Dabbaaldegga Qalinjebinta Saaxiibkay Rumaad ( Best Friend): Abuubakar Duceysane 2022

 

Masjid aan Mu’addin ka ahaa ayuu dadka ku tukada ka mid ahaa, waa dhammaadkii sannadkii 2015kii. Nin furfiran oo akhyaara ayuu iila ekaaday. Masjidka iyo cibaadada wuu ku wacnaa. Galabtii ayuu Masaajidka iman jiray oo wax ku akhrisan jiray. Anna masaajidka ayaan inta badan joogi jiray. Dhawr mar ayaan si guud u sheekaysannay, waqtigaas oo ahayd dhammaadkii 2015kii ayuu Muqdisho ka yimid. Annaga oo Masjidka isku barannay ayaan Dugsiga Saree e Ubaya Binu Kacab haddana isku aragnay. ‘ Saaxiib ma Dugsigan ayaad dhigataa? Iyo adna ma kan ayaad dhigataa?’ ayaan iskala hor nimidnay. Haa, iyo haa ayay jawaabtii noqotay.

Halkii ayaan si wanaagsan isku barannay qofka aan jeedo oo ah Abuubakar Duceysane , Dugsiga hal sano ayaan ka sarreeyay, waqtigaas isagu Form Two ayuu ahaa, anna Form Three ayaan ahaa. Waannu isdabeecad fahannay, waxa aan noqonnay saaxiibbo isku dhaw. Waqtiga Biriiga waannu wada biriigan jirnay. Waxbaannu wada yeellanay, oo walaalo iyo akhyaar cidkasta iskaga dhaw ayaan noqonnay. Halkaas ayay saaxiibtinnimadaya 7 jirsatay ka bilaabantay.

Markii aannu muddo isnaqaannay, wuxuu Abuubakar igu dhiirrigeliyay akhriska, oo buug uu Muqdisho kala yimid oo sheekooyin iyo noocyo kale ahaa ayuu ii dhiibay. Abuubakar, sannadkii 2015kii wuxuu ahaa qoraagii ugu yaraa ee ka qaybgalay Bandhiggii buugaagta Muqdisho oo markii ugu horraysay la qabtay. Akhriska hore ayuu u yaqaannay, qoraa wax qorana wuu ahaa, walow uu da’ ahaan yaraa haddana maskax ahaan nin wacyi sarreeya ayuu ahaa. Akhriska ayaan si tartiib tartiib ah ula qabsaday, oo akhriska ka baxsan Manhajka waxa aan bilaabay sannadkii 2016kii, dhiirrigelinta ugu wayna waxa lahaa saaxiibkay Abuubakar. Mahad gaara ayaan saaxiibkay uga hayaa.

Markii aan akhriska la qabsaday waxa aan bilaabay inaan wax qoro. Marka qofku wax akhriyo, isaguna jecelyahay wuxuu rabo, cid ku dhiirrigelisana uu helo ayuu wax qori karaa. Markale Abuubakar wuxuu isiiyay dhiirrigelin aan wax ku qori karo, wuuna I tilmaamay, maadaama uu qoraalka igaga horreeyay. Tilmaanta uu I tilmaamay waxa ay ahayd tii uu isagu awoodayay oo ahayd intii aqoontiisa ahayd. Sidoo kale, waqtigaas wuxuu isiiyay caawimaad saaxiibtinnimo oo dhinacyo badan leh. Wuu ku mahadsanyahay.
Abuubakar waqti badan ayaan wada qaadannay; murugo, farxad, iyo xaaladkasta oo nololeed waan soo wada marnay. Haddii la I wayddiiyo Abuubakar Qeex? Waxa aan ku qeexi lahaa nin karti badan, dad isku wad leh, dabeecad wanaagsan, Alle ka cabsi badan, kaftanyaqaana, deeqsi ah, ragyaqaan ah, iyo sidoo kale leh sifo kasta oo qof wanaagsan lagu yaqaanno.

Intii aan saaxiibbada ahayd waxa aan ka markhaati ahay hal’abuurkiisa; inta barnaamij, inta hawlood ee uu hal’abuuray, socodsiiyay ee hormuud u ahaa tiro malaha. Magaalada Boorama arrimaha bulshada dadka ugu cadcad ee madalkasta wax laga wayddiiyo ayuu ahaa. Waxa iyadna xusid mudan inuu daaddihiye ka ahaa barnaamijyadii ugu waawaynaa ee Boorama ka dhacay sannadihii u danbeeyay. Sidoo kale, ururro badan ayuu dhisiddooda iyo aasaaskooda qayb wayn ka ahaa, isaga la’aantiina ayna suurtagal noqoteen. Igama aha faanin saaxiibkay ah, se cidkasta oo taqaannaa arrimahaa way uga maragkici.
Maanta ayuu Saaxiibkay, marna walaalkay Ducaysane ka qalinjebiyay Jaamacadda Cammuud. Wuxuuna bartay culuumta Sharciga. Waa garyaqaan buuxa. Marka hore waan u hanbalyaynayaa, waxaanan leeyahay ‘ Saaxiib, waxa kuun hanbalyaynayaa Sandheerihii aad 7 sano ka hor Masjid Dacwa isku barateen, aad wax soo wada barateen, waqtiga badan isla qaadateen. Kartidaada iyo aqoontaada waan ku kalsoonahaye hore u soco, Alle ha kugu anfaco.’

Waxa uu sidoo kale Degree kale kalhore 2021 ka qaatay Jaamacadda Beder. Sidoo kale, isla sannadkan wuxuu diyaariysay Shahaadada Saree e Master ta. Waxa intaaba u dheerayd inuu isagu wax isbaray ( Self Study).

Tayo aqooneed, karaan ( Capacity), dad la dhaqan iyo sifo kasta Abuubakar waan ku ogahay. Waxa aan HALKAN ka xusayaa, maadaama Duceysane maanta qalinjebiyay in berri marka uu SHAQO bilaabo, SHIRKADDA ama xarunta uu SHAQADA Ka bilaabaa ay aad u nasiib badantahay, waayo qof qiimo leh, karti leh oo hawlkar ah ayay xusheen. Shaqaale marka la xulanayana wixii uu hore u soo qabtay ayay CAALAMKU ku qiimeeyaan, waana sababta ay u horumareen.

Markale, saaxiib Hanbalyo, waxaanan kuu sheegayaa inaad xiddig tahay meelkasta oo aad tagtid.

Ducaysane oo qalinjebiyay waa Sandheere oo qalinjebiyay, waayo saaxiib ii dhaw, oo cidkasta iiga dhaw, anna aan uga dhawahay. Qoraalkan kuma koobi karo shakhsiyadda Abuubakar.

Iila hanbalyeeya saaxiibkay Abuubakar.😍😍

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?