Sookoobidda Buugga “ 12 Rules For Life ~ 12ka Xeer ee Nolosha”


Hordhac

Buuggan la yidhaa “ 12 Rules For Life ~ 12ka Xeer ee Nolosha” waxa qoray Jordan B. Peterson. Jordan, waa qoraa iyo Dhakhtar Kasmanafeed oo Kanadiyaan ah. Waxa uu wax ka bartay Jaamacadda   Alberta, oo Degriigii koowaad ee Siyaasadda iyo Saykoolajiga ka qaatay. Jaamacadda   McGill University oo uu Ph.D Saykoolajiga ah ka diyaariyay, iyo Jaamacadda Harvard oo uu Cilmibaadhis ka waday muddo. Ka soo bilow 1998kii ilaa hadda waxa uu dhigaa Jaamacadda Toronto, wuxuunna dhigaa aqoonta Saykoolajiga.

Sannadkii 1999kii ayuu buuggiisii u horreeyay soo saaray. Buugga waxa la yidhaa “Maps of Meaning: The Architecture of Belief.” Cashirro taxane ah ayuu Yuutubka ka bilaabay sannadkii 2016kii. Kumanaan dada ayaa ku xidhan oo daawada.
Sannadkii 2018kii ayuu soo saaray buuggan “ 12 Rules For Life ~ 12ka Xeer ee Nolosha.” Waxa uu ka midyahay buugaagta caalamka ugu iibsiga badan. Waxa laga daabacay in ka badan 4 Milyan oo Koobbi. Bog ahaan waa 442 bog marka uu Daabacanyahay  ( Hard0, halka marka uu E book yahay uu 320 bog ka yahay.
Waxa uu kaga warrama 12kaa xeer ee nolosha isaga oo dhinacyo kaladuwan ka eegaya. Xeerastaana waa cutub kali ahaantii. Si guud ayaynu xeerarka u dulmari.

Nuxurka Buugga
Xeerarka qaar ka mid ah ayaynu soo qaadan:
1-      Naftaada ula dhaqan sida qof aad ka masuultahay oo aad caawisid.
2-    Saaxiibka dhigo dadka kuu wanaagsan
3-     Naftaada barbardhig qofkii aad ahayd shalay, qof kale ha barbardhigin.
4-    Carruurtaada ha u oggolaan inay sameeyaan shay aad ku nici doontid.
5-     Gurigaaga hagaaji intaanad adduunyada dhaliilin: Naftaada iyo cidda kuu dhaw hagaaji intaanad cidkale dhaliilin.
6-    Runta sheeg, oo ugu yaraan been ha sheegin.
7-     Ka soo qaad qofka markaad dhagaysanaysid in uu garanayo wax aanad garanayn.
8-    Hadalkaaga qiimo u yeel.

Gebagebo
Buugga gebigiisu waa 12kaas qodob. 8 ka mid ah ayaynu soo xusnay. Intaas ayaan ku soo koobayaa. 


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
23 Abril, 2020.






Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?