Tallaabooyin kaa caawinaya inaad Ingiriiska ugu hadashid si Kalsooni iyo faseexnimo leh

 

1-      Ha ka cabsan inaad qalad geshid

Ujeeddada aad luuqadda ugu hadlaysaa waa in farrintaadu ay gaadho cidda ay khusayso, se ma aha in aad ku hadashid Ingiriis saxan oo garaamarkiisa iyo erayadiisuba wada saxanyihiin. Xataa dadka u dhashay ayaa qalad ka gala luuqadda oo qalad sameeya marka ay ku hadlayaan. 

2-     Ku celceli, ku celceli, ku celceli…

In lagu celceliyo luuqaddu waxa ay sababtaa in si fiican loo barto. Si joogto ah uga warhay fursadaha aad ku tijaabin kartid ku hadalka luuqadda.

3-Dhegayso

Markasta oo dhegaysigaagu bato waxa kuu fududaanaya inaad si fiican Ingiriiska ugu hadashid. Si kalsooni leh oo faseexnimo leh ayaad ugu hadli luuqadda marka aad qof la sheekaysanaysid, waxaanad baran sida fekerkaaga loo dhiibto marka aad hadlaysid oo waxa aad keeni odhaahyo cusub iyo halxidhaalayaal cusub.

 

4-     Guusha u dabbaaldeg

Markasta oo aad luuqadda Ingiriisiga baranaysid kula hadashid qof waa hore u socod kuu soo kordhay. Xidhiidhkasta oo aad samaysid sida uu doonaba ha u yaraadee waxa uu horumarinayaa xirfaddaada. Ku faraxsanoow oo ku hanwaynoow horumarkaaga.

Afartaas tallaabo waxa ay kaa caawinayaan habka ugu wanaagsan, uguna fudud ee aad ku hadalka luuqadda Ingiriiska ku bilaabi lahayd.

Tallaabooyinkan soo socdaana waxa ay kaa caawin doonaan sidii aad xirfaddaada ku hadalka luuqadda hore ugu qaadi lahayd ee martabadda xigta u gaadhsiin lahayd. Waxa intaas dheer, si aad ku hadalka luuqadda Ingiriiska u kobcisid 2dan tallaabo qaad oo ku feker Ingiriiska, si aad Ingiriiska si faseex ah ugu hadashid.

1-      Ku feker Ingiriisiga

Sida Ingiriisku ku kobco ee ku hadalkiisa lagu barto waa fekerka. Marka hore way kugu adkaan, balse waxyar ka dib waad baran doontaa sida la iskugu baddelo luuqaddaada koowaad iyo Ingiriisiga.

2-     Naftaada la hadal

Waxa laga yaabaa inay marka hore noqoto arrin qosol leh taasi. Balse, inaad naftaada la Ingiriiska kula sheekaysatid daqiiqado kooban adiga oo muraayadda hor istaagaya waxa aad ku baran doontaa marka iyo sida loo isticmaalayo odhaahyada kala duwan. Sidoo kale, waxa aad baran doontaa meelaha aad qaladka ugu wayn ka gashid.

 

W/Q: English 444

Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere

Julaay, 2022

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?