Faallada Buugga “the 15 Invaluable Laws of Growth ~ 15 Xeer ee Koritaanka”



Hordhac

Buuggan la yidhaahdo THE 15 INVALUABLE LAWS OF GROWTH” waxa qoray John Calvin Maxwell. John Maxwell waa qoraa, dhiirrigeliye iyo fagaare ka hadle iyo hoggaamiye arrimaha hoggaaminta, dhiirrigelinta IWM wax ka qora. Buug badan buu qoray, buugta uu qoray waxa ka mid ah “The 21 Indispensable Qualities of a Leader” Iyo “ Everyone Communicates, Few Connect: What the Most Effective People Do Differently”, 2010kii. Iyo “The 21 Irrefutable Laws of Leadership,” 1998. Iyo qaar kale oo badan.

Buuggan aynu faallaynayno wuxuu qoraagu soo saaray sannadkii 2012kii. Wuxuu kaga hadlayaa xeerarka qiimaha leh ee uu ku taagantahay koritaanka iyo koboca qofku. Si kooban ayaynu u dulmari.

Nuxurka Buugga

Waxa jira xeer lagama kacaan ah oo muhiim u ah qofka iyo bulshadaba. Xeerarkaas wax ka mid ah:

1- Xeerka ugu talagalka ( Intention): Qofku marka uu korayo si dabiiciya ayuu u koraa oo u waynaadaa. Qofku wuxuu u qaadanayaa in maskaxdiisa iyo koritaankiisa caqliguma sidaas dabiiciga ah iskaga kordhayo oo wax buu iska malaysanayaa, wuxuuna moodayaa in sidaa wax u soconayaan. Se maaha, waxkastaa ugu talagal iyo kas buu u dhacaa. Waxa jira fakaagyo ( Gaps) u baahan in si ku talagal ah loo buuxiyo, waxa ka mid ah gaabka aqoonta, filashada, qaladka, waqtiga sixitaanka IWM. Dhammaan waxa ay u baahanyihiin in si ku talagal ah loo buuxiyo.

2- Xeerka ka warqabka: Koritaanka qofka waxa ka mid ah in qofku ogaado naftiisa si uu wacyi u helo, ka dibna naftiisu kobocdo.

3- Xeerka dib u qiimaynta iyo Milicsiga nafta ( Reflection): Waa in aad marmar joojisaa hawsha aad haysid, ka dib u eegtaa naftaadu halka ay marayso, wixii ay soo qabatay, waxa ay rabto iyo halkii ay ka timid.

4- Xeerka Joogtaynta: In aad wax joogtaysaa waxa keenaysaa horumar badan, waxayna qayb ka tahay koritaanka iyo kor u socodka qofka. Markaa waa muhiim in aad wax joogtaysaa.

5- Xeerka Deegaanka: Waxa aad u baahantahay in aad heshid deegaan iyo goob aad ku kobocdid oo koboc iyo hore u socod ku samaysid.

6- Xeerka qaabaynta ( Design): Waa in aad istaraatijiyad yeelataa, waayo Istaraatijiyaddu waxa ay qayb ka tahay koritaanka.

7- Xeerka Xanuunka: In qofka xanuun iyo dhibaatooyin ku yimaaddaan waxa ay qayb ka yihiin koritaanka, oo waxa ay caddaynaysaa in qofkaasi la imtixaanayo.

8- Xeerka faduulnimada: Waa in qofku faduuli noqdo, faduuli waxa aynu ka wadnaa qof dhexgala oo sii raacraaca waxna iska wayddiiya wuxu doono inuu qabto oo su’aalo badan. Waa muhiim faduulinnimadu, waxayna qayb ka tahay koritaanka.

9- Xeerka Hagannimada ( Model): Waa in aad yeelataa qof kula taliya, ku haga oo aad ku dayatid. In aad heshid cid khibrad leh oo ku hagtaa waxa ay qayb ka tahay kobocaaga iyo koritaankaaga.

10- Xeerka Fiditaanka: Waa in aad isballaadhisaa oo isfidisaa, markasta oo qofku isballaadhiyo wuxuu helayaa fakaag iyo meel uu ku koro.

11- Xeerka Qaadhaanka/wax ku darsashada dadka kale: Markasta oo qofku isagu koro waxa imanaysa inuu dadka kalana wax ku darsado, oo iyagana koriyo.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Boorama, Awdal

Dec 18, 2022.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?