Posts

Showing posts from July 12, 2020

Naqdinta Buugyaraha “ Mashruucii Ladagaallanka Nuurka”

Image
  Hordhac Buugyaran “ Mashruucii Ladagaallanka Nuurka” waxa qoray Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac. Wuu koobanyahay oo waa buugyare waraaqo aad u yaryar lagu daabacay. Marka hore aad baan qoraaga buugga qoray u bogaadinayaa.   Si guud buuggu waa hummaagyo run buu u muuqdaa la leeyahay. Adigu si kooban waa sheeko qoraagu kolba meesha uu la doono la aadayo. Waxa aan isku dayi doonaa in aan nuxurkiisa naqdiyo, waxoogaa koobanna qoraaga ku diido fekradda buugga, iyo waxa auu ka hadlayo. Sidoo kale, habqoraalka, iyo qaabdhaca buugyaraha aan farafareeyo. Farriinta Sheekada Buugyaruhu waa mid BAC ku bilaabmaya BAC NA ku dhammaanaya! ‘ Bac’ Af suuqigaa in la ila fahmayaan filayaa. Waa hummaag khiyaali ah, oo se uu qoraagu ku doodayo ‘Khatar kugu xeersan oo aadan ka warhayn.’   ( Bogga 5). Waa sheeko aan isleeyahay INTA badan waa xanta suuqa, fadhikudirirka, meelaha lagu caweeyo oo qoraal loo baddelay! Waa buug shaykulkulli ah oo waxkasta isku qaadaya ka hadalkooda, haddana aan kaa

AQOONYAHAN SUUQA YAALLA

Image
             Waxa innagu soo badanay dadka aqoontii ku ciyaaraya, iyaga oo aan weli gaadhin xilli bisayl iyo aqooni ay ka muuqato qofkii isku sharraxayo ama iskuba cumaamadayo magaca ‘‘Aqoonyahan.” Aqooneey xaal qaado! Hadda isaga kalidii ayaa isku aqoonsaday, isaga ayaa beegaal isku noqdey, isaga ayaa inta uu meel madaw galay isku qanciyey in uu aqoonyahan yahay! Wakaa hoogeydee! Bal wuxuu ka dheefuu leeyahay! Cid isku waafaqday in uu qofkaasi ‘aqoonyahan’ yahay   ha sheegin, mana jirto jaamacadda qalinka ugu duugtey in uu yahay aqoonyahan! Xaashaa bay ka tahay! Uma jeedo annuu in aanu qofkii horta isagu is ictiraafin, balse, waxa aan u jeedaa in aannu qofku is lugoynin. Is ictiraafidda naftu beegaal ama minqiyaas uma noqoto aqoonta qofka, laakiin, waxa ay beegaal u noqotaa oo ay noolaysaa rejada qofka ee mustaqbal iyo in uuna isku qaadan in uu yahay qof liita’e ha isku qaato qof wax qabsan kara, qayrkiina la jaanqaadi kara, halkey gaadhaan iyo meel ka fik sarraysana gaadhi ka