Faallada Buugga “ Mucjisada Aroorta ~ Miracle Morning”
Hordhac
Buuggan la yidhaahdo “Miracle Morning” waxa qoray Hal Elrod.
Hal waa dhiirrigeliye, qoraa iyo aqoonyahan ka hadla inta badan arrimaha la
xidhiidha waqtiga iyo faa’idadiisa. Wuxuu in badan wax ka qoray muhiimadda ay
leedahay in qofku aroortii xilli hore tooso. Sidoo kale, waxa uu muuqaallo
badan iyo Dhakamantariyo aad u badan ka diyaariyay muhiimadda ay leedahay in
qofku aroortii xilli hore kacaa. Markii hore mawduucyada la xidhiidha ‘ Miracle
Morning’ maqaallo ayay ahaayeen, mar danbe ayuu qoraagu buug ka dhigay.
Buuggan “Miracle Morning” waxa uu qoraagu kaga warramayaa sida
ay u fududdahay in qofku caado yar oo uu samaystaa ay dhaqdhaqaaq wayn noloshiisa
ugu samayn karto, ee qofku u noqon karo qof guulaystay.
Buuggan qoraagu waxa uu soo saaray sannadkii 2012kii. Waxa aan isku dayi doonaa inaan si kooban uga warramo
mawduuca uu buuggu daaranyahay ee sida wayn u qaadaadhigayo.
Muxuu buuggu ka hadlayaa?
Marka aad buugga furtid wuxuu qoraagu akhristaha u sheegayaa
sharraxaad uu ka bixinayo ‘ Mucjisada aroorta.’ Aroortu waa xilliga qofku awood
u leeyahay inuu keeno natiijo isbeddel horseedda, waa xilliyada uu qofku firfircoonyahay,
waana xilliga uu qofku shaqo badan oo waxtar leh qaban karo, si wanaagsan oo
loo riyaaqana u qaban karo. Waayo, aroortu waxa ay kuu oggolaanaysaa inaad
tallaabo hore u qaaddid noloshaada, waa xilliga aad heli kartid isku
dheellitirka caafimaadkaaga, farxaddaada, iyo jaceylka nolosha.
Qoraagu wuxuu xusayaa inay jiraan caadooyin ay sababi karto in
qofku aroortii hore u kaco, caadooyinkaas waxa ka mid ah:
-
Aroortii waa xilliga ay qofka awooddiisu sarrayso,
waana waqtiga uu qofku dabka isku furi karo ee firfircooni isgelin karo.
-
Waa xilliga qofku yool dhigan karo.
Waxa jira shan tallaabo oo oo ay tahay inuu qofku sameeyo, si
uu ugu baraarugo mucjisada aroorta. Waxaa ka mid ah:
1-
Habeenkii marka aad sii seexanaysid maskaxdaada
sii geli berri aroorta xilliga aad kacaysid.
2-
Saacadda aad ku buuxsanaysid inaad aroorta ku
kacdid ( Alarm) waxa aad dhigtaa meel ka fog meesha aad seexatid.
3-
Cadayo oo afkaaga nadiifi.
4-
Waxa aad cabtaa Koob biyo ah.
5-
Waxa aad xidhataa dharkii aad ku jimicsan lahayd.
Waxa kale oo qoraagu xusayaa inay jiraan 6 tallaabo oo ay
tahay inuu qofku qaado aroortii marka uu kaco. Qodobbadaasi waxa ay qofka ka
caawinayaan inuu noloshiisa badbaadiyo, qodobbadaas wuxuu qoraagu ugu yeedhayaa
‘ Badbaadiyayaasha Nolosha ~ Life Savers.’ Qodobkastaa waqti gaara ayuu
leeyahay, isku gayn waqtigu waa 6 daqiiqo. Lixdaas qodob ayaynu si kooban u sharraxi:
1-
Aamusnaan: Aroortii marka aad kacdid waxoogaa
waqti kooban yara aamus, marka aad hurdada ka soo kacdid in aad aamustid waxa
ay kuu saamaxaysaa inaad nafsad ahaan degtid. Waxa aad aamusaysid ha ahaado 5
daqiiqo.
2-
In aad fekertid: Waa in aad fekertid oo naftaada
wax wanaagsan ka filatid. Weliba adiga oo dhinaca wanaagsan wax ka eegaya. Waqtiga
ay taasi kugu qaadanaysaa waa 5 daqiiqo.
3-
In aad yool yeelatid: Aroortii marka aad kacdid
waa inaad yool yeelatid. Waqtiga aad yoolkaaga ku hawlanaanaysidna waa 5
daqiiqo.
4-
In aad jimicsi samaysid: Aroortii marka aad soo
kacdid samee jimicsi, waqti gaarana jimicsiga u astee, waqtiga aad jimicsiga u
astaynaysid waxa weeyaan 20 daqiiqo.
5-
Akhriska: Aroortii marka aad kacdid wax akhri,
waqtiga aad wax akhriyaysid waa 20 daqiiqo.
6-
Qoraal: Marka aad soo kacdid wax qor. Waxa aad
qoraysaa kolba adiga ayay kugu xidhantahay, se wax qor. Waqtiga aad wax
qoraysid waa 5 daqiiqo.
Guud ahaan waqtigaasi marka la isku geeyo waa 60 daqiiqo oo u
dhiganta 1 saac.
Gebagebo
Buuggu mawduuc muhiim ah ayuu ka warramayaa. Arrinta uu
daaranyahay waa in qofku waqtiga ka faa’idaysto, in qofku waqtiga ka faa’idaystana
waxa ka mid ah inuu aroortii xilli hore kaco. Kicidda xilli hore aroortii waa
astaan ka mid ah astaamaha qofku waqtiga kaga faa’idaysan karo, ee kansho heli
karo, waayo naf ahaan wuu degganyahay, jidh ahaan wuu firfircoonyahay, niyad
ahaan wuu degganyahay, buuq kuma furna, dhinackastana waa caadi.
Waxa aan ku soo koobayaa in ayny waqtiga ka faa’idaysanno, iyo
in aan aroortii hore u kacno.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
17 Julaay, 2022
Comments
Post a Comment