Faallaynta Buugga “ Xilkas: U Hoggaami Si Raadayn Leh”

 


Hordhac

 

Buugga ‘ Xilkas’ waxa qoray aqoonyahan Cabdikariin Cismaan Jaamac, oo ah khabiir caalamiya oo ku takhasusay kobcinta hoggaaminta, Istaraatijiyadda, iyo Tiknoolajiyadda.

Si guud, buuggu waxa uu ka warramayaa hoggaaminta. Hoggaamintu way noocyo badantahaye noockasta oo hoggaaminta ah wax buu ka taabanayaa. Wuxuuba qoraagu cinwaan hoosaad buugga uga dhigay ‘ U hoggaami si raadayn leh.’ Wuxuu xusayaa in qofku naftiisa, iyo bulshadaba u hoggaamiyo si raadayn leh, oo marka uu wax hoggaamiyo raadayn iyo saamayn ba keeno. Sidoo kale, isla cinwaan hoosaadka waxa uu qoraagu leeyahay ‘ ku hoggaami naftaada, ehelkaaga, iyo bulshadaba aqoon iyo xikmad’ wuxuu halkanna sii sheegayaa in qofku waxyaabo badan hoggaamin karo, se hoggaamintu ayna ahayn uun in qofku madaxwayne noqdo ama xil sare qabto.

Buuggu waxa uu ka koobanyahay Saddex qaybood oo waawayn, saddexdaas qaybood waxa soo hoosgala 10 cutub. Waxa aan isku dayayaa inaan halkan ku soo kobo nuxurka uu buuggu sido iyo waxyaabaha uu ka hadlayaba.

Muxuu ka warramayaa ‘ Xilkas?’

 

Qaybta koowaad, wuxuu qoraagu kaga warramayaa u jeedda uu qofku yeelanayo. Judha horaba waxa uu iswayddiinayaa ‘ Maxaad u nooshahay?’ wayddiintaa warcelinteeda hore ugama jawaabayee wuu u soo araaranayaa, wuxuu ka horraysiinayaa oo leeyahay ‘ Maskaxda ku qabo oo ka feker taariikhdaada danbe.’ Dhammaanteen waxa aynu jecelnahay in aynu noqonno dad waxtar leh inta ay noolyihiin, khayrna adduunka kaga tega, si ay haddaba taasi u suurtagasho waa in aynu leennahay ku talagal ayuu qoraagu leeyahay. Waxa haddaba muhiim ah in qofku yeesho hadaf cad, oo hal meel kaliya diiradda saaro, sababtuna waxa ay tahay Alle wayne waxa uu sheegay in uuna qofka laba qalbi siinin, haddaba haddii aanad qalbigaaga hal meel u jeedin kuuma suurtagalayso in aad xaqiijiso natiijo macno leh, sida qoraagu xusayo. Jihadu waa mid aad diiradda ku saaraysid hadaf kuu muhiim ah, hadafkuna wuxuu noqon karaa mid ballaadhan oo ka kooban qaybo badan, balse ujeeddada guud waa meesha aanu qalbigu labo u qaybsami karin.

Waxa iyadna qofka raba inuu wax hoggaamiyo u muhiim ah inuu xor noqdo, sida qoraagu xusayo. Marka hore waa maxay xornimo? Xornimadu waxa weeyaan I qofku u madaxbannaanaado caqiidadiisa iyo fekradahiisa saxan. Haddaba qofku muxuu ka xoroobayaa? Wuxuu ka xoroobayaa jahliga, iyo waxyaabaha suurtagalin kara in qofku raaco hawada naftiisa iyo ta dadka kale, faa’idada cilmiguna waa ficilka. Xorriyaddu xad ma leedahay? Haa, way leedahay. Bini’aadanku wuu xaddidanyahay waqtiga uu adduunka imanayo, arsaaqaddiisa, derejada inta uu noolyahay, iyo goorta uu adduunka ka tegi doonaa waxa ay gacanta ugu jiraan Allaha wayn. Sidaas darteed Allihii abuuray waxa uu dejiyay sharciyo la isku maamulo si ayna noloshu fawdo u noqon sida qoraagu xusayo. Xorriyaddu waa labo nooc: Xorriyad laga xoroobo nafta iyo xorriyad laga xoroobo waxyaabaha nafta saamaynta ku leh ee debadda ka imanaya. Waxa macquul ah in addoonsiga naftu noqdo midka naftaadu kugu hayso.

Qoraagu waxa uu xusayaa cilmibaadhis ay samaysay Bronnie Ware. Bronnie, waxa ay ahayd gabadh kalkaaliso ah, waxa ay ka shaqayn jirtay cusbitaal ku yaalla dalka Ustareeliya oo dadka xanuunsanaya la dhigo. Waxa ay su’aalo waydiin jirtay dadkii qarka u saarnaa dhimashada ee xanuunsanayay wixii ay ka qoomamaynayeen ee ay ahayd inay sameeyaan ama ayna samayn, wayna diwaangelin jirtay. Shantan arrimood ayay qortay:

1-     Waxa aan jeclaan lahaa in aan  noolaado nolosha aan rabay anigu ee aanan noolaan tii dadku ila rabeen.

2-    Waxa aan jeclaan lahaa in aanan si xad’dhaafa u shaqayn lahayn: waayo qofku waqti umuu helin ehelkiisii, reerkiisii, carruurtiisii IWM.

3-    Waxa aan jeclaan lahaa geesinnimo aan dareenkayga ku cabbiri lahaa.

4-    Waxa aan jeclaan lahaa in aan joogteeyo xidhiidhka saaxiibbadayda fiican.

5-    Waxa aan jeclaan lahaa in aan naftayda u oggolaan lahaa in ay farxad ku noolaato.

Maxay ku kala duwanyihiin hoggaaminta iyo maamulku? Qoraagu waxa uu xusayaa in hoggaaminta iyo maamulku yihiin labo habraac oo aan kala maarmi karin, oo ujeeddo/ahdaaf u wada adeega. Maamulku waa xakamayn iyo kaantarool, halka hoggaamintu tahay abaabul guud oo la hiigsanayo ujeeddooyin iyo himilooyin xilligan iyo mustaqbalkaba.

Waxa kale, oo qoraagu xusayaa qiyamka iyo caadooyinka uu qofku leeyahay. Qiyamku waa toosh lagu ifiyo meelaha nolosha madmadaw kaa galo. Marka aad habeenkii toosh haysatid ama lugaynaysid meel iftiin leh ayaad ka badbaadaysaa boholaha. Qofka Muslinka ahi uma baahna inuu curiyo qiyam kale, waayo Quraanka iyo sunnaha ayaa tusaaleeyay. Ummadaha kale ee aan xaqa qaadan waxa ay adeegsadaan qiyam ay iyagu hindisaan, oo marwalba la jaanqaada waxa shakhsigu ama maamulku u arkaan maslaxada naftooda iyo ta dadka. Aadamuhu ma noolaan karaan qiyamla’aan- qofkii aan qiyam lahayn wuxuu la midyahay gaadhi aan shookaan lahayn. Xataa xayawaanku way leeyihiin oo waxa ay raacaan qiyam, sida in aanay hooyada iyo aabbuhu cunin dhashooda, iyo in labka labka kale shahwo ka raadin.

Waxa kale, oo qoraagu xusayaa in qofku mudnaan siiyo, wixii mudan. Haddii qofku waxkasta mudnaan iyo qiimo isku mid ah siiyo waxa ay la mid tahay in aan waxba mudnaanta la siinin. Haddaba si aynu saamayn macno leh u samayno waa lagama maarmaan in aynu kala garanno arrinkee ayaa degdega oo aan muhiim ahayn? Laakiin se arrinkee ayaan degdeg ahayn, se muhiim ah in xoogga la saaraa? Arrimaha muhiimka ahi waa kuwa raadaynta leh, sida waxbarasho faa’ido leh, shaqo xalaal ah, barbaarinta reer iyo carruur fiican, u adeega bulshada, caafimaadka oo aad ilaashatid IWM.

Qaybta 2aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa in qofku barto, kuna shaqeeyo waxa uu jecelyahay ee uu rabo inuu sameeyo. Si aad u baratid waxan aad jeceshahay waxa muhiim ah in uu naftiisa barto.  Qofku saamayn ma yeelan karo haddii aanu isagu isgaranayn, oo aanu ogayn kartidiisa ( dhalasho iyo kasbashaba), isla markaana aanu fahmi karin arrimaha uu ka midhadhalin karo. Waxa aad waxtar noqon kartaa oo kaliya marka aad ku hawlgashid mawhibooyinka Rabbaaniga ah ee adiga kuu goonida ah, oo aad aqoon iyo khibrad ku xoojisay. Marka uu qofku naftiisa barto ayuu wax hoggaamin karaa. Qoraagu waxa uu xusayaa in sannadkii 2019kii lacagta lagu qarashgareeyay kobcinta iyo soo saaridda hoggaamiyayaal fiican ay ahayd $375. Waxa sidoo kale, la ogyahay buugaagta ugu badan ee adduunka xilligan la daabaco in ay ka midyihiin buugaagta ka hadlaysa hoggaaminta. Waa in qofku qiimeeyaa awoodihiisa. Sahaminta kartiyaha qofka dariiqooyin kala duwan ayaa loo maraa. Kuwa ugu muhiimsan waxa ka mid ah qiimaynta lagu sameeyo qofka si loo ogaado dabeecadihiisa iyo hibooyinkiisa u gaarka ah, iyo kartiyaha uu qofku kasbaday. Waa in qofku ogaado sifooyinka fiican ee uu leeyahay.

Waxa qaybtan qoraagu ku xusayaa hala’buurka. Wuxuu iswayddiinayaa maxaa sababa in bulsho ama dal horumar ballaadhan sameeyaan, halka bulshooyin kale aanay horumar macno leh ku tallaabsan? Waxyaabo badan ayaa sababa, se waxa ugu muhiimsan ka shaqaysiinta maskaxda, iyo hal’abuurnimada bulshadu la timaaddo.  Koboca iyo horumarka bulshadu waxa uu ka bilaabmaa oo kaliya  marka loo soo jeestay in maskaxda la shiilo oo si qoto dheer loo fekero, si xal loogu dhibka nolosha, lana fahmo kawnka. Dhammaan dadka waxyaabaha cusub la yimid sida Saynisyahankii Laydhka soo saaray, waxa ay ka shaqaysiiyeen maskaxda. Dadka kuwa wax ku soo kordhiyay Sayniska, Tijnoolajiyadda, xisaabta, Fiisikiska, cilmiga xiddigiska, Bayoolajiga, iyo Kimistariga waxa ay ka shaqaysiiyeen maskaxda, waxayna la yimaaddeen allifaad iyo hala’buur cusub. Sidoo kale, waxa allifaadda soo gelaysa in qofku wax jiray sii naashnaasho oo wax ku sii daro, ama arrin cusub ka soo saaro.

Waxa kale oo qoraagu ka warramayaa in qofku saamayn yeesho. Waxa guul wayn ah in qofku qeexo ujeeddada uu ka leeyahay nolosha, oo fahmo sida ugu fiican ee la isku hoggaamiyo. Markaas qofku wuxuu la midyahay middi la afeeyay, marka aad middi afaysidna meel iska dhigi mayside waa in aad u adeegsataa ujeeddadii aad u afaysay. Sidaas si la mid ah marka aad ujeeddada noloshaada qeexdid, ee aad aqoon ahaan isku dhistid, waa in aad diiradda saartid meeshii aad rabtay inaad saamayn ku yeelanaysid. Marka aad ogaatid meesha aad abuur ahaan ku fiicantahay, waa inaad halkaas ku dadaashid oo saamayn badan ku yeelatid. Waxyaabaha qofku saamaynta ku yeelan karo waxa ka mid ah inuu waxbarto.

Qaybta 3aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa in qofku horumarka joogteeyo. Waxyaabaha uu qofku wax ku joogtayn karo wax aka mid ah inuu hal’adayg la yimaaddo. Marka qofku ujeeddo leeyahay, waxa uu qabanayan uu jecelyahay way u fududaanaysaa inuu u adkaystaa. Isbeddelka joogtada ah iyo niyadjabka waxa sababa in aanu qofku aad uga fekerin ujeeddada noloshiisa iyo dariiqyada uu ku xaqiijin karo himilooyinkiisa. Hadafkasta oo la rabo in lagu guulaysto wuxuu yeelanayaa caqabad. Shaqada aad qabato ayay ku xidhantahay baaxaddda carqaladaha iyo caqabadaha kaa hor imanaya. Balse, marka ay kuu caddahay ujeeddada noloshaadu ee ay kuu caddahay kartidaada iyo waxa aad jeceshay way kuu fududaanayaan waxa aad qabanaysid. Tusaale ahaan, ninkii nalka soo saaray ee la odhan Thomas Eddison wuxuu ku guuldarraystay samaynta laanbadda boqollaal jeer. Waxa la sheegay in mar la wayddiiyay haddii uu intaas oo jeer ku guuldarraystay in uu laanbad sameeyo, wuxuu faraha uga qaadi waayay oo wax kale waqtigiisa u gelin waayay. Wuxuu ku jawaabay ‘ Kumaan guuldarraysan in aan laanbad sameeyo, laakiin waxa aan ogaaday boqol dariiq oo aan laanbad lagu samayn karin.” Jawaabtaasi waa mid cajiiba, waa hubaal in marka isku day yimaaddo in guuldarro iman karto, se inaad sii waddid waxa ay ku xidhantahay inaad marka hore diyaar u ahaatid.

Sidoo kale, qoraagu waxa uu ka warramayaa ‘ Milicsiga’ oo ah in qofku dib ugu noqdo oo milicsado noloshiisii hore. Bini’aadanku waa noolaha keliyaha ee awood uu isku fahmo la siiyay. Wuxuu Alle innagu abuuray awood aynu ku fahanno nafaheenna, waxa hareeraheenna ka socda, xasuusanno wixii dhacay, kana qiyaas qaadan karo waxyaabaha dhici kara. Waxkasta oo nolosha inna soo maraa waxa ay innaga tegayaan khibrad. Haddii khibraddaasi tahay mid fiican, waxaynu ku baadi soocaynaa dareen fiican. Haddii se ay tahay mid aan fiicnayn oo taban waxa ay la xidhiidhaa dareen aan fiicnayn oo taban sida qoraagu xusayo. Inkasta oo xaaladaha nololeed ee dadku kala duduwanyihiin, haddana qof walba caqabado wuu la kulmayaa nolosha. Sidaas darteed, ma garan karno waxa dhici kara mustaqbalka, balse wixii inna soo maray waynu ognahay, oo waynu ka qiyaas qaadan karnaa mustaqbalka. Waxaynu sidoo kale wax ka ogaan karnaa waxyaabihii ummadihii hore ay la kulmeen.

Ugu danbayn qoraagu waxa uu kaga warramayaa ‘ hoggaamin raadayn leh ( Intelligence Leadership).’ Ujeeddo wayn lama xaqiijin karo, haddii aan dad badan loo abaabulin si xikmad ku dheehantahay. Haddaba waa maxay hoggaamintu? Hoggaamintu waa adeeg lagu suurtageliyo xaqiijinta ujeeddo shakhsiyadeed, kooxeed, Urur, ama mid bulsheed. Hoggaamintu waa garasho, aqbalid, iyo fulinta masuuliyadda nafta, kooxeed, iyo in ka sii wayn ba. Haddaba side hoggaamiye fiican loo soo saari karaa? Afartan qodob ayuu qoraagu xusayaa:

1-     In qofku hibo hoggaamineed leeyahay oo u dhashay.

2-    Deegaan ku habboon hoggaaminta.

3-    Carbin.

4-    Khibrad.

Gebagebo

Buuggu waxa uu ka warramayaa waxyaabo muhiim ah, qofkasta waa u muhiim. Waxa uu sida fiican uga warramayo wax aka mid ah hoggaaminta. Hoggaamintu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha qofku naftiisa, iyo bulshada ku anfici karo, ee wax ugu tari karo.

 

 

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

09, May, 2022

Boorama, Awdal.

 

 

 

 

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?