Safarkeygii Garoowe



Aroor hore ayaan Garoowe u baxay. Waa Bisha 9aad 18keedii. Burco oo aan maalmo joogay ayaan ka baxay. Dhul aan yarayn ayaan sii maray oo maalin dhan sii socday. Nasiibxumo markii aannu waxooggaa soconnay, annaga oo weli socodki nagu cusubyahay ayuu gaadhigii naga xumaaday! Taayirka danbe hoostiisa ayaa gubatay oo qiiq sii daysay. Deegaanka Anuunlay ayuu nagaga xumaaday. Muddo 2 saacadood ah ayaannu u xannibnayn gaadhiga, markii la hagaajin kari waayay, waxa ay noqotay in gaadhi kale Burco laga soo diro. Intii yarayd ee koobnayd ee aannu Anuunlay joognay waxyaabo badan ayaan arkay. Carruur aan badnayn ayaa tuulada joogtay, carruurtaa waxaa naloo sheegay inayna waxba baran, oo deegaanka aannu ku oollin wax Dugsi ahi! Runtii aad baan ug uurxumaaday. In aynna weli waxbarasho deegaanka ka jirin waxa aad ku garanaysaa bulshada meesha ku nool.

Annaga oo taagan halkii baabuurku nagaga xumaaday agteeda, oo maqaaxi ahayd, ayuu nin Odey ahi na soo maray. Wiil yar oo aan sii waynayn ayuu Bud uu haystay ku dhuftay, qac! Kii yaraa dhulkuu isku tuuray oo wuu ooyay! Odeygiina wuu iska socday. Inuu waalanyahay ayaan shakhsiyan u maleeyay. ‘Muxuu wiilka ku dilayaa?’ ayaannu ku nidhi Islaan meesha joogtay, si aannu u hubsanno, oo aanaan degdeg wax ku gaadhsiin odeyga. Inuu isagu dhalay ayay noo sheegtay. Dabadeedna sababta uu u inanka yare e intaa le’eg Budka ugu dhufanayo ayaannu wayddiinnay. Inuu sidaa yahay oo uu dilo ayay noo sheegtay! Marlabaad aad baannu uga murugoonnay xaaladda. Odeygii wuu tagay haddii aannu bal arrinta wax ka wayddiin lahaydn anba aannu waanin lahayn.

Gaadhi kale ayaa Burco nooga yimid. Waannu fuulnay. Sidii ayuu noola dhaqaaqay. Hadda wadda dheer baannu qaadnay. Waannu soconnay. Tuulooyin badan waxaannu sii dhex soconnaba Caynaba ayaannu gaadhnay. Caynaba muddo kooban ayaannu joognay. Meelo badan oo Isha Caynabi ka midtahay ayaannu aragnay. Sidoo kale, waxaannu aragnay ceelkii magaalada loogu magacdaray ee meelaha fogfog looga soo aroori jiray.
Waxaannu soconnaba Laascaanood ayaannu gaadhnay. Muddo ayaannu ku nasannay Laaska. Dhulka ay ku taallaa waa kulaale, doog badani kama muuqan. Intii ka muuqatay kulaylkaa engajiyay. Laascaanood, waa magaalo buuro dhaadheer ku hareeraysanyihiin, qaarkoodna ku dhexyaallaan. Magaalo dhismaysa oo xawaare ku socota weeyi. Se aad bay uga liidataa adeegyada bulshada.

Hadda Garoowe ayaannu soo gaadhnay. Halka magaalada laga soo galo ayaannu ku degnay. Marka Garoowe la galayo aad bay u adagtahay, oo qofka ku cusubi aad buu iskugu dhex daataa. Anigu marhore ayaan imid magaalada, markaa Baasaboor ayaan doonayay, oo hadda oo aan dalxiis, dalbarasho,  bandhig buugeed, iyo cilmibaadhis u socdo way ka duwantahay. Ninkii dadka waraysanayay ee meesha fadhiyay ayaa I wayddiiyay waxa aan magaalada ka doonayo, inaan dalxiis ahay ayaan u sheegay. Aad iima fahmin. Tahriibe ayuu I moodayay, maadaama aanan caddayn u keenin. Kaadhkii Jaamacadda ayuu I wayddiiyay, kiina waxa aan u sheegay inaan ka imid. Alxaasil, ninkii waannu isfahmi waynnay, isna macangag isla saxan ayuu ahaa oo wuu diiday inaan wax intaa ka badan u faahfaahiyo. Dabadeedna meel joogso ayuu I yidhi. Waan addeecay oo halkii baan istaagay. Illaa muddo 3 saacadood ah ayaan halkii ku xannibnaa oo uu qol aan nadaafaddiisu wacnayn aniga iyo laba wiil oo aannu baabuurka wada saarnayn na galiyay. Waa markii 1aad ee aan muddo 3 saacadood ah noloshayda wax jeel lagu sheego aan  galay.

Wiil aan saaxiibbonahay oo aan magaalada joogin ayaan u sheegay in aan kaantaroolka ku xannibanahay. Kiibaa la hadlay rag magaalada joogay. Aduu saacado ka dib, ayaa Kaantaroolka la iigu yimid. Taliyihii isaga oo qoslaya ayuu I yidhi; ‘ Waar magaalada caawa aad baa la iiga soo wacayay oo nin Sandheere la yidhaa oo qoraaya ayaad xidhay ayaa la I lahaaye maxaad iigu sheegi wayday…’ Intaan qoslay ayaan idhi ‘ Waad I dhagaysan wayday!’ Aduu markii danbe hadallo raalligelin ah ayuu igu yidhi, sidiina wuu igu sii daayay. Way dhacdaa, oo dhinaca uu isfahanwaangu ka dhacay, xaggayga iyo taliyahaba way ahayd. Se waxbadan may ahayn.

Magaaladii ayaan galay. Hudheel Barxadda Garoowe ku dhaw oo aan sii ballansaday ayaan ku degay. Kulayl aan hanfi lahayn se daran ayaa ka jira magaalada. Roobku kuma badna, oo waa dhulka inta badan oomanaha ah. Hawo qabaw oo xilliyada qaar soo dhacdana malaba ammintan la joogo. Dadka joogaa way la qabsadeen.

Habeenkii casho ayaan Hudheel u doontay. Hudheelladu cuntooyin kaladuwan ayay sameeyaan. Dhinaca magaca ayaannu in badan isla fahmi waynnay. Tusaale ahaan, waxa aan aad u jeclaa oo cuni jiray Faddiiradda. Iyada ayaan inta badan ka helaa. Dhawr Hudheel oo aan habeenkii koowaad waydiiyay, ma haynno ayay I yidhaahdeen. Sida aan filayana way sameeyaan, se magaca ayay aad u garanwaayeen oo ku cusbaaday. Sidoo kale, cuntada loo yaqaan ‘ Harikooga’ ayay ii sheegeen inay magac kale u yaqaannaan. Se aynna ku badnayn magaalada.

Dhallinyaradu aad waxa ay aad uga dhexmuuqdaan xagga ganacsiga. Oo ganacsiyo yaryar oo soo koraya ayaa muush ah. Ganacsiga magaalada oo aad u kobcay ayay dhallinyaraduna fursad fiican ka heleen. Garoowe, waxa aad uga shaqeeya Hudheellada kala duwan, haddii ay yihiin kuwo cunto sameeya, iyo haddii ay yihiin kuwo la seexdaba. Hudheello badan ayaa magaalada aad uga furan. Cuntooyinka kaladuwan ayay sameeyaan. Dhinaca hudheellada Garoowe aad bay ugu horreysaa, oo magaalooyinkii aan soo arkayay hudheellada waawayn way kaga yara horreysaa. Dabcanna dhinaca shaqada waa hal’abuur.

Waxa iyadna xusid mudan Maqaaxiyaha yaryar ee Shaaha kariya, iyo kuwa Sharaabka sameeyaaba inay magaalada aad ugu badanyihiin. Inta suuqa sakaddii aad martaba Maqaaxi Shaah waad ka helaysaa. Ta kale, ee dhallinyarada Garoowe aan ku arkay waxa weeyi inay Maqaaxiyaha aad u fadhiistaan oo ku sheekaystaan, shaahana ku cabbaan. Xaddi ahaan aad bay dhallinyaradu u fadhiisataa Maqaaxiyaha.
Dhinaca waxbarashada magaaladu way sarraysaa, oo aad baa wax loogu bartaa. Waxaa ka furan Dugsiyo hoose, dhexe iyo saraba, oo la dhigto. Sidoo kale, waxa ka furan Jaamacado badan, waxa ka mid ah Jaamacadda Bariga Afrika, Jaamacadda Boosaaso, IWM. Inay xagga waxbarashada soo kobcayso magaaladu waad dareemi karaysaa.
Dhallinta Jaamacadaha dhigata ee Garoowe ku nooli waxa ay magaalooyin badan oo kale dhaamaan in iyaga oo Jaamacaddii weli dhigta ay shaqeeyaan. Gallin bay shaqeeyaan, gallinna waxbay bartaan. Ardey badan ayaa sidaas ah. Magaalooyinka kale ee Soomaaliyeed qaarkood iskadaa kuwo Jaamacad dhigtaa inay shaqo helaan ama shaqeeyaane kuwii Jaamacadaha dhammeeyay ayaaban shaqo haynnin. Magaalooyin kale ayaa la qaba Garoowe oo dhallinyaradu iyaga oo waxbarta ay shaqeeyaan.
Dhinaca akhriska, qoraalka, wacyiga, habfekerka dhallinyarada magaaladu aad uma wacna, mana xuma. Waxa aad mooddaa inay waxoogaa ka yara hooseeyaan magaalooyin kale, oo dadka magaaladu aynna aad ugu baraarugsanayn. Ma lihi wacyi malaha, se waxa aan leeyahay wacyigoodu aad uma wacna. Magaalada intaa le’eg sida la ii sheegay malaha hal Maktabad oo dadwayne oo guud ahaan magaalada u wada furan, oo qofkii doonaa wax ku akhrisan karo, ama wax ka baadhi karo. Way jiraan maktabado magaalada ku yaalla, oo ama kuwo ganacsi ah, ama kuwo Jaamacadeed, dugsiyeed ama goobo kale ahi, se ma aha kuwa lagu tilmaami karo ‘ Maktabad Dadwayne.’ Sidoo kale, aad uma badna cawaysyada wax lagu gorfeeyo, lagu doodo ee wax lagu shiilaa. Way ku yaryihiin dhallinyar badan oo meel iskugu timid oo wax wada gorfeynaya, ama wax wada faaqidaya si furan. Waa meelaha magaalada aan ka arkay inay ka gaabinayso.

Meelaha aan aad u booqday waxa ka mid ah Barxadda Garoowe. Laba barxadood oo isku dhaw ayaa ku yaalla. Mid waxa la yidhaa ‘ barxadda Yar’ ta kalan ‘ Barxadda Wayn.’ Suuqa ayay ku yaallaan. Waa meelo aad u caan ah. Maqaaxiyo Shaaha lagu cabbo ayaa u dhaw, dhallinyaradu halkaa ayay ku ballantaa. Waa mid ka mid ah muunadda magaalada.

Dhinaca Diinta iyo barashadeeda aad baa magaalada looga bartaa. Waxa ka furan Madarasado badan oo Qur’aanka Kariimka ah lagu barto, laguna Xifdiyo. Waxa sidoo kale, ka furan Machaddo waawayn oo Shareecada Islaamka laga barto. Waxa iyadna xusid mudan in aad masaajidda wax loogu dhigto.
Dadka ku nool magaaladu waa dad gob ah. Dad isjecel oo inta badan aan xisdi iyo xumaani dhexdooda ool weeyi. Cid cid wax u dhibaysa, iyo cid cid kale wax wayddiinaysa ama u hanjabaysa way yartahay.

Cabdirasaaq Sandheere
Oktoober, 2019
Boorama, Awdal

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?