Posts

Showing posts from May 8, 2022

Faallaynta Buugga “ Xilkas: U Hoggaami Si Raadayn Leh”

Image
  Hordhac   Buugga ‘ Xilkas’ waxa qoray aqoonyahan Cabdikariin Cismaan Jaamac, oo ah khabiir caalamiya oo ku takhasusay kobcinta hoggaaminta, Istaraatijiyadda, iyo Tiknoolajiyadda. Si guud, buuggu waxa uu ka warramayaa hoggaaminta. Hoggaamintu way noocyo badantahaye noockasta oo hoggaaminta ah wax buu ka taabanayaa. Wuxuuba qoraagu cinwaan hoosaad buugga uga dhigay ‘ U hoggaami si raadayn leh.’ Wuxuu xusayaa in qofku naftiisa, iyo bulshadaba u hoggaamiyo si raadayn leh, oo marka uu wax hoggaamiyo raadayn iyo saamayn ba keeno. Sidoo kale, isla cinwaan hoosaadka waxa uu qoraagu leeyahay ‘ ku hoggaami naftaada, ehelkaaga, iyo bulshadaba aqoon iyo xikmad’ wuxuu halkanna sii sheegayaa in qofku waxyaabo badan hoggaamin karo, se hoggaamintu ayna ahayn uun in qofku madaxwayne noqdo ama xil sare qabto. Buuggu waxa uu ka koobanyahay Saddex qaybood oo waawayn, saddexdaas qaybood waxa soo hoosgala 10 cutub. Waxa aan isku dayayaa inaan halkan ku soo kobo nuxurka uu buuggu sido iyo waxyaab