Suuqgeynta (1)


                                "Hanashol’aan Macmiil: Guuldarro”        




Mid ka mid ah hoggaamiyayaasha Ganacsiga kuwooga ugu doorka roon ammin kasta, oo la yidhaa Peter Drucker, ayaa yidhi: “ Suuqgeynta iyo hal’abuurka ayaa sameeya lacag. Wixii kale waa lacag.” Waa mid ka mid ah kuwa ugu wacan ee laga yidhi Hal’abuurka ganacsi— dhawaanahan.
Waa odhaah aan jecelahay in aan ku qoro boodh, oo qofkasta oo hal’abuuray ganacsi gidaarkiisa inay muuqato aan rabo, si uu u akhriyo maalin walba illaa waxa uu doonayo uu helayo. Oo haddii aad tidhaa aad helaysid! Haddii aad waydidna ku celi.
In badan baan halkan kaga hadlay ikhtiraaca, balse weli kama hadal suuqgeynta. Kaliya hal’abuuraha ganacsi ee dhabta ahi wuu bogaadin barashada suuqgeynta waxsoosaarka. Taasina xaqiiqdii wax fudud maaha.
Waxa jira dad badan oo waxsoosaar cusub soo saara, ama la yimaadda ha’abuur cusub. Balse, waxa aad ganacsi abuure dhaba noqon kartaa marka aad si fiican wax u suuqgeysid. Waa shey aniguna illaa hadda aan barto. Xayaysiintu maaha suuqgeyn; se waa qayb ka mid ah suuqgeynta.
Ka ha’abuur ganacsi ahaan, ka gadaal intii aan fiirfiiriyay arrimahan, ee aan fahmay ayaan bilaabay inaan sameeyo lacag. Hadda, waa markaagii!
Markasta waxa aan aad ugu fiirsadaa ganacsi abuurayaasha waawayn. Dhammaantood waxa ay  ka simanyihiin doorka wayn ee ay siiyaan SUUQGEYNTA iyo jaceylka gubaya ee ay u hayaan waxsoosaarkooga. Qaabka waxa suurtagela inay ku kaladuwanaadaan, se awoodda way ka sinnaayeen. Waxa ka mid ah: Bill Gates, Steve Jobs, Jack Ma, Sam Walton, Akio Morita ... Dhammaan waxa ka danbaysay awood gubaysay oo ah Suuqgeyn iyo ha’abuur cusub.
Inta aanad waxba soo iibsan, waa inaad si wanaagsan u barataa suuqgeynta, iyo habka wax cusub loo abuuro.
Halkii aad ka waddada dhinaceega istaagi lahayd ee aad la hadli lahayd dadka aan abdada ka qabto inay kuu soo galayaan, waxa jirta waxyaabo badan oo aad awooddid inaad wax iibisid. Waa macmiilka. Balse, waa in awooddaada iskugu gaysid sidii aad macmiilka u kasban lahayd. Shakhsi ahaan, tudhid wayn ayaan u hayaa ganacsiyada yaryar ee waddada dhinaceega lagu gado.
Waqtiyadii hore waxyaabaha aan jeclaa waxa ka mid ahaa akhrinta sheekooyinka ganacsi abuurayaasha iskufilan. Gaar ahaan, waxa aan sii jeclaa qaybaha ay kaga warramayaan iibinta waxsoosaarkooga, iyo kasbashada macaamiisha. Bilowgii, way sameeyeen oo illaa markii ganacsigii koray arrintan way xoojiyeen.
Suuqgeyntu maaha wax aad khibrad ku barato. Maanta waa aqoon buugaag badan laga qoray. Waa maaddo dugsiyada iyo Jaamacadaha lagu daraaseeyo. Haddii aad eegto waxa aan barto, oo aad buugteyda eegtid, maadaddeed u malaynaysaa inay tahay ta ugu badan ee aan buug ka hayaa? Waa Suuqgeynta.
Xaqiiqdu waxa ay tahay: Inkasta oo uu badnaato waxsoosaarkaagu , haddii aad ku fashilantid suuqgeynta iyo farsamooyinka wax loo iibiyo, ganacsiga ku sii jiri kari maysid.
Waa qoraallo kookooban oo aan kaga hadli doono Suuqgeynta.

W/Q: Strive Masiyiva

W/T: Cabdirasaaq Sandheere
Dec 06, 2019

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?