Posts

Showing posts from June 28, 2020

Falanqaynta Buugga “The Strategic Interest of Turkey’s Foreign Policy in Somalia- Danaha Istiraatijiyadeed ee Siyaasadda Arrimaha Debadda Turkigu ka leeyahay Soomaaliya”

Image
Hordhac Ladhka sidan u dhigan “ THE STRATEGIC INTEREST OF TURKEY’S FOREIGN POLICY IN SOMALIA ~Danaha Istiraatijiyadeed ee Siyaasadda Arrimaha Debadda Turkigu ka leeyahay Soomaaliya” waxa qoray Cumar Y. Cabdulle. Waa buuggii uu Cumar Masterta ku diyaariyay ee ku difaacday. Qoraagu, waxa uu muddadaa uu buugga qorayay wax ka baranayay Dalka Turkiga. Qaybta ‘ Maamulka Guud iyo Barashada Siyaasadda’ ayuu waqtigaas dhiganayay. Cumar, hore waxa uu Digriiga koowaad uga qaatay Jaamacadda Simad. Haddana waa Macallin Jaamacadeed, iyo aqoonbaadhe Muqdisho deggan. Waa buug aqoonbaadhis ah, oo waafaqsan habka loo sameeyo aqoobaadhista. Waxa uu si rasmi ah qoraagu u dhammeeyay sannadkii 2019kii bishii Abril.   Waa kii uu qalinjebinta Cumar ku difaacday. Muddo badanna wuu baadhayay, oo wax hortii la qoray ayuu ka akhriyay.   Waa buugyare noqon kara mid ummadda Soomaaliyeed wax ka korodhsato. Waxa xiise u yeelaysa Qoraaga oo waqtigaas wax ka baranayay, kuna noolaa Dalka Turkiga, isla j

Sookoobidda buugga “ Atomic Habits- Caadooyinka Yaryar.”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ Atomic Habits ~ cadooyinka yaryar” waxa qoray James Cleir. James, waa qoraa arrimaha caadooyinka wax ka qora. Maqaallo badan ayuu qoray. Buuggani waxa uu ka koobanyahay 286 bog. Wuxuu ku jiraa buugta caalamka ugu iibsiga badan. Waxa laga iibsaday hal Milyan oo Xabbo/Koobbi. Sababta uu buugga u qoray waxa uu ku sheegayaa inuu muddo badan mareegtiisa Internetka uu ku leeyahay uu wax ku qori jiray. Maalinkasta , toddobaadlkasta, iyo sannadkasta dad farabadan oo kumannaan ah ayaa ku soo biiri jiray oo akhrisan jiray qoraalladiisa. Ugu danbayn wuxuu furay ‘ Habit Academy’ oo dad badan oo ganacsato, tababbarayaal, iyo shaqaalahaba iskugu jira uu wax ku bari jiray, oo ay ka qalinjebiyeen. Markii waxaas oo waxsoosaara uu sameeyay ayuu doonay inuu dhigane ka qoro. Sidaas ayuu buuggan ““ Atomic Habits.” Sannadkii 2018kii ayuu oo saaray. Buuggu waxa uu ka hadlayaa habka ugu wanaagsan ee caado loo dhiso. Caadadaasi waxa ay noqon kartaa mid ganacsi, ehel, sha

Sookoobidda buugga “ How Successful People Think- Sidee Guuleystayaashu u fekeraan?”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa Sookoobidda buugga “ How Successful People Think- Sidee Guuleystayaashu u fekeraan?’ waxa qoray John Maxwell. Waxa uu ahaa qoraa. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ 15 Valuable Lows o Growth.” Waa buug kooban. Waxa uu ka koobanyahay 120 iyo dhawr bog.   Se PDF ahaan waa 80 Bog. Buuggan waxa uu kaga warramayaa QAABKA ama SIDA dadka GUULEYSTAYAASHA ahi u fekeraan. Dadka guuleystayaashu qaab gaar ayay u fekeraan sida qoraagu qabo, qaababkaas ayaynnu isla eegi. Nuxurka Hordhaca hore qoraagu waxa uu isku wayddiinayaan dhawr su’aaloo. Ta koowaad waa “ Maxaad u doonaysaa in aad baddeshid habfekerkaaga?’ Marka aad fekrad baddelaysid waxaad u baahantahay qodobbadan inaad xasuusnaatid. Waxa ka mid ah: 1-       Ogsoonoow isbeddelku iskama yimaaddo si AUTOMATIC AH. 2-     Baddelidda fekerku way adegtahay. 3-      Baddelidda fekerku wax la maalgeliyo way u qalantaa. Sideed ku noqon kartaa FEKERAA WANAAGSAN? 1-       Maskaxda wax wanaa