Posts

Showing posts from December 29, 2019

Milicsigii Sannadkii 2019

Image
Hordhac In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa. Aniga oo taa ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkaa dhammaatay ee 2019ka inaan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray,   iyo IWM. Akhriska Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxbaan akhriyaa. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyahay waxa ay tahay inaan saacado badan akhriyo buugga, dadka daqiiqado kooban wax akhriya ma ihi, kuwa marka ay fadhiistaan saacado akh

Aabbahay Rashiid Sh. Maxammed

Image
Yaraan ayaan ku bilaabay eegidda xoolaha. Raggii xoolaha eegi jiray way waynaadeen, oo qofku markuu kuray dhaafo haddii uu xoolaha eego coon baa loo arki jiray, markaa xoolaha wuu joojiyaa, oo beerta ayuu ka shaqeeyaa. Aniga oo Aabbahay Rashiid igu curtay ayaa yaraan la iigu diray markaa xoolaha. Curadka reerkana waxbadan ayaa lagu halleeyaa, sida maantaba ninka XAAFAD curad u ahi, ay sugayaan walaallo uu koriyo, iyo ehel isku ku xisaabtama. Ka sokowo eegidda xoolaha, dibida ayaan sanwadi jiray. Dibida kuwa aan xaraashka ahayn ee kanaafka ah waxa qasab ah in la sanwado.   Waxa aan aad u xasuustaa maalinta beerta uu aabbo qodayay in la igu yidhi dibida sanwad. Aabbo oo markaa Daabiyadaha ka yimid ayaa dibida meeraray. Xamaantii ayuu saaray. Caloosha ayaa I xanuunaysay, dhawr jeer markaan soo rogay ee sanka hayay ayaan aabbo ku idhi “ Calooshaa I xanuunaysa.’ Laba daran mid dooro, ayay ku noqotay. Inaan aniga oo caloosha I xanuunaysaa sii sanwado dibida, iyo inuu qalabka ka d

Safarkeygii Garoowe

Image
Aroor hore ayaan Garoowe u baxay. Waa Bisha 9aad 18keedii. Burco oo aan maalmo joogay ayaan ka baxay. Dhul aan yarayn ayaan sii maray oo maalin dhan sii socday. Nasiibxumo markii aannu waxooggaa soconnay, annaga oo weli socodki nagu cusubyahay ayuu gaadhigii naga xumaaday! Taayirka danbe hoostiisa ayaa gubatay oo qiiq sii daysay. Deegaanka Anuunlay ayuu nagaga xumaaday. Muddo 2 saacadood ah ayaannu u xannibnayn gaadhiga, markii la hagaajin kari waayay, waxa ay noqotay in gaadhi kale Burco laga soo diro. Intii yarayd ee koobnayd ee aannu Anuunlay joognay waxyaabo badan ayaan arkay. Carruur aan badnayn ayaa tuulada joogtay, carruurtaa waxaa naloo sheegay inayna waxba baran, oo deegaanka aannu ku oollin wax Dugsi ahi! Runtii aad baan ug uurxumaaday. In aynna weli waxbarasho deegaanka ka jirin waxa aad ku garanaysaa bulshada meesha ku nool. Annaga oo taagan halkii baabuurku nagaga xumaaday agteeda, oo maqaaxi ahayd, ayuu nin Odey ahi na soo maray. Wiil yar oo aan sii waynayn ayuu

Safarkeygii Magaalada iyo Buurta Sheekh

Image
Muddo kooban ayaan Berbera joogay. Kulayl hanfi wata ayay lahayd. Waa 10kii bisha 9aad, 2019. Xilli galab ah ayaan aniga iyo Abwaan Cabdinaasir Afrika ka baxnay magaalada Berbera, waxa aan u sii jeednaa magaalada Sheekh, si aannu quruxda deegaanka iyo qabawga dhulka ugu nasannoo oo waxoogaa ku qaadanno deegaankaa dabiiciga ah ee quruxdu aroostay. Xilli fiid ah ayaannu Sheekh galnay. Sheekh waa magaalo aad u quruxbadan, waxaa ku yaalla Buuro dhaadheer oo bilicsan oo ah kuwa magaalada loogu magacdaray. Magaca sheekh, asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa Wadaad loogu abtiriyo, se lama hubo. Dadka deegaanku laba buurood oo magaalada hareeraheega ku kalayaal ayay laba war ka kala sheegaan. Deegaankaasi wuu cagaarnaa oo aad buu u qurxoonaa. Waliba indhaha waxa aad u soo jiidanaysay buurta Sheekh iyo agagaarkeega. Laamayda buurta dhex martaa ashqaraar ayay lahayd, oo qaab wacan ayay u dhisantahay, si wacanna way u leexleexataa oo baabuurku markuu marayo aad baad u caashaqaysaa qaabkeeda iyo