Posts

Showing posts from July 19, 2020

Sookoobidda Buugga “ 12 Rules For Life ~ 12ka Xeer ee Nolosha”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ 12 Rules For Life ~ 12ka Xeer ee Nolosha” waxa qoray Jordan B. Peterson. Jordan, waa qoraa iyo Dhakhtar Kasmanafeed oo Kanadiyaan ah. Waxa uu wax ka bartay Jaamacadda     Alberta , oo Degriigii koowaad ee Siyaasadda iyo Saykoolajiga ka qaatay. Jaamacadda     McGill University oo uu Ph.D Saykoolajiga ah ka diyaariyay, iyo Jaamacadda Harvard oo uu Cilmibaadhis ka waday muddo. Ka soo bilow 1998kii ilaa hadda waxa uu dhigaa Jaamacadda Toronto, wuxuunna dhigaa aqoonta Saykoolajiga. Sannadkii 1999kii ayuu buuggiisii u horreeyay soo saaray. Buugga waxa la yidhaa “ Maps of Meaning: The Architecture of Belief .” Cashirro taxane ah ayuu Yuutubka ka bilaabay sannadkii 2016kii. Kumanaan dada ayaa ku xidhan oo daawada. Sannadkii 2018kii ayuu soo saaray buuggan “ 12 Rules For Life ~ 12ka Xeer ee Nolosha.” Waxa uu ka midyahay buugaagta caalamka ugu iibsiga badan. Waxa laga daabacay in ka badan 4 Milyan oo Koobbi. Bog ahaan waa 442 bog marka uu Daabacanyahay