta 4aad ee buugga waxa uu qoraagu kaga warramayaa “
Aadaabta Saaxiibtinnimada iyo cidda fiican inuu ardeygu la saaxiibo.” Iska
ilaali oo hala saaxiibin saaxiibka xun, ayuu sheekhu leeyahay. Se la saaxiib
saaxiibka wanaagsan, ee ku anfacaya. Sidoo kale, kala ogsoonoow
saaxiibtinnimadu waxa ay tahay.
Qeybta 5aad qoraagu waxa uu kaga warramayaa ‘ Aadaabta
Ardeyga ka saaran Nolosha aqoonta.” Dhawr qodob ayuu taxayaa qoraagu, oo laga
rabo ardeyga marka uu waxbaranayo. Waxa ka mid ah:
1-
Inuu dooniddiisa dhinaca
aqoontu waynaato.
2-
Inuu aqoonta u safro:
Qofku waa inuu aqoonta kolba halka ay taallo ee ehelkeegu joogo ugu tago, oo
raadsado: Ardeyga wanaagsan waxa lagu gartaa inuu aqoonta raadsado.Qofku meesha
uu joogo haddii uu doono inay waxkastaa ugu yimaaddaan suurtagel maaha. Inuu
waxba baran waayo ayay u badantahay.
3-
Aqoonta wixii xifti
kaaga baahan xifti.
4-
Inuu ardeygu fahmo
asalka ama bayska aqoontu laamaha ama faracyada uu usii kala baxo, oo uu fahmo:
Marka uu ogaado in aqoontani lame hoose leedahay waa inuu sii dhexgalaa, oo sii
dhexjibaaxaa.
5-
Ammaano aqooneed inuu
ardeygu yeedho: Ammaanada aqoonta waxaa ka mid ah barashada, ku camalfalidda,
dadka kale in la sii gaadhsiiyo, iyo in si wanaagsan loo guto barashadeeda.
Sidoo kale, iyadna waxaa muhiim ah inuu qofku ilaaliyo xuquuqda buugaagta, iyo
qoraayada, oo waa inuuna ku xadgudbin midna.
6-
Runta: Ardeygu waa inuu
runta ku dadaallaa, oo marka uu waxbaranayo runta ka sheegaa.
7-
Inuu buugaagta
maskaxdiisa korinaysa ee sida “ Aqoonta Guud” uu akhriyo: Waayo buugaagtan
aqoonta guud ama Saqaafadu qofka naftiisa raaxo ayay gelisaa, oo maskaxda ayay
furfurtaa.
8-
Qoraalka waa inuu saxdo,
oo macallinku tuso: Waayo, mararka qaar waxaa dhici karta inuu qaab qaldan u
qoro wax uu macallinku u yeedhiyay, oo uu isagu si kale u fahmo. Dabadeedna,
waxaa dhacaysa inuu si klae u qqaato oo qalad ama xarafbaddel, ku dhaco.
9-
Su’aalaha wanaagsan:
Ardeygu waa inuu joogteeyo wayddiinta wanaagsan isaga oo aadaabteeda raacaya.
Marka uu wax wayddiiyo macallinka waa inuu si wanaagsan u dhagaystaa.
10- Anuu
akhriyo waxa loo soo dhigo, oo uu muraajaceeyo.
Qeybta 6aad qoraagu waxa uu kaga warramayaa “ In uu ardeygu
waxa uu bartay ku dhaqmo.” Sheekhu, waxa uu halkan kaga warramayaa aoqonta
wanaagsan calaamadaheega inay ka midtahay ku dhaqanku. Aqoonta qofka inay waxn
tartay oo uu wax ka korodhsaday waxa lagu yaqaan:
1-
Wuu ku dhaqmaa.
2-
Wuxuu diidaa in lagu
ammaano.
3-
Markasta oo ay
aqoontiisu badato isdhuldhiggiisa ayaa bata.
Qeybta 7aad, waxa uu qoraagu ku soo gudbinayaa “ Digniino”
uu ardeyga aqoonta doonaya siinayo. Talooyin ayuu bixinayaa. Waxa ka mid ah:
1-
Iska ilaali oo aqoonta hal
taako hala gelin: Aqoonta inyar haka baran, macne ahaan taako ( oo ah masaafada
u dhexaysa suul iyo Murdisada). Waxa hore loo yidhi: “ Aqoontu waa saddex
taako. Taakada 1aad qofka galaa wuu iskibriyaa. Taakada 2aad, qofka galaanna
wuu is hoosdhigaa (Tawaaduc). Taakada 3aad, qofka galaanna wuxuu ogaadaa inuuna
aqoon baran.” Markaa taakada 1aad ha geline sii dhexqaad.
2-
Shubhada badan
qalbigaaga ka ilaali.
3-
Laxniga ka digtoonoow.
4-
Adiga oo aan aqoonta si
wanaagsan u baran ha odhan “ Si wanaagsan ayaan sheygaa u aqaan.” Naftaada ha
hafrin, oo waxaanad garanayn ha isku cumaamadin.
Arrimahaa dhammaan aynnu ka soo warranay ee toddobada
qaybood ahaa qoraagu waxa uu qabaa in ay yihiin “ Quruxda Ardeyga Aqoonta
Doonaya.” Haddii uu ka tagana quruxdii aqoonta ma yeelanayo. Sida dharka, iyo
waxyaabaha la xidhaa qofka bilic ugu yeelaan ayay qodobbadaasina AQOONTA iyo
qofka BARANAYA u qurxiyaan.
Wuxuu qoraagu buugga ku soo xidhayaa “ Quruxdaa Ardeyga
Maxaa ka qaadi kara?” Dhawr qodob ayaa ka mid ah:
1-
Xaasidnimada.
2-
Caloolxumada.
3-
Labadii qof ee wada
hadlaya inuu iska dhexgalo/ waxay wateen labadaa qofki ka dhexgalo.
4-
Dooddaa aan midhadhalka
ahayn oo uu badiyo.
5-
Iyo Kuwa kaloo badan.
Gebagebo
Buugga toddobada qeybood ee qoraagu u qoondeeyay ee u
qaybiyay ayaynu xabbad xabbad u soo qalnay, oo u soo qaadannay. Aadaabta
ardeyga dhinaca naftiisa laga rabo ayaynnu soo sheegnay. Waxaynnu ku xigsiinnay
qaabka uu qofku wax u baranayo, iyo waxa laga rabo. Haddana ‘ Aadaabta uu
ardeygu kula dhaqmayo macallinkiisa ayaynnu sheegnay. Waxaynnu ku sii xigsiinnay
“ Ardeygu cidda uu la saaxiibayo. Waxaynu ku sii darnay “ Aadaabta laga rabo
aqoonta.” In “ Ardeygu aqoonta ku dhaqmo” ayaynnu sii raacinnay. Qeybta ugu
danbaysa waxaynnu sheegnay “ Digniinno” uu qoraagu ardeyga siinayo.
Ugu danbayn waynnu soo xidhnay waxaynnu ku soo xidhnay “ Maxaa quruxda aqoont ardeyga ka qaaday?” Dhammaan xagga hore ayaynu ku soo faahfaahinnay.
Ugu danbayn waynnu soo xidhnay waxaynnu ku soo xidhnay “ Maxaa quruxda aqoont ardeyga ka qaaday?” Dhammaan xagga hore ayaynu ku soo faahfaahinnay.
Buuggu waa buugaagtan dhifka ah ee latalinta ardeyga
xooggasaarta. Qofkii xogtaa ka badan jecel, ee waqti u helaa inuu akhristaan
kula talinayaa.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Febraayo 03, 2020.
Comments
Post a Comment