Safarkeygii Magaalada iyo Buurta Sheekh




Muddo kooban ayaan Berbera joogay. Kulayl hanfi wata ayay lahayd. Waa 10kii bisha 9aad, 2019. Xilli galab ah ayaan aniga iyo Abwaan Cabdinaasir Afrika ka baxnay magaalada Berbera, waxa aan u sii jeednaa magaalada Sheekh, si aannu quruxda deegaanka iyo qabawga dhulka ugu nasannoo oo waxoogaa ku qaadanno deegaankaa dabiiciga ah ee quruxdu aroostay. Xilli fiid ah ayaannu Sheekh galnay. Sheekh waa magaalo aad u quruxbadan, waxaa ku yaalla Buuro dhaadheer oo bilicsan oo ah kuwa magaalada loogu magacdaray. Magaca sheekh, asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa Wadaad loogu abtiriyo, se lama hubo. Dadka deegaanku laba buurood oo magaalada hareeraheega ku kalayaal ayay laba war ka kala sheegaan.Deegaankaasi wuu cagaarnaa oo aad buu u qurxoonaa. Waliba indhaha waxa aad u soo jiidanaysay buurta Sheekh iyo agagaarkeega. Laamayda buurta dhex martaa ashqaraar ayay lahayd, oo qaab wacan ayay u dhisantahay, si wacanna way u leexleexataa oo baabuurku markuu marayo aad baad u caashaqaysaa qaabkeeda iyo hannaankeeda. Annaga oo sidii u daadaawanayna ayay cadceeddii dhacday oo ifkii madoobaaday. Bes, markaa ku indhadoogsigii buurta iyo deegaanku halkaa ayuu maalintaa nagaga handaraafmay, maadaama cadceeddii iska dhacday, oo waqtigeedii gaadhay.

Goor fiid ah ayaannu magaalada Sheekh galnay. Halkan inaanu ku degno oo waqti ku qaadanno ayuu qorshuhu ahaa. Salaaddii Cishaa’i ayaa la eedaamay. Waannu tukannay. Dabadeed, Hoteel baan tagnay. Waannu ka cashaynnay. Hudheello aad u wacan ayaa degmada ka furan oo ka shaqeeya. Meelo badan oo dhiggeed ah way ka horraysaa, oo xataa waxkasta oo magaalo leedahay way leedahay.

Habeenkii waannu iska cawaynnay. Dhallinyaradu Hoteellada iyo Makhaayadaha ayay iskaga cawaynayeen, bannaanka ayay laydha ku qaadanayeen. Inta badanna waxa aad mooddaa, in waxoogaa dadka waawaynni goobahaa u badnaayeen, oo dhallinyaradii iyagu kubbad daawasho aad ugu mashquulsanaayeen.

Aroortii ayaannu toosnay, annaga oo nafisnay. Dhul bilicdiisu wacantahay, eegmadiisu indhaha u roontahay, oo udgoon ka soo urayo ayaannu indhaha ku kala qaadnay. Waan qureecannay oo Hudheel ayaannu Laxoox subagle, iyo Harikoo kaga tuurnay. Magaaladad dhexdeeda ayaannu waxooggaa dhex soconnay. Annaga oo soconna ayaa Abwaan Afrika, waxa uu I tusay tukaan Af Soomaali boodhkiisu dhammaan wada yahay, deedna Afrika ayaa yidhi: ‘ Waa tukaanka kaliya ee inta aan arkay dhul Soomaali degto Boodhkiisu Af Soomaali ku qoranyahay.’ Isagu hore ayuu u arkay, aniga ayuu I tusayay. Waanna runtii oo anba ma arag Tukaan Af Soomaali magaciisa ku qoran, iyaga oo Ingiriisi gaar ah, ama isku jir Ingiriisi iyo Soomaali ah ayaan arkaa, ogaanna. Waa arrin ay Sheekh magaalooyinka kale dheertahay.


Waxa aannu soo marnay, dhismayaal waqti hore la dhisay, oo ahaa kuwii uu Ingiriisigu gali jiray berigii uu dalka xukumi jiray. Dhismaayaashi duug bay noqdeen oo waad ka dareemaysaa in waqti hore meesha la dhisay. Sida la ogsoonyahay Sheekh waxa ay ka midtahay magaalooyinka farakutiriska ah ee gumeystihii Ingiriisigu degganaan jiray, dhismayaal ku lahaa, ee fadhiisinka u ahaa.


Magaalada dhinaceeda waqooyi ayaannu u baxnay. Buuro aad u bilicsan ayaa dhinacaa kaga yaalla. Waxoogaa dhexdooda meelo dooxyo ah waxa aad mooddaa in wax laga beero. Dhinaca magaalada ayaan jalleecnay, waxa aan dusha ka halacsannay qurux dabiici ah, iyo mid samays ah oo isku dhafan. Meel waxa nooga muuqday quruxda magaalada, iyo qaabdhismeedkeeda wacan. Dhinacna buuraha magaalada ku teedsan, ama ku wareegsan, dhirta wada akhtarka ah, iyo dhammaan midabka doogga ah ee dhulka iyo cirkaba kiraystay.

Magaalada waxa ku taalla Jaamacad lagu barto Xannaanada Xoolaha, oo muddo badan ahayd halka kaliya ee Kulliyadda Xannaanada Xoolaha bixisa. Ma jirin waqtiyadii hore Jaamacad kulliyaddaa bixisaa. Se qofkii rabaa Sheekh ayuu u tagi jiray. Hadda se Jaamacado badan ayaa bixiya. Waa jaamacad loo hoydo (Boarding ) ah oo habeen iyo maalin ardeydu joogaan. Ardeyda dhigataa deegaanno kale, iyo magaalooyin kale oo Soomaaliyeed ayay ka kalayimaaddeen. Inta la ii sheegay, waa Jaamacad dad aqoonle soo saarta, macallimiin aqoon lihina ay dhigaan, oo kulliyaddaa au xulatay si wacan uga soo dhalaashay. Waxa dhismaha Dugsiga ku agyaallay beer, beertaa waxaa joogay xoolo. Adhi baan arkayay, sidoo kale Geelna waan arkayay. Waa xoolaha ardeyda baranaysa Xannaanada Xooluhu ay tusmotaabsiiinta (Practical) ku qaataan.


Waxa inyar magaalada dhinac uga go’an Dugsi aad u ballaadhan oo la yidhaa ‘SOAS Sheekh Secondary School.’ Waa dugsi loo hoydo ‘ Boading.’ Waqtigii Ingiriiska ayaa la dhisay. Waanna horumarka aadka loo mahadiyo ee Gumeystihii Ingiriisku dhulka Soomaalida ka sameeyay. Hadday in uun jirto horumar uu sameeyay gumaystahaa Ingiriisigu waa inuu ‘ Goob waxabarasho dhisay’ oo dad aan waxba aqoon waxba baray. Aqoonyahanno badan oo Soomaaliyeed dugsigan ayay muddo hore ka baxeen. Sida in badan la sheego laba dugsi kaliya ayaa waqtiyadaa ku yaallay Gayiga Soomaaliyeed. Midi wuxuu ahaa Dugsi hoose/dhexe oo Cammuud la odhan jiray, oo Boorama ku yaallay. Iyo mid dugsi sare ah oo Sheekh ku yaallay, oo ah kan aynnu hadda sheegaynno. Ardaygu labadaa Dugsi ayuu wax kan baran jiray waqtigii gumeystaha.


Qaabdhismkeedka Dugsigu ashqaraar buu lahaa. Qaab dabaq ah ayuu u dhisanyahay. Muddo hadda ku dhaw 60 ayuu dhisanyahay, haddana isma baddelin waa sidiisii xagga dhiska. Waxkasta oo arday u baahdo wuu leeyahay. Waxa ku yaalla goobtii kubbadda lagu ciyaarayay. Waxa ku taalla goobtii ka seexanayay oo meel la seexdo ayuu leeyahay. Qol dhawr qof seexan karaan oo sariiri iyo qalabkeedii taallo ayaa ku yaalla. Innamadu meelo gaar ah ayay seexdaan, habluhuna meelo gaar ah. Shaqaale ayaa si joogta ah uga shaqeeya nadaafadda hoyga seexashada, iyo dhammaan dugsigaba. Waxa ku taalla goobtii wax lagu akhrisanayay. Maktabada wayn oo buug badani taallo ayaa taalla. Goobaha noocan ahi waa kuwa ardeygu wax ku baran karo, oo wax ku shiili karo, waa haddii ay ka go’antahay, niyadna uu hayo.

Dugsigu afarta Fasal ee dugsiga sare ayuu ka koobanyahay. Sannadkasta tiro kooban oo ardey ah ayuu qaataa. Intaas ayaana inay sannadkaa gasho nasiib u yeelata. Ardeyda Imtixaannada Soomaalilaan ugu sarraysa ayuu imtixaan ka qaataa, dabadeedna inta ugu sarraysa ayuu qaataa. Waa qaab wacan haddii tartan loo galayo, iyaguna caddaalad samaynayaan. Dabcan bilaash maaha e ardeygu lacag buu dhiibaa. Sidoo kale, hay’ad ayaa agacnta ku haysa oo dusha ka maammusha, kana caawisa dugsiga wixii kharash ah eek u baxaya.
Dugsiga ayaannu muddo dhex soconnay, oo kolba goob eegaynay. Meel deggan wuu ku yaallaa, deegaan indhadoogsi lehna wuu ka dhisanyahay. Macallimiinta dhigtaa Ajaanib iyo Soomaaliba way leeyihiin.

Sheekh waa magaalo isku filan. Qofkii tagina waxbadan ayuu ka soo dheefayaa. Waxa ay ku jirtaa magaalooyinka iyo goobaha loo dalxiis tago, oo qofkii raba inuu dalxiis dhul Soomaaliyeed ku tago, ama ku maro, waxa lagula taliyaa inuu qorshaha ku darsado dalxiisidda magaalada Sheekh guud ahaa, gaar ahaanna buurta Sheekh.

Aan hadalka soo gebagebeeyee, intii aan joogay waan ku indhadoogsaday, lana ashqaraaray Sheekh. Nooli kulantee.

Cabdirasaaq Sandheere
Oktoober, 2019
Boorama, Awdal


Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”