Faallada buuga “ UNDERSTANDING YOUR POTENTIAL~ Garo karaankaaga”

 



Hordhaca

Buugan la yidhaahdo ‘ Garo A karaankaaga’ waxa qoray qoraa  MYLES MUNROE. Qoraagu mawduucyada la xidhiidha arrimahan karaanka ayuu aad wax uga qoraa. Qoraagu wuxuu ahaa siyaasi xilal kala duwan oo wasiirnimo soo qabtay, sidoo kale waa dhirrigeliye, macallin jaamacadeed iyo qoraa. Buug kala duwan buu qoray, buugta uu qoray waxa aan ka xusi karaa  buuga la yidhaahdo “ The Principle and Power of Kingdom Citizenship: Keys to Experiencing Heaven on Earth" oo uu qoray sannadkii 1992kii. Qoraagu wuxuu dhintay sannadkii 2014kii. Isaga iyo xaaskiisa ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed. Shilku wuxuu ka dhacay Grand Bahama International Airport.

Nuxurka Buuga

Buugan qoraagu wuxuu soo saaray sannadkii 1992kii. Halkan waxa aan ku soo koobaynaa 10 cashir oo laga baran karo buuga:

1-      Garo ujeeddada kuu gaarka ah: Buugan ‘ Garo Karaankaagu’ wuxuu inna barayaa muhiimadda ay leedahay in aan yeelanno oo xoojinno ujeeddooyinkeenna. Marka aynu garanno/aqoonsanno awoodaheenna shakhsiga ah, waxyabaaha aynu jecelyahay iyo awoodaheenna- markaas ayaynu dabarka ka furaynaa karaankeenna dhabta ah, oo adduunyadana saamayn ku yeelanaynaa.

2-     Naftaada aamin: Waa cashirka ugu wayn ee aan ka baran karno buuga. Taasi waxa ay xoojinaysaa awoodda kalsoonida nafta, iyo awoodda ay ku leedahay in aan gaadhno guul. In aan nafaheenna iyo awoodaheenna ku beerno aaminaad xoogan waxa ay keenaysaa in aan ka takhallusno caqabadaha imanaya iyo in aan gaadhno horumar cusub.

3-     Horumarinta kobcinta maskaxda: Buugu wuxuu dhiirrigelinayaa in aan horumarinno kobcinta maskaxda, taasi oo ah in aan rumaysanno in awoodaheenna iyo maskaxdeenna aan ku horumarin karno dadaal iyo hawl badan. Innaga oo tan raacayna waan xallinaynaa caqabadaha, guuldarrada waxbaan ka baranaynaa, waxaanan sii wadaynaa horumarinta nafaheenna.

4-     Qaad masuuliyadda naftaada: Buugu wuxuu xoojinayaa muhiimadda ay leedahay in aan qaadno masuuliyadda nolosheenna. Qoraagu wuxuu innoo sheegayaa in aan leennahay awoodda aan ku qaabaynayno nolosheenna, iyo in aynaan u liicin caqabadaha debadda ka imanaya, iyo dadka kale ee doonaya in ay go’aamiyaan guusheenna.

5-     In la abuuro habfeker togan: In la yeesho habfeker togani waa u muhiim horumarinta shakhsiga ah iyo guusha qofku gaadhaba. Buugu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda ay leedahay in qofku abuuro ama yeesho habfekerka togan, xataa marka ay qofka caqabado soo wajahaan. Waa in qofku diiradda saaro xalalka halkii uu diiradda saari lahaa dhibaatooyinka. Waa in aan xallinno caqabadaha, waana in aan soo jiidanno natiijooyin togan.

6-     Waxbarasho joogto ah iyo horumarinta shakhsiga ah: Buugu wuxuu diiradda saarayaa muhiimadda ay leedahay waxbarashada joogtada ah ee qofku sameeyo, iyo horumarinta shakhsiyadda qofka. Buugu wuxuu innagu dhiirrgelinayaa in aan raadinno aqoon cusub, in aan baranno xirfad cusub, iyo in aan ballaadhinno aragtideenna/si u arageenna. Innaga oo maalgelinayna koritaanka nafteenna waa inaan sii wadhno horumarka nafteenna waana inaan gaadhno guulo cusub si heerba heer ah.  

7-     Waa in aan kobcinnaa habdhaqankeenna wanaagsan: Buugu wuxuu diiradda saarayaa muhiimadda ay leedahay in la kobciyo habdhaqanka wanaagsan ama sifaha sida hufnaanta, daacadnimada iyo dadnimada. Wuxuu inna barayaa in guusha runta ahina ayna ahayn uun kaliya in la gaadho guulo debadeed, balse ay sidoo kale tahay in qofku dhiso sees adag oo habdhaqan.

8-    Samee xidhiidh caafimaadqaba: Buugu wuxuu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda ay leedahay in la dhiso xidhiidh caafimaadqaba iyo xidhiidho macne leh. Wuxuu xusayaa muhiimadda ay leedahay in aan nafaheenna ku hareerayno dadka dhinaca togan wax ka eega, kuwa inna taageera, iyo kuwa hore innoo wada ee inna dhiirrigeliya. Samaynta xidhiidhadani waxa ay innoo saamaxayaan in aan abuurno dallad dad inna taageera iyo kuwo inna dhiirrigeliyo.

9-     Guuldarradu ha ku noqoto fursad aad ku baranaysid in guuldarradu tahay qayb nolosha ka mid ah: Buugu wuxuu inna barayaa in aad guuldarrada u aragno in ay tahay fursad barasho halkii aan u arki lahayn dibudhac. In aad guuldarrada qirno waxa aynu ka baran karnaa qaladaadkeenna, waxayna innagu tababaraysaa in aan si wanaagsan u korno.

10- Nolosha hadaf ka yeelo, saamayn fiicanna yeelo: Buugu wuxuu innagu dhiirrigelinayaa in aan nolosha ujeeddo ka lahaanno oo si ujeeddo leh u noolaanno, iyo in aan dadka kale saamayn togan ku yeelanno. Taasi waxa ay inna xasuusinaysaa in guushu ayna ahayn kaliya wax lagu cabbiro horumarka shakhsiyadeed, balse ay tahay saamaynta wanaagsan ee aan ku yeelanno dadka aynu la noolnahay.

 

Nuxurka buuga qayb ka  mid ah halkan baan ka soo xigtay: BOOK: https://amzn.to/3SU33Kw

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

22- Nov- 2024.

Comments