Posts

Showing posts from September 4, 2022

Faallada Buugga “ Outliers ~ Jaadgooni”

Image
  Buuggan la yidhaahdo “Outliers” waxa qoray Malcolm Gladwell. Malcolm, waa qoraa, dhaqanyaqaan iyo Wariye caan ah. Wuxuu ku dhashay dalka Ingiriiska sannadkii 1963kii. Sannadkii 1984kii wuxuu ka qalinjebiyay oo shahaadada Digriiga Kulliyadda taariikhda ka qaatay jaamacadda Toronto. Malcolm, intii u dhexaysay sannadihii 1987kii illaa 1996kii wuxuu ahaa qoraa wax ku qora Washington Post, wuxuuna wax ka qori jiray ganacsiga iyo Sayniska. Wuxuu haddana muddo ka shaqayn jiray The New York Magazine. Sannadkii 2005kii qoraa Malcolm waxa majalladda One of Time Magazine ku dartay 100 qof ee adduunka ugu saamayn badan. Cinwaanka Buugga Outliers waxa aynu ku macnayn karnaa “ Dad jaadgooni ah” Waan shakhsiyaad taariikh gaar ah iyo sooyaal cuddoon oo wacan leh. Buugga waxa uu kaga warramayaa Sheekooyin la xidhiidha guusha. Dad kala duduwan ayuu soo qaadanayaa. Waxa aan isku dayi doonaa inaan soo kobo cashirrada laga baran karo. Waa maxay cashirrada buugga laga baran karaa? 1-       In

Dabbaaldegga Qalinjebinta Saaxiibkay Rumaad ( Best Friend): Abuubakar Duceysane 2022

Image
  Masjid aan Mu’addin ka ahaa ayuu dadka ku tukada ka mid ahaa, waa dhammaadkii sannadkii 2015kii. Nin furfiran oo akhyaara ayuu iila ekaaday. Masjidka iyo cibaadada wuu ku wacnaa. Galabtii ayuu Masaajidka iman jiray oo wax ku akhrisan jiray. Anna masaajidka ayaan inta badan joogi jiray. Dhawr mar ayaan si guud u sheekaysannay, waqtigaas oo ahayd dhammaadkii 2015kii ayuu Muqdisho ka yimid. Annaga oo Masjidka isku barannay ayaan Dugsiga Saree e Ubaya Binu Kacab haddana isku aragnay. ‘ Saaxiib ma Dugsigan ayaad dhigataa? Iyo adna ma kan ayaad dhigataa?’ ayaan iskala hor nimidnay. Haa, iyo haa ayay jawaabtii noqotay. Halkii ayaan si wanaagsan isku barannay qofka aan jeedo oo ah Abuubakar Duceysane , Dugsiga hal sano ayaan ka sarreeyay, waqtigaas isagu Form Two ayuu ahaa, anna Form Three ayaan ahaa. Waannu isdabeecad fahannay, waxa aan noqonnay saaxiibbo isku dhaw. Waqtiga Biriiga waannu wada biriigan jirnay. Waxbaannu wada yeellanay, oo walaalo iyo akhyaar cidkasta iskaga dhaw ayaan no