Faallada Buugga “ Outliers ~ Jaadgooni”

 


Buuggan la yidhaahdo “Outliers” waxa qoray Malcolm Gladwell. Malcolm, waa qoraa, dhaqanyaqaan iyo Wariye caan ah. Wuxuu ku dhashay dalka Ingiriiska sannadkii 1963kii. Sannadkii 1984kii wuxuu ka qalinjebiyay oo shahaadada Digriiga Kulliyadda taariikhda ka qaatay jaamacadda Toronto. Malcolm, intii u dhexaysay sannadihii 1987kii illaa 1996kii wuxuu ahaa qoraa wax ku qora Washington Post, wuxuuna wax ka qori jiray ganacsiga iyo Sayniska. Wuxuu haddana muddo ka shaqayn jiray The New York Magazine. Sannadkii 2005kii qoraa Malcolm waxa majalladda One of Time Magazine ku dartay 100 qof ee adduunka ugu saamayn badan.

Cinwaanka Buugga Outliers waxa aynu ku macnayn karnaa “ Dad jaadgooni ah” Waan shakhsiyaad taariikh gaar ah iyo sooyaal cuddoon oo wacan leh.

Buugga waxa uu kaga warramayaa Sheekooyin la xidhiidha guusha. Dad kala duduwan ayuu soo qaadanayaa. Waxa aan isku dayi doonaa inaan soo kobo cashirrada laga baran karo.

Waa maxay cashirrada buugga laga baran karaa?

1-      In la Dadaalo: Si aad guulayste u noqotid, waxa jira waxyaabo adiga kaa baxsan oo saamayn kugu leh, waxyaabahaas ha isku mashquulin, kaliya awoodda saar wixii aad awoddid ee maarayn kartid oo ah dadaalka iyo

2-     Guulaha aad gaadhaysid waa hibo lagu daray waxqabad:Awoodda dabiiciga ahi waxa ay ku siin kartaa bilow fiican iyo inaad hore u socotid, balse kuuma dammaanad qaadi karto guul.

3-     Xeerka 10,000 saacadood: Waxa ay ku qaadanaysaa 10,000 saacadood  si aad uga mid noqotid dadka muhiimka ah ee la tixgeliyo. Khabiirradu intooda badan tan waxa ay ku guulaystaan in ka badan toban sannadood.

4-     Waxa aad rabtid ama hammigaaga la saaxiib/guurso: Qabo shaqo aad ku qanacsantahay oo 8 saacadood ah.

5-     Yeelo Maanhag ama si-u-arag ( Attitude) Guul raba: IQ ga iyo hibada dabiiciga ahi waa muhiim, balse waa inay ahaadaan kuwo jihaysan.

6-     Taageerada: taageerada wanaagsan waxa ay soo saartaa dad xul ah ( Legends). Halka aad maanta joogto maad soo gaadhin waalid, walaal, saaxiib ama qof kale oo ku gacanqabtay haddii uuna jirin.  Dhammaantood waxa ay soo saaraan geesiyaal.

7-     Dunidu maaha caddaalad: Dadku inta badan waxa ay la dhashaan hibo dabiici ah, duruufo wanaagsan, iyo meelo deggan oo ay fursad ku helaan. Qofkasta caddaalad darradu dhinac bay ka haysataa. Shayna ha u oggolaan inuu dib kuu hayo marka laga yimaaddo yoolashaada.

8-    Aroortii kac 4 aroornimo: Qofkasta oo xilligaas inta badan kacaa waa guulayste. Kooxda xilligaas kacda ku biir.

9-     Marka aad shaqaynaysid 3 shay ogoow:

B) Inaad shaqada jeceshahay.

T) Inay caqabadi timaad.

J) Iyo inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya dadaalkaaga iyo abaalmarintaada.

 

Waxa aan isha Mariyay Review ga uu sameeyay, waxna ka soo xigtay qoraa Muxsin Ixsaan, oo ah qoraa Baakistaani ah.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

27 Ogosto, 2022.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?