Posts

Showing posts from January 29, 2023

Faallada Buugga “ Focus on What Matters”

Image
  Buuggan waxa qoray qoraa Darius Foroux. Darius waa qoraa buugaag kala duwan qoray. Buugta uu qoray waxa ay ka midyihiin buugta caalamka ugu iibsiga badan. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaahdo “Think Straight and Do It Today.” Iyo buuggan aynu faallaynayno ee “ Focus on What Matters.” Darius Foroux wuxuu bulshada ka caawiyaa sidii qofku hantiile u noqon lahaa. Wuxuu inta badan wax ka qoraa arrimaha la xidhiidha maalgelinta, waxsoosaarka, caadooyinka IWM.   Waxa aan isku dayi doonaa in aan si kooban buugga uga warramo. 1-       Haddii aad fulinaysid waxa aad afka ka sheegaysid waxa aad tahay qof macquula: Qoraagu wuxuu xusayaa in haddii qofku qabto oo ka shaqeeyo wuxuu ku hadlayo inuu yahay qof la isku hallayn karo. Waa qof la isku hallayn karo oo hawsha loo dhiibo lagaga seexan karo. 2-     Diiradda saar waxa aad xakamayn kartid, oo nolosha dabiiciga ahi sida ay sheegayso raac oo waaqica iyo xaqiiqada ha ka baydhin. La heshii waaqaca. 3-        Waxa aynu

Faallada Buugga “the 15 Invaluable Laws of Growth ~ 15 Xeer ee Koritaanka”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaahdo “ THE 15 INVALUABLE LAWS OF GROWTH” waxa qoray John Calvin Maxwell . John Maxwell waa qoraa, dhiirrigeliye iyo fagaare ka hadle iyo hoggaamiye arrimaha hoggaaminta, dhiirrigelinta IWM wax ka qora. Buug badan buu qoray, buugta uu qoray waxa ka mid ah “ The 21 Indispensable Qualities of a Leader ” Iyo “ Everyone Communicates, Few Connect: What the Most Effective People Do Differently” , 2010kii. Iyo “ The 21 Irrefutable Laws of Leadership ,” 1998. Iyo qaar kale oo badan. Buuggan aynu faallaynayno wuxuu qoraagu soo saaray sannadkii 2012kii. Wuxuu kaga hadlayaa xeerarka qiimaha leh ee uu ku taagantahay koritaanka iyo koboca qofku. Si kooban ayaynu u dulmari . Nuxurka Buugga Waxa jira xeer lagama kacaan ah oo muhiim u ah qofka iyo bulshadaba. Xeerarkaas wax ka mid ah: 1-  Xeerka ugu talagalka ( Intention): Qofku marka uu korayo si dabiiciya ayuu u koraa oo u waynaadaa. Qofku wuxuu u qaadanayaa in maskaxdiisa iyo koritaankiisa caqliguma sidaas dabiiciga ah iskaga