Posts

Showing posts from May 24, 2020

Sookoobidda buugga “Act Like a Lady, Think Like a Man ~ Uga falceli sidii GABADH, una FEKER sida NINKA.”

Image
Hordhac Buuggan ladhkiisu yahay “ Act Like a Lady, Think Like a Man ~ Uga falceli sidii GABADH, una FEKER sida NINKA” waxa qoray Steve Harvey. Steve Harvey, waa majaajilayste, shactiroolle, iyo Ganacsade Maraykan ah. In badan ayuu xirfadda Majaajilennimada ku shaqaynayay, wuxuunna caan ku yahay soosaaridda barnaamijyada, iyo Filimmada kaladuwan. Waxa uu hore u soo saari jiray Barnaamijyada la yidhaa ‘ T he Steve Harvey Morning Show . Family Feud . Iyo Celebrity Family Feud .’ Abaalamarinno badan ayuu helay. Sannadkii January 17, 1957 ayuu dhashay, illaa haddana wuu noolyahay. Buugga sannadkii 2009kii ayuu qoray. Waxa uu ka mid noqday buugaagta ugu iibsiga badan. Si guud buugga waxa uu ugu eegayaa sida RAGGU   u FEKERAAN, iyo waxa ay ka aaminsanyihiin Jaceylka, xidhiidhka, iyo ka go’naanshaha arrimahaa. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 242 Bog. Saddex qaybood ayuu qoraagu u qaybinayaa. Sida raggu u fekeraan ayuu ka bilaabayaa.Raggu waxa ay qabtaan sababta ay u qabtaan ayuu