Posts

Showing posts from July 17, 2022

Tallaabooyin kaa caawinaya inaad Ingiriiska ugu hadashid si Kalsooni iyo faseexnimo leh

Image
  1-       Ha ka cabsan inaad qalad geshid Ujeeddada aad luuqadda ugu hadlaysaa waa in farrintaadu ay gaadho cidda ay khusayso, se ma aha in aad ku hadashid Ingiriis saxan oo garaamarkiisa iyo erayadiisuba wada saxanyihiin. Xataa dadka u dhashay ayaa qalad ka gala luuqadda oo qalad sameeya marka ay ku hadlayaan.   2-      Ku celceli, ku celceli, ku celceli… In lagu celceliyo luuqaddu waxa ay sababtaa in si fiican loo barto. Si joogto ah uga warhay fursadaha aad ku tijaabin kartid ku hadalka luuqadda. 3- Dhegayso Markasta oo dhegaysigaagu bato waxa kuu fududaanaya inaad si fiican Ingiriiska ugu hadashid. Si kalsooni leh oo faseexnimo leh ayaad ugu hadli luuqadda marka aad qof la sheekaysanaysid, waxaanad baran sida fekerkaaga loo dhiibto marka aad hadlaysid oo waxa aad keeni odhaahyo cusub iyo halxidhaalayaal cusub.   4-      Guusha u dabbaaldeg Markasta oo aad luuqadda Ingiriisiga baranaysid kula hadashid qof waa hore u socod kuu soo kordhay. Xidhiidhkasta oo aad sa

Faallada Buugga “ Mucjisada Aroorta ~ Miracle Morning”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaahdo “Miracle Morning” waxa qoray Hal Elrod. Hal waa dhiirrigeliye, qoraa iyo aqoonyahan ka hadla inta badan arrimaha la xidhiidha waqtiga iyo faa’idadiisa. Wuxuu in badan wax ka qoray muhiimadda ay leedahay in qofku aroortii xilli hore tooso. Sidoo kale, waxa uu muuqaallo badan iyo Dhakamantariyo aad u badan ka diyaariyay muhiimadda ay leedahay in qofku aroortii xilli hore kacaa. Markii hore mawduucyada la xidhiidha ‘ Miracle Morning’ maqaallo ayay ahaayeen, mar danbe ayuu qoraagu buug ka dhigay. Buuggan “Miracle Morning” waxa uu qoraagu kaga warramayaa sida ay u fududdahay in qofku caado yar oo uu samaystaa ay dhaqdhaqaaq wayn noloshiisa ugu samayn karto, ee qofku u noqon karo qof guulaystay. Buuggan qoraagu waxa uu soo saaray sannadkii 2012kii. Waxa aan isku dayi doonaa inaan si kooban uga warramo mawduuca uu buuggu daaranyahay ee sida wayn u qaadaadhigayo. Muxuu buuggu ka hadlayaa?   Marka aad buugga furtid wuxuu qoraagu akhristaha u sheegaya