Posts

Showing posts from October 3, 2021

Gorfeynta Buugga “ Before You Quit Your Job.”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ Before You Quit Your Job ~ Ka hor intaanad iska casilin Shaqadaada” Cinwaanhoosaadkiisuna yahay “ 10 Real-Life Lessons Every Entrepreneur Should Know About Building a Multimillion-Dollar Business ~ 10ka cashir Nololeed ee Dhabta ah ee ay Tahay inuu Hal’abuur Ganacsi oo kastaa o gaado, oo ah sidii uu uu Dhisi Lahaa Ganacsi Malaayiin Doollar Macaasha.” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki, dhashay 1947kii, haddana nool. Oo ah qoraa, iyo Ganacsade Maraykan ah. Ah na aasaasaha Rich Global LLC iyo the  Rich Dad Company , iyo ganacsiyo kale oo gaar ahaaneed. Waxa qoridda ka caawiyay oo la qoray John Fleming iyo Kim Kiyosaki. Qoraagu wuxuu caan ku yahay ka hadalka iyo waxka qoridda arrimaha Ganacsiga iyo dhaqaalaha. Wuxuu qoray buugaag badan oo sida la sheegay 26 sare u dhaafay. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga ‘ Why A students work for C Studenst, and B students for Government.’ Sidoo kale, waxa uu qoray ‘ Rich Dad’s Increase Your Financial IQ.’ R

Sookoobidda Buugga “15 Secrets Successful People Know About Time Management~ 15ka Sirood ee Guulaystayaashu Maaraynta Waqtiga Ka Yaqaannaan.”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ 15 Secrets Successful People Know About Time Management~ 15ka Sirood ee Guulaystayaashu Maaraynta Waqtiga Ka Yaqaannaan.” Waxa qoray Kevin M. Kruse, oo ah Bare Jaamacadeed oo Sooyaalka ka dhiga Jaamacadda Princeton. Waxa uu u dhashay Dalka Maraykanka. Sidoo kale, waa qoraa. Waxa uu xiiseeyaa oo wax ka qoraa Siyaasadda, arrimaha Bulshada IWM. Buugaag kalana wuu qoray. Buugta uu qoray waxa ka mid ah “ One Nation Under God.” Cinwaanhoosaadka buuggu waa “ The Productivity Habits of 7 Billionaires, 13 Olympic Athletes, 29 Straight-A Students, and 239 Entrepreneura ~ Caadooyinka waxtarka leh ee ay lahaayeen 7ba Bilyaneer, 13 Ciyaaryahanno Olombik ah, 29 Ardey Xariifiina oo A ah, iyo 239 Hal’abuurayaal ganacsi ah.” Buuggu waxa uu ka warramayaa maaraynta waqtiga. Waa  302 bog marka uu PDF yahay. Wuxuunna sheegayaa 15 siro oo guuleystayaashu waqtiga u maareeyaan, kana ogyihiin. Qaar ka mid ayaan soo qaadan. Nuxurka Qoraagu waxa uu xusayaa waxyaabaha

Hordhaca Turjumaaga ee Buugga " Dhabbadii Dhibaatada"

Image
  Sannado badan waxa warbaahinta dunida haystay qaraxii Maraykanka ka dhacay 11kii Sibtanbar, sannadkii 2001dii. Waqti aad u badan ayuu arrin wayn oo la hadal hayo u ahaa dadwaynaha guud ahaan, gaar ahaanna mareegaha kaladuwan ee wararka lagu soo bandhigo. Waxaa in badan aad loo qaadaadhigayay sida qaraxaasi u dhacay, saamayntiisa, hantidii ku burburtay, dadkii ku qaxay, dadkii ka danbeeyay, ciddii maalgelisay, ciddii fulisay, iyo waxyaabo badan oo la xidhiidha hawlgalkaas. Sidaas si la mid ah in badan ayay warbaahinta dunida u ahayd warka madaxdiisa iyo meelaha ugu xasaasisan ee laga warramo, waxa ka soo kordhana aad indhaha loogu hayn jiray. Qaraxu si lala yaabay, oo in badan indhaha lagu sii hayay, horana aan loo arag oo loo maqal ayuu u dhacay. Qarax lala beegsaday dhisme ayaa sakad dhan oo isku wareeg ah, oo kor iyo hoosba lihi u gubatay— weliba labadaas dhisme ee qaraxa lala eegtay waxa ay ahaayeen laba dhisme oo aad u dhaadheer oo dherer wax ay ka qabaan cirka isku shareer