Xasuus Habeeneed

Mufakarkii waynaa ee Cali Shariicati wuxuu yidhi: " Saaxiibkay ayaan ku idhi ' Muxuu Diigiinu la qaylyi waayay?' Wuxuu yidhi ' Jaarka ayaa ka soo cawday oo uu hurdada ka toosin jiray aroortii, ka dibna waan gawracnay.' ..." Ustaad Cali Shariicati qisadan gaaban ee macnaha leh wuxuu ku ladhay murti, wuxuuna yidhi: ' Halkan waxa aan ka fahmay sida aan ku aragno sooyaalka taariikheed ee soo taxnaa in dadku ciddii hurdada wacan ee ay ku jiraan ka toosisa madaxa ka jaraan. Maantana waxa jira dad madaxa ka jaraya cidda ku qaylida ee isku dayda in ay ka toosiso hurdada wayn ee ay ku jiraan. Dadkeenna hadda noolna aad bay u hadalhayaan magaca Digaaga, aad na way u iibsadaan. Qofna ma xuso oo ma sheego magaca Diiga. Dadku waxa ay aad u jecelyihiin waxa ay cunaan ee caloosha ku buuxiyaan, kamana fekeraan waxyaabaha kor u qaadaya caqliyadooda iyo afkaartooda. Waxa aan leeyahay: ' Haddii aad rabtid in aad noolaatid waqti dheer ha noqon Diig, balse noqo Digaagad....