Posts

Showing posts from September 30, 2018

Fekerku wuu waarayaa; wixii ka soo hadhaana wuu suulayaa!

Image
Waqtigii hore, caalamka dibdhacay waxa ay   aad u aaminsanaayeen in kaliya awoodda ciidanka iyo ammaanku tahay waxa dawladda ilaalinaya, ee ummadda dhisaya. Sidaa daraadeed waxa ay odhan jireen: “ Ciddii caasimadda gacanta ku dhigta, ciidamana haysta, waxa ay ku guuleysatay   in ay dawladdu u adeegto”. Balse, taasi maaha mid la jaanqaadasa dawladdan casriga ah; haddii aynnu ku eegno halbeegga waqtigan. Awoodda dhabta ah ee bini’aadamku waa: Aaminaadda (Caqiidada), iyo fekerka─ oo qalbiga iyo caqliga ka ahaadey. Wax awood ku qabsan karaanna ma jiro. Balse, gaadhidda dhabnimadu waxa ay ku jirtaa meel taag ah dhexdeed. Cilmiga hadalka, loojigga, iyo afcelinta kala geddisani maaha wax fudud. Sida aynna dhisidda fekerka, iyo xiiseynta   aragtiyaha kala duwani aynna mid fudud u ahayn! Halkaas aaminaaddu waxa ay helasaa awood, fekerkuna wuu ku dhimanayaa. Xarakadaha Islaamku waxa ay noqdeen kuwo xambaara awood feker ka hor intaynna noqon kuwo leh awood nidaam. Waxaynna adeegsadaan