Yurub Vs Islaam


                      


Mawdduuc lagu qorey majallada (Al-Bayaan ~ البيان)  lagu daabacay oo ciwaankeedu ahaa ( Yurub labaatan sannadood dhexdood~). Maqaalku wuxuu kala dhigdhigayaa Islaamku siday Reer Yurub uga qaylyeen. Wuxuuna leeyahay ka baqidda Islaamka ee reer Yurub waxa ay soo bilaabantay waqti hore, gaar ahaanna ururradii mayalka adkaa. Wuxuuna aad usii siyaaday dhacdooyinkii Semtember, 2001 kaddib ee dhawaaqii caalamiga ahaa ee ay reer Yurub intay ugu soo gabbadeen ( ladagaalanka Argagixisada) ay weerareen Nebiga iyo Qur’aanka.

Maqaalku wuxuu soo guurinayaa in Islaamkii xadhkaha goostay oo sii fidey, madaxwayntii Yurubna iska caabbin kala hortimid. Ninka la yidhaa Boroloskooni ( Raysalwasaarihii hore ee Talyaaniga) Wuxuu Diinta Islaamka ku tilmaamay in ay tahay Diin dibudhacsan. Madaxweynihii faransiiska Mr Saarakuusi, wuxuu isna aad u weeraray xijaabka iyo niqaabka oo uu meel adag ka istaagay; wuxuuna sheegay in ay yihiin dulmi iyo xorriyaddii gabadha lagu tuntay, ayna ka mid yihiin calaamadaha lagu addoonsado. Arrintii in haddana dadwaynaha makrafoonka lala dhexqaado ayay gaadhay si ay u muujiyaan halka ay ka taaganyihiin shaacbixidda Islaamka. Yurubna way muujisatay nacaybkii iyo cadawtinnimadii ay u qabtay waxkasta oo Islaam sheegta; illaa ay noqotay mid ka dhegala’ sida ay sheegtay Qoraayadda Jarmalka ahi Baarbaraa Joon: “Ujeeddada koowaad waxa ay ahayd weerarid, waxaana la abuuray qaab la cuskado oo cadawtinnimo, farriinta siyaasadeedna way sii korodhay iyada oo sheegaysa in ogeysiis millatari dabadeed madaxa la duubto oo bulshada lala dagaallamo.” Waxay ku sheegtay maqaal ay Wargeysyo kaladuwan ku qoreen, 27-02-2004.

Maqaalku sidoo kale waxa uu carrabka ku adkaynayaa in uuna dagaalku ahayn ladagaalanka niqaabka, hilibka xalaasha ah, ee uu yahay dagaalfekereed guud, sida ay ka soo xiganayso wargeyska Washintong Post Of America  oo sheegay in uu yahay ‘ Dagaal saqaafadeed.’ Dagaalkanina wuxuu ku tusinayaa caqliga gumeyseed iyo cunsuriyadda raagtay ee Yurub sida uu ku tusinayo dumistooda iyo baaba’ooga . Haddii kale maxay tahay khatarta ay u diidayaan ee ka dhalanaysa [Xijaab]?

Labaatanka Sannadood ee Yurub dhibaatooyin maskaxeed ku jirtay ayuu maqaalku ku adkaysanayaa, wuxuuna sheegaya in labadaasi dhibaato ahaayeen: A) In ay ku hawlanaayeen simidda abuurka, oo ay ka dhalatay in Hay’aduhu ay fadeexadeeyaan akhlaaq ahaan, waxaana ka dhashay adkaan jinsiyadeed iyo boob foolxun. B) Waqtigii Frod, waqtigan oo ah waqtigii ay reer Yurub ku dhaceen xaaladaha ugu xun sida; isqaawinta, arrimo jinsi, qoysaskii oo burbura,  foolxuma kasta ayaa debadda usoo baxdey oo waxkasta oo waxaaba lafuray suuq jinsiyadeed oo sida alaabta rakhiiska ah  hablaha yaryar lagu kala iibsado. Waxaabad moodday in waaqica reer Yurub metelayay hadalkii dhabtii ee Rabbi yidhi “ Ka saara reer Luud tuuladiina ….”
In illaa maanta arrimuhu jiraan oo Yurub sidii hore ay kasii xumaanayso ayuu maqaalku ku nuuxnuuxsanayaa, wuxuuna kitaabka ( Dhimashada Galbeedka) ee uu qorey Baat Bawkaanuun iyo buugga (Burburkii Gudaha) ee uu qorey Maxamed Ibn Sucuud Al-Bashar,  ka soo xiganayaa in Yurub ilaa maanta la daalaadhacayso burbur akhlaaqeed iyo kala furfurasho bulsho. Kuwaasi oo keena in ay gariirto oo ay baaba’aan tiirarkeedii. Ayna dib-ugu-noqonayso boobkii, cunfigii jinsiyadeed, dhillaysigii xaaraanta ahaa, iyo kala caydhintii lammaanaha. Ugu danbayna iyaga oo aafadaa wata ay soo gelidoonaan baddelina doonaan dhabnimada foolka diiran ee Qaaradda cajuusadda ah.
 Maqaalka waxa uu kusoo afmeerayaa in uuna xijaabku ahayn dhaqan bulsho ama dhaxal bulsheed oo ay suurtagel tahay in aad katanaasuli karto ama wax iska loofaro ee uu yahay cibaado ay u hoggaansamaan Muslimiintu iyaga oo ku faraxsan oo ku faanaya.

 Isla maqaal lagu daabacay majalladaa oo la yidhaa ( Hadallada kakan iyo kuwa dhibirsan ee lagala horyimaad Salafka) oo uu qorey Dr Cabdilcasiis Ibn Maxamed Aala- Cabdilladiif; wuxuu sheegayaa in aan galbeedka laga dhursugayn in ay sii badato cadawtinnimadoodu mooyee in ay ka neefiyaan, ayna shirqool dhagaraysan u dhigayaan Islaamka iyo xigtadiisa, gaara ahaanna Ehlu Sunna Waljamaaca. Wuxuu isna adkaynayaa hadalkii Saarkuusihi Faransiiska ee aan soo aragnay ee sheegaya diididda xijaabka, imn iyaguna dogobyo ka shideen ayna ka suulayn dhagartaasi joogtada ah  qaar ka mid ah xigtada bidcadu sida Raafida, iyo Suufiyadda xadgudbay ee fogaaday.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
        April, 2018

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?