Posts

Showing posts from December 2, 2018

Hal’abuurnimadu waa Ilbidhiqsi Quruxbadan. Laakiin…….

Image
Hal’abuur ka noqo xagga dookha, aragtida, iyo go’aanka. Balse, hal’abuurku suurtagel maaha ilbidhiqsi kasta. Waxaa jira ilbidhiqsi kaliya oo hal’abuurnimada ku habboon. Maqaal quruxbadan ayaan ku qoraa Masaajidka. Waxaa laga yaabaa inaan helo fekrad ashqaraar leh, aniga oo ku jira Suuliga. Basle, waxa ay ilbidhiqsiyadu ka sii ashqaraar badanyihiin markaan kaliday ku kaliyaysto qilkayga hurdada, xafiiska, marka aan dhammaysto akhrinta Buug wanaagsan, marka aan guto ee waliba dhammaysto Cibaado raad leh, ama marka aan dhagaysanayo mufaker fiican. Waxa aan jeclahay inaan dadka kale ka duwnaado. Balse, ma jecli inaan qof wax isku adkeeya noqdo. Waxa aan akhriyaa aragtiyaha mufakiriinta kalageddisan. Ma jecli fekerka goonnigoosadka ah. Naftaydu waxa ay   ka agdhawdahay mufakerka wax cusub, adeg, halis ah qora. Waxa aan necbahay ka buugta wax ka soo guuriya ee aan wax aragtiya lahayn. Waxa aan la noolanahay hal’abuurayaasha, gaar ahaanna caalamka fekerka. Waxa aan ku laabta