AQOONYAHAN SUUQA YAALLA
Waxa innagu soo badanay dadka aqoontii ku ciyaaraya, iyaga
oo aan weli gaadhin xilli bisayl iyo aqooni ay ka muuqato qofkii isku sharraxayo
ama iskuba cumaamadayo magaca ‘‘Aqoonyahan.” Aqooneey xaal qaado! Hadda isaga
kalidii ayaa isku aqoonsaday, isaga ayaa beegaal isku noqdey, isaga ayaa inta
uu meel madaw galay isku qanciyey in uu aqoonyahan yahay! Wakaa hoogeydee! Bal
wuxuu ka dheefuu leeyahay! Cid isku waafaqday in uu qofkaasi ‘aqoonyahan’ yahay
ha sheegin, mana jirto jaamacadda
qalinka ugu duugtey in uu yahay aqoonyahan! Xaashaa bay ka tahay!
Uma jeedo annuu in aanu qofkii horta isagu is ictiraafin,
balse, waxa aan u jeedaa in aannu qofku is lugoynin. Is ictiraafidda naftu
beegaal ama minqiyaas uma noqoto aqoonta qofka, laakiin, waxa ay beegaal u noqotaa
oo ay noolaysaa rejada qofka ee mustaqbal iyo in uuna isku qaadan in uu yahay
qof liita’e ha isku qaato qof wax qabsan kara, qayrkiina la jaanqaadi kara,
halkey gaadhaan iyo meel ka fik sarraysana gaadhi karaa—waataa ictiraafka
naftu.
Haddaba waxaa jira waxyaabo
aannay ahayn in la isku qaldo. Ictiraafka marka uu qofku faruuro wakaa isku soo
taagaya in uu galo wuxuuna kasoo dhaalalayn? Oo maxaya? Dee wuxuu qaadanayaa magac
gun weyn oo aan loo baahnayn, kaaga daranta waddadeedii ma hayaabaa ka
hooreysa? Xaashaa. Maqaaxibuu fadhiistay maahee wax kale ma qabto. Haye. Hore
miyuu isku caddibay (wax miyuu soo bartay? Ha sheegin waligii lagama yaabo in
uu labo gu’ oo isku xigta wax baranayay—haddana wakaa magacaa qaatay.
Aqoontu waxa ay leedahay
beegaal ama minqiyaas (wax lagu garto). Qof waligii aan buug iyo qalin isdul
dhigin mala odhan karaa aqoonyahan?! Adaan kuu dhaaafayaa jawaabta, akhriste.
Waxa aan cisho dhaweyd la
kulmey nin da’ ahaan weyn, dadaal ahaanse madhan. Wuxuu ii sheegey in uuna
waligii meel wax lagu baranayo xaadirin, buug iyo qalina uuna is-dul-dhigin
haddana loo yaqaan “Aqoonyahan hebel”. Wataa la jabay! Waxa ku ciyaarayaa waa
dadka ugu yeedhaya magacaa la kufsadey, isaguna ciyaar aan toodaa ka yarayn
ayuu dheelayaa!
Sheygu markuu qiimo beelayo wuu
soo kharraabaa, cid aan u aabo yeelaynna gacanta ayuu u gala. Taas waxaa la mid
ah odhaahdan ‘‘ Aqoonyahan”─ ee xiitaa mararka qaar saaqidka loogu yeedho iyo
mid kasta oo adduunku ka soo xidhmay. Ma aragtay weli beer la qodayo? Haddii
aad aragtey ma meel geedo buuxaan ayaa la qodaa mise meel bannaan oo
hagaajinteedu sannado qaadadatey? Aan kuu sharraxee ila soco akhriste: marka la
doonayo in beer la sameeyo; kooda horaba waxaa la raadsadaa meel la hagaajiyo
oo si fiican loo qarda jeexo, geedana haku yaallaan bee. Marka koowaad dhirta
ayaa laga shidaa oo la gubaa, dhegaxaanta iyo xashiishkana waa laga ururriyaa.
Marka laga guro wixii dusha sare yaalla ee indhuhu qabanayaan ayaa waxa la isku
dayaa in dhirtii la gubay xididdadoodii dhulka ku hadhay la foqo, wixii ‘gufiya’ ee ku jirtana laga saaro. Marka
meesha la banneeyo ayaa la isku dayaa in la rogo. Marka la rogo ayaa saalo adhi
ama riyaad lagu shubaa. Marka intaa laga dhergiyo ayaa la isku dayaa in haddana
la rogo, mar labaad. Marka la jilciyo…jilciyo.. jilciyo ee la arko in wax laga
beeri karo ayaa iniinta iyo shinnida lagu ridaa. Markaasaay bul tidhaa.
Waxoogaa markey soo baxdo ayaa la baaqbaaqaa, dabadeed waalla harameeyaa…
sidaasaa loo wadaa illaa la goynayo. Marka waxaas oo daalla iyo tacaba lala soo
maro ayaa la dheefsadaa wixii lagu daallay, laguna nastaa, la cunaa, lana
iibiyaa. Sidaa si la id ah odhaahdan ‘‘ Aqoonyahan’’, waxa ay u baahantahay
daal iyo rafaad dheer, dadaal iyo juhdi dheeraada, waqti badan iyo daraasayn
xooggan, takhasusaad iyo cilmi baadhsiyo badan. Balse uma baahna af kaliya oo
qofka loogu giijiyo. Odhaahda ciyaarta halaga daayo.
Waxa aan ku talin lahaa waxa
weeyi waar hooy yaan aqoonta iyo aqoonyahankaba laga sinaysan—inta ciddii u
ehelka ahayd la yaso yaan cid aan weli uba diyaar aheyn la saarin! Yaaney
aqoontu tol waayin oo qof kastiba aannu innoola iman wax uuna u dhibtoon, waa
in shakhsiyaad qabtaan dadka tuuugnimada ku haya ‘‘ Aqoonyahanka’’.
Comments
Post a Comment