Sookoobidda buugga “ Atomic Habits- Caadooyinka Yaryar.”


Hordhac

Buuggan la yidhaa “ Atomic Habits ~ cadooyinka yaryar” waxa qoray James Cleir. James, waa qoraa arrimaha caadooyinka wax ka qora. Maqaallo badan ayuu qoray.
Buuggani waxa uu ka koobanyahay 286 bog. Wuxuu ku jiraa buugta caalamka ugu iibsiga badan. Waxa laga iibsaday hal Milyan oo Xabbo/Koobbi.
Sababta uu buugga u qoray waxa uu ku sheegayaa inuu muddo badan mareegtiisa Internetka uu ku leeyahay uu wax ku qori jiray. Maalinkasta , toddobaadlkasta, iyo sannadkasta dad farabadan oo kumannaan ah ayaa ku soo biiri jiray oo akhrisan jiray qoraalladiisa. Ugu danbayn wuxuu furay ‘ Habit Academy’ oo dad badan oo ganacsato, tababbarayaal, iyo shaqaalahaba iskugu jira uu wax ku bari jiray, oo ay ka qalinjebiyeen. Markii waxaas oo waxsoosaara uu sameeyay ayuu doonay inuu dhigane ka qoro. Sidaas ayuu buuggan ““ Atomic Habits.” Sannadkii 2018kii ayuu oo saaray.
Buuggu waxa uu ka hadlayaa habka ugu wanaagsan ee caado loo dhiso. Caadadaasi waxa ay noqon kartaa mid ganacsi, ehel, shaqo, ama waxkale khusaysa. Sidoo kale, waxa uu qoraagu kaga warramayaa sida caado xun la iskaga joojiyo,ama loo baddelo.






Nuxurka
Caadooyinkan yaryari waxa ay dhisaan natiijo layaable ayuu qoraagu leeyahay. Waxa uu xusayaa in xoog loo dhiso caadooyinka yaryar. Eraygan “ Atomic” waxa uu ka keenay erayga ATOM oo ah waxa ugu yare e walaxi ka samaysantahay. Qoraagu waxa uu aad u qabaa inuu qofku CAADOOYINKA YARYAR uu dhiso, oo yoolka iyo wixii la mid ah iska illaawo.
Qoraagu marka koowaad waxa uu ku bilaabayaa habka ay noqonayaan awoodda caadooyinku. Waxa uu xusayaa in qofku haddii uu doono inuu beddelo caadada oo ay ku adkaado, in ayna isaga dhibaatadu ahayne ay tahay habka uu isticmaalay. Markasta xooggasaar caadada oo iska illow hadafka ayuu qoraagu leeyahay.
Marka caadada la baddelayo laba caqabadood ayaa ka horyimaad, labadaasi caqabadood waxa ay kalayihiin:
1-      Waxa aynu isku daynaa in aynu baddelno waxa qaldan.
2-    Waxa aynu isku daynaa in aynu caadooyinkeenna u baddelno hab qaldan.
Saddex qaab ayaa loo baddelaa habdhaqanka:
1-      In la baddelo natiijada/maxsuulka.
2-    In la baddelo habka loo marayo.
3-     In la baddelo xididkeeda ( Identity).
Sidee caado loo samaystaa?
Qoraagu waxa uu xusayaa in afartan tallaabood caadada lagu samaysto:
1-      In aad maskaxda ka dhaadhicisid oo caadadii aad doonaysay aad ku abuurtid( Cue).
2-    Inuu leeyahay dhiirrigelin gudeed oo riixaysa.
3-     Inuu sameeyo oo ficil u baddelo.
4-    Inuu ku celceliyo isaga oo ku qanacsan.
Sidee Caadada xun la iskaga joojiyaa?
1-      In aad iska dhaadhicisid oo aad joojiso, oo aad ka dhigtid mid aad muquunisid.
2-    Iska dhig mid aan danaynayn.
3-     Isku adkee.
4-    In aad mid aan ku qanacsanayn noqotid.

Gebagebo
Buuggu qodobbadaa aynu si guud u dulmarnay ayuu qaadaadhigayaa. Tusaalataan ayuu ku darayaa. Waxa ugu muhiimsan sida caadada wanaagsan loo abuuro, iyo sida caadada xun la iskaga joojiyo. Intaas ayaan ku soo koobayaa.

Muuqaal ahaan halkan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=vWTrEP2-P7s&t=20s

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Taxanaha #Xogkorodhsi waa buuggii 21aad
22 Abril, 2020.


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?