Milicsigii Sannadkii 2019



Hordhac
In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.
Aniga oo taa ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkaa dhammaatay ee 2019ka inaan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray,  iyo IWM.

Akhriska
Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxbaan akhriyaa. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyahay waxa ay tahay inaan saacado badan akhriyo buugga, dadka daqiiqado kooban wax akhriya ma ihi, kuwa marka ay fadhiistaan saacado akhriya ayaan ku jiraa.
Buugaag badan ayaan akhriyay. Qaar ka mid ahi waa kuwan:
1-      Qur’aanka iyo Sayniska, waxa qoray Siciid Maxammuud Gahayr. 10-12 Bishii April ayaan akhriyay.
2-    Miracles of Qur’an, by Dr Zakir Naik. Waxa aan akhriyay 10kii bisha April 2019kii.
3-     Story of My life, By Helen Keller, markii labaad ayaan akhriyay Febraayo 2019kii.
4-    Silsiladdii Guba, 1 May, 2019kii
5-     Xadka Ridda, Pdf, 3 May, 2019kii.
6-    The Suicidal State In Somalia, waxaa qoray Maxammed Xaaji Ingiriis, 2016kii ayuu soo baxay. Wuxuu ku qoranyahay Luuqadda Ingiriisiga. Waxaanan ka qoray faallo 17 Bogga ah.
7-     Buuggga la yidhaa ‘ Writing With a Purpose ~ Si ujeeddaysan in wax loo qoro’, waxaa qoray McMrimmon, soosaaristiisii 5aad. Waxa aan akhriyay, May 23, 2019. Rabadaan 18, 1440. Waxa aan ka qoray faallo.
8-     ‘ Essentials of Argument ~ Seeska Doodda.’ Waxaa qortay Nancy V. Wood, 2005. Waxa aan akriyay 29-31kii May 2019, 23-26kii Rabadaan. Waxa aan ka qoray faallo 5 bog ah.
9-    Oprah Winfery, waa Sooyaalkii Oprah (Biography), waxaa qortay Kathrine Krohn.
10- Kalahaadkii Muqdisho, waxaa qoray Yuusuf Maxammed Xayd, waxaanna Turjumay Boodheri Warsame. Waxa aan akhriyay Juun 10, 11, 2019kii.
11-  Maana-Faay, waxaa Qoray Maxammed Daahir Afrax. Waxa uu ka koobanyahay 300 Bogg. Waxa aan akhriyay Juun 09, 10, 2019.
12- Tasawufka Tigaadda, Waxa qoray Axmed I. Cawaale. Waxa aan akhriyay Ogosto, 2019.
13- Guure, waxa qoray Xasan Qorane, waxa aan akhriyay Ogosto, 2019.
14- The Art of War, waxa qoray Sun Tzu, waxa aan akhriyay Ogosto 16, 2019.
15- Maqaddinkii Xeebaha Berri-Soomaalida, waxa qoray Axmed I. Cawaale, waxa aan akhriyay Ogosto, 2019.
16- Sitaadka, waxa qoray Axmed I. Cawaale, waxa aan akhriyay Semtenber, 2019.
17- The science of Getting Rich, waxa qoray Wallace D. Wattles. Oktoobbar, 2019.
18- Rich Dad and Poor Dad, by Robert T. Kiyosaki, Oktoober, 2019.
19- Jannadoon, Khadar Cabdi Cabdillaahi, Noofenbar, 2019.
20-                       The Language of Argument, waxa qoray Daniel McDonald, iyo larry W. Burton, 1999kii. Waxa aan akhriyay Noofanber 22, 2019.
21- Think and Grow Rich, Feker oo Hodan Noqo, waxa Turjumay Jamac Sahal, Novenber, 2019kii ayaan akhriyay.
22-                       Buugga Wabar, W/T: Jacfar Suldaan, Dec, 2019, ayaan akhriyay.
23-                        Barwaaqo Laga baahanyahay. W/Q: Iqra Siciid. Dec, 2019 ayaan akhriyay.
24-                       Hodannimada Afkeenna, Waxa qoray Cismaan Cabdinuur Xaashi, 08 Dec, 2019 ayaan akhriyay. Faallo koobanna waanka qoray.
25-                        Maxay Ardeyda‘ A’ keenaa ugu shaqeeyaan Ardeyda ‘ C’ keenta, Ardeyda ‘ B’ keentaana dawladda ugu shaqaysaa?” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki. 11-14 Dec, 2019 ayaan akhriyay. Faallo koobanna waanka qoray.
26-                       10 tallaabo hore u qaad, W/Q: Maxamed Cali Bile, 14 Dec, ayaan akhriyay.
27-                        Buuggan la yidhaa “تعليم المتعلم طريق التعلم.” Waxa qoray Sheekh Burhaan Islaam, oo ku magacdheeraa As-Sarnuuji. Faallo koobanna waanka qoray.
28-                       Dead Aid, waxa qortay Dambisa Moya. Faallo ayaan ka qoray.
Intaa way ka badnaayeen, se intaas inaan halkan ku sheego ayaan ugu talagalay.
Maqaallo badan ayaan akhriyay. Sannadkii aan ugu maqaal akhriska badnaa ayuu ahaa. Maqaallada aan akhriyay luuqadaha Ingiriisiga, Carabiga, iyo Ingiriisiga ayay iskugu jireen. Sidoo kale, waxa ay iskugu jireen kuwo la qoray iyo kuwo afkale laga soo turjumay.

Qoraalka
Qoraalkaygu sannadkan aad buu u kordhay. Waxa aan sannadkan gudihiisa dhammeeyay buug aan sannado hore soo bilaabay. Buugga waxa la yidhaa “ Helen Keller: Gabadhii Indhaha iyo Dhegahaba La’ayd.’ Waan daabacay, oo magaalooyinka ay ka midyihiin, Garoowe, Berbera, iyo Boorama ayaan ku soo bandhigay. Sidoo kale, bandhigto carweed oo dalka gudihiisa lagu qabtay ayuu yaallay, sida Burco, Boorama, Laascaanood, Muqdisho IWM.
Dhinaca maqaallada, in door ah ayaan qoray.
Waxa ka mid ah:

Turjumaadda
Qoraalka waxa ii soo raaca turjumaadda maqaallada, buugaagta, iyo qoraallada aqooneed. Sannadkan buug ma turjumin, se xagga maqaallada ayaan xooggasaaray. Maqaallo kooban ayaan soo turjumay. Waxa ka mid ah:
3-     Hadii aad Fekrad hayso, bilow: https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2019_03_10_archive.html.

Gorfeynta Buugaagta
Buugaagta aan akhriyo inaan gorfeeyo oo waxa ay ka hadlayaan wax iska wayddiiyo muhiim baan u arkay. Sannadkii 2018kii ayaan arrintaa bilaabay. Sannadkan 2019 inaan sii horumariyo ayaan qorshaystay. Markii hore maqaal ahaan ayaan ku so gudbin jiray, se waxa aan is idhi ‘ malaha waxa ka sii fiican inaad muuqaalna ku soo dartid.’

Markii aan arkay inay bulshadu u baahantahay Barnaamij ay ka helaan buugaag kaladuwan oo loo soo koobo ayaan dadaal badan galay. Sababta aan buugaagta u gorfeeyo waxa ugu muhiimsan:
1-      In qofku xulasho samayn karo, oo buugaagta kala xulan karo.
2-    In qofkii waayay buug muhiima oo meel uu joogo aan oollini xogta buugga wax ka ogaado. ‘
3-     In qofkii wax baadhayaa si fudud meel uu ugu hagaago helo.

B) Maqaal ahaan
Sannadkan dhawr buug ayaan gorfeeyay, oo qoraal ka sameeyay. 10 buug ayaan maqaal nuxur ah ka sameeya. Waa kuwan:
1-      The Sucidial State in Somalia, By Mohamed Xaaji Ingiriisi. Halkan ka akhri: https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2019/06/sookoobidda-iyo-faallaynta-buugga_24.html
2-    Essentials of Argument, by Nancy V. Wood. Halkan ka akhri: https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2019/07/falanqeynta-buugga-essentials-of.html
3-     The Language of Argument, by Daniel McDonald and  Larry W. Burton, halkan ka akhri: https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2019/12/sookoobidda-buugga-luuqadda-doodda.html.
5-     Written With a purpose, by McDonald. Halkan ka akhri: https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2019/07/sookoobidda-buugga-writing-with-purpose.html.
7-     Dead Aid, by Dambisa Moya.
8-    Why ‘ A’ Students Work for ‘ C’ Students and B students for Government, By Robert T. Kiyosoki.
9-    Hodannimada Afkeenna, Cismaan Cabdinuur Xaashi.
10-   تعليم المتعلم طريق التعلم~Barashada uu baranayo Ardeygu Habka wax loo barto.” By Sh burhaan Islaam As Sarnuuji.

T) Muuqaal ahaan
Aniga oo intaa ka duulaya dabayaaqadii sannadkan 2019, waxa aan bilaabay barnaamijkaa. Waxa aan ku magacaabay “ Xogkorodhsi: Sookoobidda iyo Gorfeynta buugaagta.”
Bishiiba dhawr buug ayaan bulshada la wadaagaa kuwa Muuqaalka ah. Channel gaar ah ayaan u sameeyay. Sannadkan 3dii buug ee u horreeyay ayaan Diisanber bulshada la wadaagay. Saddexda buuga waxa ay kalayihiin:
1-      ‘ Essentials of Argument ~Seeska Doodda.” (https://youtu.be/mlJu0dFrx4w ).
2-     “ The Language of Argument ~Afka Doodda” (https://youtu.be/sCX2AAki_mM )
3-     “ The Art of War ~Tabaha Dagaalka.” (https://youtu.be/Yr7mMYNxBe0 )

Tifaftirka
Dhawr buug, maqaal iyo waxsoosaar kale ayaan sannadkan tifaftiray. Hawl yar maaha tifaftirku, waa masuuliyad waqti badan, iyo dadaal badan u baahan.
Sidoo kale, waxa aan sii horumariyay Xarunta Latalinta iyo Tifaftirka, oo hawshaa ka shaqaysa. Anna aan tifaftirka ka caawiyo. Xaruntu sannadkan dhawr buug oo tayo ahaan dhisan ayay tifaftirtay. Mar walbana waxa ay ku dadaalaysaa inay waxyar oo tayo leh soo saarto.
Safarrada
Sannadkani 2019 waxa uu ahaa sannadkii iigu safarrada badnaa. Magaalooyin badan ayaan tagay. Qaarkood maqal mooyee hore uma arag, oo way igu cusbaayeen. Magaalooyinka aan tagay waxa ka mid ah:

1-     Jigjiga
Bishii Febraayo, 2019 ayaan tagay Magaalo madaxda Ismaammulka Soomaalida Kililka, Jigjiga. Waan maqli jira uune hore uma arag. In badan ayaan ku taamayay inaan arko. U jeeddada aan u tagay waxa ay ahayd in aan soo arko magaalada la iiga sheekayn jiray.
Goobo ashqaraarle ayaan tagay, goobaha waxa ka mid ahaa Taallada Sayid Maxammed Cabdulle Xasan, oo badhtanka magaalada ku taalla. Sidoo kale, goobo uu Garoonka wayn ka midyahay ayaan booqday.
Safar xiiso leh ayuu ahaa, maqaal madaxbannaan ayaan ka qoray. Halkan ka akhri: ( Safarkeygii Jigjiga: https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/search?q=Jigjiga)

2-    Berbera
Berbera, waa magaalo xiiso badan ii leh. Hore uma tagin. In ay bad leedahay oo kulayl tahay uun baan maqli jiray. Berbera intii aan joogay goobo taariikhiya ayaan booqday. Meelaha aan booqday waxa ka mid ahaa, Moofadii Cilmi Boodhari, Masaajidkii Turkida, Goobtii Cusmaaniyiinta IWM.
Waxa iyaduna aan markii 1aad noloshayda aan tagay Badda. Badda, hore uma arag, 2019 ayaa iigu horraysay araggeega iyo dabbaasheeda.
Safar xiiso leh ayuu ahaa, maqaal madaxbannaan ayaan ka qoray. Halkan ka akhri: ( Safarkeygii Berbera: https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2019/10/safarkeygii-berbera-guud-ahaan-gaar.html).

3-    Sheekh
Magaalo qurux badan oo goobaha lagu dalxiiso ah inaan tago marar badan ayaan ku hammiyay. Sheekh, waa magaalo aqoonta ku caan ah, waxa ku yaallay Dugsigii berigii dawladoobidda ka hor wax lagu baran jiray.
Buurta Sheekh, oo ashqaraar leh ayaan booqday, intii aan magaalada joogay.
Safar xiiso leh ayuu ahaa, maqaal madaxbannaan ayaan ka qoray. Halkan ka akhri: ( Safarkeygii Sheekh: https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2019/12/safarkeygii-magaalada-iyo-buurta-sheekh.html.)

4-    Burco
Burco ayaan tagay Semtenber, 2019. Dhawr u jeeddo ayaan ka lahaa. Waxa ugu horraysay inaan ka qaybgalo bandhigga buugaagta Burco, oo maalmahaa magaalada ka bilaabmayay. Bandhig ay Soomaali oo dhan inta akhriska iyo qoraalka xiisaysaa iskugu timid ayuu ahaa. Waxbadan ayaan ka bartay.
Goobo badan oo ay ka midtahay GURIGII XORRIYADDA ee Soomaalilaan lagaga dhawaaqay ayaan booqday. Sidoo kale, goobaha waxbarashada ayaan soo indha’indheeyay.
Safar xiiso leh ayuu ahaa, maqaal madaxbannaan ayaan ka qoray. Halkan ka akhri: ( safarkeygii Burco: https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2019/12/safarkeygii-burco.html).

5-    Garoowe
Garoowe oo aan marhore tagay ayaan marlabaad booqday sannadkan. Magaalo ganacsi badani ka socdo ayay ahayd. Intii aan joogay goobo laxaadle oo Barxadda Garoowe ugu horreyso ayaan booqday.
Safar xiiso leh ayuu ahaa, maqaal madaxbannaan ayaan ka qoray. Halkan ka akhri: ( safarkeygii Garoowe: http://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2019/12/safarkeygii-garoowe_31.html).
Waxbarashada
Aqoonta waan sii wadaa weli. Waxa se ii farxad ah inaan sannadkan qaatay Shahaadada Diploma, haddana aan sii wado oo Degree ka dhigayo. Inaan sannadkan Gawn jaamacadeed xidho waa ii farxad. Toban sano ka hor xoolaha ayaan eegi jiray oo waxbadan iima baxsanayn.
Sidoo kale, dhinaca kale Degree labaad ayaan wadaa. Laba Degree ayaan laba jaamacadood oo kaladuwan ka wadaa. Guga soo socda dadaalka waan sii kordhin dhinaca aqoonta.
Caqabadaha
Caqabuhu way badnaayeen. Waxa ugu adagi waxa ay ahaayeen waayahay nololeed oo kolba mawjad qofka ku soo beegaya. Dhinaca waqtiga sidii aan rabay ugama faa’ideysan. Waqti badan ayaa meelo aan habboonayn igu dhaafay.
Gebagebo
Sannadku wuu wanaagsanaa. Sidoo kale, wuu qadhaadhaa, oo xasuuso adeg ayaa ku jiray. Ka soo socda inuu sidan ka wanaagsanaado ayaan rajaynayaa.


Cabdirasaaq Sandheere
31 Dec, 2019



Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?