Sookoobidda Buugga “15 Secrets Successful People Know About Time Management~ 15ka Sirood ee Guulaystayaashu Maaraynta Waqtiga Ka Yaqaannaan.”

 

Hordhac

Buuggan la yidhaa 15 Secrets Successful People Know About Time Management~ 15ka Sirood ee Guulaystayaashu Maaraynta Waqtiga Ka Yaqaannaan.” Waxa qoray Kevin M. Kruse, oo ah Bare Jaamacadeed oo Sooyaalka ka dhiga Jaamacadda Princeton.

Waxa uu u dhashay Dalka Maraykanka. Sidoo kale, waa qoraa. Waxa uu xiiseeyaa oo wax ka qoraa Siyaasadda, arrimaha Bulshada IWM. Buugaag kalana wuu qoray. Buugta uu qoray waxa ka mid ah “ One Nation Under God.”

Cinwaanhoosaadka buuggu waa “The Productivity Habits of 7 Billionaires, 13 Olympic Athletes, 29 Straight-A Students, and 239 Entrepreneura ~ Caadooyinka waxtarka leh ee ay lahaayeen 7ba Bilyaneer, 13 Ciyaaryahanno Olombik ah, 29 Ardey Xariifiina oo A ah, iyo 239 Hal’abuurayaal ganacsi ah.”

Buuggu waxa uu ka warramayaa maaraynta waqtiga. Waa  302 bog marka uu PDF yahay. Wuxuunna sheegayaa 15 siro oo guuleystayaashu waqtiga u maareeyaan, kana ogyihiin. Qaar ka mid ayaan soo qaadan.

Nuxurka

Qoraagu waxa uu xusayaa waxyaabaha guuleystayaashu ka yaqaannaan waqtiga. Waxaana ka mid ah:

1-      Waxa ay xooggasaaraan daqiiqada, xoogga kaliya ma saaraan saacadaha: Waxa uu halkan qoraagu xusayaa in guulaystayaashu ay xooggasaaraan waxa ugu yare e waqtigooda ah. Halkii ay kaga xisaabtami lahaayeen saacadaha, waxa ay kaga xisaabtamaan daqiiqadaha. Qofku haddii uu waxa yar diiradda saaro, waxa wayna wuu ka faa’ideysan karaa.

2-    Shey kaliya ayay waqti qabtaan: Halkan waxa uu ka wadaa arrimaha iskuma dulwadaan. Shey ayay qabtaan oo ka soo dhalaalaan. Markay kaa dhammeeyaan ayay ka kale bilaabaan.

3-     Ma isticmaalaan Liis: Qoraagu waxa uu ku doodayaa inayna isticmaalin Liis sheegaya waxa ay qabanayaan.

4-    Waxa ay iska ilaaliyaan Caajiska/wahsiga: Waqtiyada ay wax qabanayaan waxa ay aad iskaga ilaaliyaan caajiska, iyo waxkasta oo caajis iyo wahsi ku sababaya.

5-     Waxa ay samaystaan Note Book: Waxa ay leeyihiin Buug ay ku qortaan kolba waxa ay doonayaan inay qabtaan.

6-    Waxa ay iska ilaaliyaan kulama ay lacagtu kaga baxayso: Macne ahaan, kuma badna kulama.

7-     Inta badan waxa ay isticmaalaan ‘ Maya’: Waa dad diidmada waxyaabaha qaar yaqaanna oo aan waxkasta yeelin.

8-    Waxa ay sameeyaan shaqada u taalla: Waxa ay qabtaan waxyaabaha ka qabyada ah.

Gebagebo

Qodobbada intaas ayaan muhiim u arkay oo soo qaatay. Waxa aad mooddaa kuwa kale in ayna qofka waxbadan ku kordhinayn. Sidaas dardeed ayaan uga tagay. Intaas ayaan ku soo koobayaa.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

26 Abril, 2020.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?