Hordhaca Turjumaaga ee Buugga " Dhabbadii Dhibaatada"

 



Sannado badan waxa warbaahinta dunida haystay qaraxii Maraykanka ka dhacay 11kii Sibtanbar, sannadkii 2001dii. Waqti aad u badan ayuu arrin wayn oo la hadal hayo u ahaa dadwaynaha guud ahaan, gaar ahaanna mareegaha kaladuwan ee wararka lagu soo bandhigo. Waxaa in badan aad loo qaadaadhigayay sida qaraxaasi u dhacay, saamayntiisa, hantidii ku burburtay, dadkii ku qaxay, dadkii ka danbeeyay, ciddii maalgelisay, ciddii fulisay, iyo waxyaabo badan oo la xidhiidha hawlgalkaas. Sidaas si la mid ah in badan ayay warbaahinta dunida u ahayd warka madaxdiisa iyo meelaha ugu xasaasisan ee laga warramo, waxa ka soo kordhana aad indhaha loogu hayn jiray.

Qaraxu si lala yaabay, oo in badan indhaha lagu sii hayay, horana aan loo arag oo loo maqal ayuu u dhacay. Qarax lala beegsaday dhisme ayaa sakad dhan oo isku wareeg ah, oo kor iyo hoosba lihi u gubatay— weliba labadaas dhisme ee qaraxa lala eegtay waxa ay ahaayeen laba dhisme oo aad u dhaadheer oo dherer wax ay ka qabaan cirka isku shareeray. Markii walaxdii qaraxa ahayd lagu dhuftay goobta gebigeedii way oloshay oo qiiqii, casaankii, iyo uurada madaw ee samada galay waa la argaggaxay. Dadkii dhacdadaas u dhawaa ee magaalada joogay lamafilaan, argaggax iyo u qaadanwaa ayay ku noqotay.

Saamayn badan ayuu dalkii uu ka dhacay oo Maraykan ahaa ku keenay. Saamaynta uu keenay waxa ka mid ahaa inay kumannaan nafood ku qudhbaxaan, oo ku dhintaan—In kumannaan dad ah la waayo meel ay raq iyo ruuxba mareen, iyo in dad aad u farabadan laga dhex helay iyaga oo dhexgalay dhismihii dumay—oo dhiiggii iyo hadhaagii dhismaha burburay isku dhageen. Intaas waxaa dheeraa saamaynta dhaqaale ee uu guud ahaan dalka—gaar ahaanna magaaladii uu ka dhacay ku keenay. Hanti aad u badan ayaa ku burburtay, sida aynu buugga ku xusi doonno saamayn muddo aan laga waaqsan ayuu sababay.

Qaraxa cidda ka danbaysay, cidda maalgelisay cidda fulisay, iyo cidda qorshaha lahayd ba aad baa loogu kaladuwanaa—oo warbaahinta caalamku qaar ba cid ayay eedda saarayeen—qaar yidhaahda Al Qaacida ayaa ka danbaysa, iyo kuwo yidhaahda Maraykanka laftiisa ayaa siyaasad ka lahaa intuba way jiraan. Waxa loo badanyahay—xaqiiqadana u dhaw in qaraxa ay ka danbeeyeen ururka Al Qaacida—sida ay iyaguba qirteen. Buugga ayaynu arrinta si fiican ugu faahfaahin doonnaa. Qoraa Yusri Fawda oo arrintan dadaal badan iyo baadhis muddo badan qaadatay geliyay ayaa innoo sheegi doonna cidda ka danbaysay qaraxa, iyo caddaymaha uu arrintaas u hayaba.

Waxyaabaha sida aad ka ah dhacdadaas looga sii hadalhaynta badnaa waxa ka mid ahaa nolosha hoggaamiyihii Al Qaacida mudane Usaama Bin Laadin, waxa inta badan hadalhayn badani ka jirtay muu dhintay mise weli wuu noolyahay, Usaame? Ismarinwaa badan ayaa ka yimid. Warbaahinta ayaa sheegtay inuu Usaame dhintay waxyar ka dib markii uu dhacay weerarkaas Saraha Mataanaha, oo qiyaas ahaan noqonaysa sannadkii 2002dii. Waxa intaas la sii raaciyay Usaamaha sannadihii danbe ee ka danbeeyay 2002dii laga sheekayn jiray in uu ahaa mid samays ah—oo kii saxdii uu mar hore dhintay. Waqtiyada la sheego in Usaama Maraykanku dilay waxa ay ahayd sannadkii 2011kii. Sannadkaas hadalhayn aad u badan ayuu yeeshay.

Dhacdooyinkaas dunida ka dhacay ee saamaynta iyo hadalhaynta badan keenay ka Soomaali ahaan kamaynaan madhnayn—intii awooddeenna ah waynu ka warrannay oo waynu hadalhaynay. Innagu ka Soomaali ahaan waxa aynu ku dheeraynaa dhinaca hadalka iyo warka, oo waqtiyadaas ay dhacdooyibkaasi dhacayeen dhulkeenna aad ayaa looga hadalhayn jiray—oo goobaha lagu kulmo, warbaahinta iyo meelo kalaba waa lagu hadalhayay. Agteenna ka Soomaali ahaan caan ayay dhacdadaasi ka tahay—oo way yartahay qof aan maqal ama wuxuun ka garanayn weerarkii Sarihii Mataanaha,  Usaame Bin Laadin, Al Qaacida IWM.  Waxa se nasiibxumo ah in dhacdooyinka aynu sidaas ula soconnay ee muddo badan arrin muhiim ah innoo ahaa in aynaan wax dib loogu laabto ama tixraac noqon kara oo dadkeenna Soomaaliyeed akhrisan karaan aan laga qorin.  Hadal badan waa laga sheegay oo afka waa lagaga sheekeeyaa—se maaha mid QORAAL ahaan lagu kaydiyay. Aniga oo taas ka shidaalqaadanaya ayaan isku dayay inaan dhacdadaas Soomaali wax kaga qoro. Sidoo kale, dadkeennu aad ayay u xiiseeyaan dhacdadaas iyo kuwa la xidhiidhaba—taasina waxa ay igu dhiirrigelisay inaan afkooda ugu qoro oo ay uga bogtaan. Waxa intaas dheer in dadkeennu dhacdadan iyo xogaha la xidhiidhaba ay xiisa gaar ah u hayaan oo luuqado qalaad sida Carabi iyo Ingiriis ku akhriyaan markii ay waayeen xogahaas oo luuqaddooda Soomaaliga ku qoran. Taasina waa sabab kale, oo igu dhiirrigelisay inaan Af Soomaali wax kaga qoro dhacdadan.

Sababahaas badan ee isbiirsaday ayaa igu kellifay inaan dhacdadan wax ka soo turjumo. Markii aan fiiriyay waxyaabaha laga qoray, laga kaydiyay, ama si uun looga yidhi dhacdadan—waxa  aan ku qancay qoraallada iyo baadhisada uu ka sameeyay wariyaha Carbeed ee Yusri Fawda la dhaho inay yihiin kuwa ugu xog’ogaalsan ee si fiican u qaadaadhigaya. Sababtaas ayaan Yusrina u doortay inaay qoraallada uu arrintan ka qoray soo turjumo. Dad kumannaan ah ayaa dhacdadan afkasta wax kaga qoray, waxa se aad aniga iyo kumannaan kalaba u cajabiyay oo ay la dhaceen sida uu u diyaariyay Wariye Yusri Fawda.

Yusri, waxa uu lahaa barnaamij caan ah oo ka bixi jiray Warbaahinta Al Jazeera qaybteeda Carabiga ku hadasha oo la odhan jiray Sirta Dahsoon (سر للغاية). Wuxuu ahaa barnaamij aad u ballaadhan oo xalqado badan leh—baadhis uu muddooyin badan waday natiijada ka soo baxda ayuu ku soo bandhigi jiray. Xalqadahaas waxa ka mid ahaa kuwo badan oo uu kaga warramayo dhacdadaas Sarihii Mataanaha—sida ta ladhkeeda hoose yahay ‘Caroogyada Qayladhaanta’ oo afar xalqadood oo min hal saacad soconaysa ah, iyo xalqadaha kale ee la yidhaa ‘ Dariiqii loo maray 11kii Sibtanbar’— oo iyadna dhawr xalqadood ah. Kuwaas iyo kuwa kale oo dhacdadan la xidhiidha ayuu muddo badan Telifishanka ka sii dayn jiray. Isaga oo baadhisahaa tixraacaya ayuu qoraagu soo saaray buuggan aynu turjunnay ee ‘ Dhabbadii Dhibaatada ama Jidkii Qodxaha.’ Buugga waxa markii koowaad la daabacay sannadkii 2015kii. Isla sannadkaas 2015ka 3jeer oo kale ayaa la daabacay. Markii shanaad waxaa la daabacay sannadkii 2016kii. Daabacaaddii lixaad oo ah ta aan anigu arkay ee iigu danbaysayna waxa la daabacay sannadkii 2018kii. Waxa lixdaas jeer ba daabacday Madbacadda Daaru Shuruuq, waxayna ku daabacday dalka Masar.

Buugga laba qaybood oo waawayn ayuu qoraagu u qaybiyay. Qayb waxa uu kaga warramayaa xogaha la xidhiidha dhacdadan Saraha Mataanaha—halka qaybta labaad uu kaga warramayo dhacdooyin kuwaas hore ka yara fog oo mawduuc kale ah. Waxa ila wacnaatay in aan qaybta koowaad oo ah qaybta ugu nuxurka wacan buugga aan soo turjumo, inta kalana iska daayo maadaama ayna waxbadan innagaga xidhnayn. Marka aan qaybtaas dhammeeyo waxa aan isku dayay inaan barnaamijkaas baadhista ah na soo turjumo oo isaga oo qoraal ah, aad na uga xeeldheer buugga aan xagga danbe kaga daro. Turjumaadda buuggani waxa ay iskugu jirtaa turjumaadda buugga ‘Dhabbadii Dhibaatada/Jidkii Qodxaha’ iyo barnaamijka ‘ Jaraskii ama Caroogyada Qayladhaanta.’ Labadaas ba waxa baadhay, diyaariyay, waqtigeliyay, muddo badan ku dabajiray, oo isku hawlay oo qoray Wariye Yusri Fawda, anna waan turjumay.

Dhinaca magaca buugga waxaa ila wacnaatay inaan magacii asalka ahaa ee buuggu lahaa u daayo. Turjumaadda aan sameeyay waa mid isku jirta  oo cinwaankasta u jeeddada uu ka warramayo ayaan ka raacay. Qaabka aan turjumaadda u dhigay waxa aan isku dayay inaan mid fudud oo la wada fahmi karo, ka dhigo.

 

Cabdirasaaq Sandheere

Jannaayo, 2021

Boorama, Awdal.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?