Posts

Showing posts from February 2, 2020

Sookoobidda buugga “ تعليم المتعلم طريق التعلم~Barashada uu baranayo Ardeygu Habka wax loo barto.”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ تعليم المتعلم طريق التعلم .” Waxa qoray Sheekh Burhaan Islaam, oo ku magacdheeraa As-Sarnuuji. Sarnuuji meeshii uu ka soo jeeday ayay ahayd, oo hadda qiyaas ahaan waa meesha u dhexaysa Webiga Jiinjaan, iyo Turkistaan. Wuxuu dhashay 591dii Hijrada. Fiqiyaqaannadii waaweyneed ee Xanafiyada ayuu ka mid ahaa. Wuxuunna ku caanbaxay ka hadalka mawdduucyada aqoonta ku saabsan. Shaqadiisuna qoraa ayay ahayd. Buuggan uu muddada hore qoray, waa la iskaga danbeeyay oo dhawr wadaad oo kale ayaa dabadii dib u cusboonaysiiyay oo daabacay. Waxa ka mid ah Salaax Maxamed Khiimi, oo sannadkii 1987kii Dimishiq ku daabacay, intuu taxqiiqiyay. Kan aan anigu hayana waxaa soo saaray, oo xataa Muqaddamada ku darsaday Sheekha Jabuuti ee Cabdillaahi Cali Geelle. 2012kii ayuu daabacay. Jeldiga horana wuxuu ba ku qortay ‘ تخريج ’ oo macnaheedu tahay ‘ Soosaare.’ Buuggu waa buugyare kooban, oo aqoon badani ka tiixayso. Bogag ahaan ma badna illaa 63 bog ayuu ka koobanyahay. Q