Posts

Showing posts from January 19, 2020

Yurub Vs Islaam

Image
                       Mawdduuc lagu qorey majallada (Al-Bayaan ~ البيان )   lagu daabacay oo ciwaankeedu ahaa ( Yurub labaatan sannadood dhexdood~). Maqaalku wuxuu kala dhigdhigayaa Islaamku siday Reer Yurub uga qaylyeen. Wuxuuna leeyahay ka baqidda Islaamka ee reer Yurub waxa ay soo bilaabantay waqti hore, gaar ahaanna ururradii mayalka adkaa. Wuxuuna aad usii siyaaday dhacdooyinkii Semtember, 2001 kaddib ee dhawaaqii caalamiga ahaa ee ay reer Yurub intay ugu soo gabbadeen ( ladagaalanka Argagixisada) ay weerareen Nebiga iyo Qur’aanka. Maqaalku wuxuu soo guurinayaa in Islaamkii xadhkaha goostay oo sii fidey, madaxwayntii Yurubna iska caabbin kala hortimid. Ninka la yidhaa Boroloskooni ( Raysalwasaarihii hore ee Talyaaniga) Wuxuu Diinta Islaamka ku tilmaamay in ay tahay Diin dibudhacsan. Madaxweynihii faransiiska Mr Saarakuusi, wuxuu isna aad u weeraray xijaabka iyo niqaabka oo uu meel adag ka istaagay; wuxuuna sheegay in ay yihiin dulmi iyo xorriyaddii gabadha lagu tuntay,

Sookoobidda buugga ‘ Dead Aid ~ Gargaar Gunnimo.’

Image
Hordhac Buuggan lagu magacaabo ‘ Dead Aid’ oo aynu ku af Soomaaliyayn karno ‘ Gargaar Gunnimo’  ama ' Gurmad Gunnimo.' Waxa qortay qoraa Dambisa Moya, oo ku caan ah ka hadalka arrimaha la xidhiidha gargaarka, bini’aadannima, dhaqaalaha, iyo siyaasadda.   Cinwaankiisa guud waa “ Dead Aid”, Cinwaan hoosaad waxa buugga u ah “ Why Aid Isn’t Working, and How there is another way for Africa?” Dambisa, waxa ay ku dhalatay kuna barbaartay Caasimadda Dalka Zambia ee Lusaka. Dugsigii hoose, dhexe, sare iyo jaamacadda qaybta koowaad waxa ay ku qaadatay isla dalkeeda hooyo ee Zambia. Shahaadada Masterta waxa ay ka qaadatay Jaamacadda Harvard, Kulliyadda Dawladnimada; halka Shahaadada sare ee PhD da ay ku qaadatay Jaamacadda Oxford, gaar ahaan kulliyadda Dhaqaalaha.   Baanka Adduunka ayay muddo lataliye ka ahayd. Sidoo kale, siddood sano ayay ka shaqaynaysay Goldman. Buuggu waxa ay qortay 2009kii. Waa buuggii u horreeyay ee Dambisa qorto. Sida New York Times ay qortay, wux