5 Qodob haddii aad samaysid muddo 3bilood waxaad noqon qof kale Insha Allah
Shantan qodob waa kuu muhiim, haddii aad ku dhaqantid waxa aad noqon qof cusub oo kii hore ka duwan Insha Allah. Waa kuwan qodobbadu:
1- Waa in aad wax u barataa si maalinle ah: In aad si maalintii 30 daqiiqo wax akhridid way kugu filantahay. Buug akhri, Podcast dhegayso, ama si kale naftaada u horumari. Muddo yar ka dib waxa aad is arki iyada oo isbeddel wayn ku yimid habfekerkaaga iyo aqoontaada guud ba.
2- Maalintaada nidaami: Aroorkasta qoro saddex arrimoood oo kuu muhiima, ka dibna saddexdaas fuli.
3- Iska shaandhee cidda kugu hareeraysan ama la xidhiidhaysid: Ka fogow qofkasta oo saamayn taban kugu yeelanaya, ka agdhawaw dad ku dhiirrigeliya oo degganaan kugu kordhin karta.
4- Naftaada daryeel: Hurdo fiican seexo, jimicso, qaadana waqti nasasho. Caadooyin yaryar waxa ay kaa dhigi doonaan kuwo qofkaad hore u ahayd ka duwan jidh ahaan iyo maskax ahaan ba.
5- Waxyaabo cusub tijaabi: Bilkasta tijaabi wax cusub, tusaale ahaan luuqad cusub baro, xirfad cusub baro, ama hiwaayad cusub yeelo.
Haddii aad shantaas qodob ku dhaqantid waxa kugu iman doona isbeddel wayn oo shakhsiyadeed, jidheed iyo nafsadeed ba.
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere
May, 2025
Comments
Post a Comment