Posts

Showing posts from July 19, 2026

Sidee dadka qaar u arkaan awoodda iyo dabeecadaha dadka?

Image
   Qoraalkan wuxuu gudbinayaa farriin ku saabsan sida dadka qaarkood u arkaan awoodda iyo dabeecadda dadka: -           Qofka macaan ee wanaagsan waxa la isku dayaa in la adeegsado, oo la isticmaalo, lana iska soo horraysiiyo. -           Qofka    xishoodka badan waa la iska indhatiraa, oo waa la isdhaafiyaa. -           Dadka daciifka ah waa lagu tagrifalaa oo tacaddiyaa. -           Dadka adag ee aan naxariista badan lahayn waa la ixtiraamaa oo la qiimeeyaa. Waxaa ka fiican inaad noqoto YEY uu qof walba ka cabsado, halkii aad noqon lahayd dameer uu qof walba fuulo. Noqo qof adag oo aan si fudud looga faa'iidaysan karin.   W/Q: Dark Mentor 2.0 Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere