Posts

Showing posts from December 1, 2019

Suuqgeynta (1)

Image
                                "Hanashol’aan Macmiil: Guuldarro”         Mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Ganacsiga kuwooga ugu doorka roon ammin kasta, oo la yidhaa Peter Drucker, ayaa yidhi: “ Suuqgeynta iyo hal’abuurka ayaa sameeya lacag. Wixii kale waa lacag.” Waa mid ka mid ah kuwa ugu wacan ee laga yidhi Hal’abuurka ganacsi— dhawaanahan. Waa odhaah aan jecelahay in aan ku qoro boodh, oo qofkasta oo hal’abuuray ganacsi gidaarkiisa inay muuqato aan rabo, si uu u akhriyo maalin walba illaa waxa uu doonayo uu helayo. Oo haddii aad tidhaa aad helaysid! Haddii aad waydidna ku celi. In badan baan halkan kaga hadlay ikhtiraaca, balse weli kama hadal suuqgeynta. Kaliya hal’abuuraha ganacsi ee dhabta ahi wuu bogaadin barashada suuqgeynta waxsoosaarka. Taasina xaqiiqdii wax fudud maaha. Waxa jira dad badan oo waxsoosaar cusub soo saara, ama la yimaadda ha’abuur cusub. Balse, waxa aad ganacsi abuure dhaba noqon kartaa marka aad si fiican wax u suuqgeysid. Waa shey anigu