Sookoobidda buugga “Act Like a Lady, Think Like a Man ~ Uga falceli sidii GABADH, una FEKER sida NINKA.”



Hordhac
Buuggan ladhkiisu yahay Act Like a Lady, Think Like a Man ~ Uga falceli sidii GABADH, una FEKER sida NINKA” waxa qoray Steve Harvey. Steve Harvey, waa majaajilayste, shactiroolle, iyo Ganacsade Maraykan ah. In badan ayuu xirfadda Majaajilennimada ku shaqaynayay, wuxuunna caan ku yahay soosaaridda barnaamijyada, iyo Filimmada kaladuwan. Waxa uu hore u soo saari jiray Barnaamijyada la yidhaa ‘ The Steve Harvey Morning Show. Family Feud. Iyo Celebrity Family Feud.’ Abaalamarinno badan ayuu helay. Sannadkii January 17, 1957 ayuu dhashay, illaa haddana wuu noolyahay.

Buugga sannadkii 2009kii ayuu qoray. Waxa uu ka mid noqday buugaagta ugu iibsiga badan. Si guud buugga waxa uu ugu eegayaa sida RAGGU  u FEKERAAN, iyo waxa ay ka aaminsanyihiin Jaceylka, xidhiidhka, iyo ka go’naanshaha arrimahaa.
Buuggu waxa uu ka koobanyahay 242 Bog. Saddex qaybood ayuu qoraagu u qaybinayaa. Sida raggu u fekeraan ayuu ka bilaabayaa.Raggu waxa ay qabtaan sababta ay u qabtaan ayuu wax ka taabanayaa. Ugu danbayn shax labadhinacle ah ayuu dhigayaa, sidii aad ugu guuleysan lahayd ayuu ku soo xidhayaa. Mid mid ayaynnu si guud u eegi doonnaa.
Nuxurka
Qoraagu qaybta 1aad waxa uu ku eegayaa “ Maskaxda Ragga iyo sida ay u fekerto.” Odhaah runa ayaa tidhaa “ Raggu waa iska miskiin (Simple)” ayuu qoraagu leeyahay. Marka aad hore u sii dhexgasho arrinta ayaad sii fahmi. Arrimaha raggu lagu qiimeeyaa waa saddex:
-         Cidda uu yahay qofku shakhsi ahaan( Mansabka uu hayo).
-         Waxa ay qabto.
-         Awoodda waxa uu qaban karaa inta ay leegtahay.
Saddexdaasi waa bud’dhigga ragga ayuu qoraagu leeyahay. Ninkii saddexdaa iska soo dhisa, ee wada gaadha ayaa gabadha guursan kara oo xannaanayn kara. ‘ Aduga uun buu kugu mashquuli’ ayuu qoraagu ku sii darayaa. Wiilku marka uu dhasha ee uu korayo waxa u lagu barbaariyaa dhaqan ad’deg oo hadduu kufo ‘ Ha ooyin’ ayaa la yidhaa. Haddii la dilo ‘ adkee’ ayaa la yidhaa. Markaa marka koowaad ilmuhu ad’adkaan ayaa lagu barbaariyaa, sidaanna wuu ku waynaadaa ayuu qoraagu leeyahay.
Dumarku dabeecad guud way naxariis badanyihiin, ragga way koolkooliyaan, jeclaadaan misana dhawraan. Xataa isaga oo ninku wax aan macnolahayn sheegaya inay dhegaystaan waa suurtagel ayuu qoraagu leeyahay. Marwadu ninkeeda aad bay u jeceshahay una dhawrtaa. ‘ Markay iyagu sidaa raggii u koolkoolinayaan maxaad ka filanaysaa?’ Ayuu qoraagu leeyahay. Bal wayddii gabadh ‘ nooca jaceylka ay ninka ka doonaysaa sida uu yahay?’ ayuu qoraagu leeyahay. Waxa ay odhani “ Waa inuu noqdaa mid deggan, caqlibadan, kaftan badan, Roomaantig ah, dareenleh, oo nin rageed ah. Waxa aan doonayaa inuu indhahayga eego oo uu ii sheego inaan qurux badanahay, misana aan dhammaystiri karo. Waa inuu hooyadii oo dhoollacaddaynaysa I baraa. Waa inuu carruurta iyo xayawaanka jecelyahay. Waa inuu carruurta xafaayadda ka baddelo Suxuuntana maydho isaga oo aan ani inuu hawshaa qabto I wayddiin. Haddii uu jidh wanaagsan leeyahay, lacagna haysto, kabo qaaliyana xidhanyahay way fiicantahay.”
Astaamahan aynnu taxnay ayay dumarka intooda badan ragga ka fishaan, ama jecelyihiin dumarku inay ragga ku arkaan ayuu qoraa Steven ku doodayaa. Se filasha jeceyl ee ay ka filayaan waa mid aan dhicin oo rumoobin, misana aynna sina u dhicin ayuu ku sii darayaa. Sababtana waxa uu ku sheegayaa in jaceylka dumarku aannu la mid ahayn jaceylka ragga.
Intaa ka dib waxa uu leeyahay “ Sideed gabadheey ku ogaan kartaa in ninkaasu ku jecelyahay?” Saddex qodob ayaad ku ogaan kartaa. Waxa ay kalayihiin:
1-      Waxkasta wuu kuu sheegayaa.
2-    Waxsiin. Waxsiintu nooc kasta way noqon kartaa.
3-     Ilaalin, sidoo kale, in wax lagaa sheego ma oggola.
Qoraagu waxa kale oo uu ka warramayaa waxa raggu u baahanyahay dhinaca jaceylka, iyo xidhiidhka. Waxa uu leeyahay saddex shay ayuu raggu gabdhaha uga baahanyahay, jecelkoodana ay ku muujin karaan:
1-      Taageerada Gabadha:  Ninku xaaskiisa ama gabadha waxyaabaha ugu mudan ee uu ka heli karo qoraagu waxa uu ugu horreysiiyay taageerada. Taageeradu af iyo addin ba way noqon kartaa. Gabadha waxa la gudboon inay af iyo addin ba ku taageerto xaaskeeda ama qofka u ehelka ahba. Haddii ay awoodi waydo taageere kale waa inay erayo wanaagsan uun u adeegsataa, sida in ay markuu shaqada ka yimaad biyo qabaw siiso, inay tidhaa ‘ Waan kugu hanwaynahay IWM.’
2-     Daacadninada Gabadha: Xaasku waa inay ninka daacad u ahaato. Qoraagu waxa uu leeyahay daacadnimada ama jaceylka dumarku wuu ka duwanyahay ka ragga. Ka dumarku waa xannaanayn, iyo dareen. Markaa waa in ninka daacadnimo gabadhu u muujiso ayuu leeyahay.
3-     Galmo/ Cunto: Raggu waxa kale oo ay u baahanyihiin galmo iyo cunto. Galmadu inay dareen halisa oo lamahuraan ah tahay ayuun qoraagu xusayaa.
Qaybaha xiga qoraagu waxa uu aad ula talinayaa dumarka. Waxa uu ku dhiirrigelinayaa inay dhagarta ragga ay xidhiidh wadaagayihiin iska ilaaliyaan, iyaga oo aan qalbigooda wada siinayn. Waxa kale, oo uu aad ugu dhiirrigelinayaa inay waalidka habluhu la tashadaan oo ku xidhnaadaan, misana talooyinka ay siiyaan ay qaataan, oo tixgeliyaan.
Waxa kale oo qoraagu iswayddiinayaa “ Maxay Raggu u khiyaameeyaan DUMARKA?” Waxa uu xusayaa in raggu dumarka dhaawacyo badan u gaystaan. Haddii ay tahaya gabadh miskiina oo aamintay, hadday tahay mid jecel oo uu diiddo, hadday tahay mid si uun uga hesha oo uu uga baxay, hadday tahay mid uu guur kula ballamay oo uu un jaray IWM, intaba RAGGU way sameeyaan ayuu qoraagu leeyahay. Haddaba “ Sababtu” waa maxay ayuu leeyahay. Sababtu waa:
1-      Way awoodaan: Qoraagu waxa uu leeyahay inay sameeyaan ficilkaa way awoodaan, qofku haddii uu awoodleeyahayna oo uuna caqli ku darin inuu sameeyaa waa suurtagel.
2-    Dantooday fiirsadaan.
3-    Danaystayaal
Raggu maadaaba uu badidooda ‘ Danaystayaal’ ku sheegay, waxa un isku dayayaa inuu bal gabdhaha ay raggaasi hodayaan dhawr talo siiyo. Waxa ka mid ah:
1-      In gabadhu marka koowaad fahanto xaaladda ninka.
2-    In gabadhu ninka kolba sida uu yahay ay ula dhaqanto.
3-     In erayada afkiisa ka soo baxa ay kuwo la mid ah oo kuwiisa ka turjumaya ugu jawaabto. Tusaale ahaan, sida qoraagu soo qaadanayo haddii uu yidhaa “ Hooyo waa inay carruurtaydu helaan” Waa inay ugu jawaabto “ Aduu aabba fiican horta noqo.”
Qoraagu waxa kale oo uu ku xigsiinayaa Ladhka uu u bixiyay “ 5ta wayddiimood ee gabadhkastaa iswayddiinayso inta ay xidhiidh qotodheer yeelan ka hor.” Wyaddiimoo dhawr ah ayuu qoraagu xusayaa. Waxa ka mid ah:
1-      Wayddiinta 1aad, waa inay gabadhu wayddiiso “ Waa maxay yoolashaada yaryar?” Wayddiintan oo la xidhiidha yoolasha kolba qofka ay gabadhu wayddiinayso in lagu bilaabo ayuu qoraagu soo jeedinayaa.
2-    Wayddiinta 2aad, waa inay gabadhu wayddiiso “ Waa maxay yoolashaada WAAWEYNI?”
3-     waa inay gabadhu wayddiiso “ Xidhiidhka maxaad ka aaminsatahay?”
4-    waa inay gabadhu wayddiiso “ Maxaad iga filaysaa?”
5-     waa inay gabadhu wayddiiso “ Sideed ii dareemaysaa?”
Intaa ka gadaalka waxa uu iswayddiinayaa wayddiimo badan oo la xidhiidha dookha ragga- raggu dumarka ay ka helaan sifooyinka ay leeyihiin. Aynnu soo koobno qaar ka mid ah dookha ragga:
1-      Raggu waxa ay badankooga jecelyihiin inay guursadaan hablo da’ ahaan ka yar.
2-    Ragga badankoogu ma jecla gabadh waxyaabaha sida daraagada ama khamriga cabta.
3-     Raggu ma jecla gabadha lacagta wayddiisa. Qoraagu inaan lacag labada qof iswayddiisan marka uu xidhiidhku cusubyahay ayuu ku talinayaa.
4-    Raggu waxa ay badankoogu jecelyihiin gabadha cuntada u karisa. Ta aan aqoon cuntakarinta aad uma jecla.
5-     Raggu ma jecla gabadha aan nadaafadda badnayn, ta gurigu isku dhexaallo.
Wayddiimo dhawr ah oo guud  ayuu qoraagu buugga ku soo xidhayaa. Sida uu u arko uun weeyi. Dad badan inayna ku raacsanayn ayaa suurtagel ah.

Gebagebo
Fekrado guud ayuu buuggu qaadaadhigayaa. Qaybo ka mid ah, ama intii ugu muhiimsanayn ayaynnu si guud u tilmaamnay.
Qofkii intaa wax ka sii badan u baahdaa buugga inuu ku laabto ayaan u soo jeedinayaa.

Halkan ka daawo Falanqaynta oo muuqaala: ( https://www.youtube.com/watch?v=tnr7e5Faj2A&t=40s)

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
12 Febraayo, 2020.







Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?