Falanqaynta Buugga “The Strategic Interest of Turkey’s Foreign Policy in Somalia- Danaha Istiraatijiyadeed ee Siyaasadda Arrimaha Debadda Turkigu ka leeyahay Soomaaliya”
Hordhac
Ladhka sidan u dhigan “ THE
STRATEGIC INTEREST OF TURKEY’S FOREIGN POLICY IN SOMALIA~Danaha Istiraatijiyadeed
ee Siyaasadda Arrimaha Debadda Turkigu ka leeyahay Soomaaliya” waxa qoray
Cumar Y. Cabdulle.
Waa buuggii uu Cumar Masterta ku diyaariyay ee ku difaacday.
Qoraagu, waxa uu muddadaa uu buugga qorayay wax ka baranayay Dalka Turkiga. Qaybta
‘ Maamulka Guud iyo Barashada Siyaasadda’ ayuu waqtigaas dhiganayay. Cumar, hore
waxa uu Digriiga koowaad uga qaatay Jaamacadda Simad. Haddana waa Macallin
Jaamacadeed, iyo aqoonbaadhe Muqdisho deggan.
Waa buug aqoonbaadhis ah, oo waafaqsan habka loo sameeyo
aqoobaadhista. Waxa uu si rasmi ah qoraagu u dhammeeyay sannadkii 2019kii
bishii Abril. Waa kii uu qalinjebinta
Cumar ku difaacday. Muddo badanna wuu baadhayay, oo wax hortii la qoray ayuu ka
akhriyay.
Waa buugyare noqon kara mid ummadda Soomaaliyeed wax ka
korodhsato. Waxa xiise u yeelaysa Qoraaga oo waqtigaas wax ka baranayay, kuna
noolaa Dalka Turkiga, isla jeerkaasna waqtigaas waqtiyar ka hor ku noolaa Dalka
Soomaaliya. Labada dal ee qoraagu xidhiidhka ka dhexaysiinayo labadaba wuu ku
wadanoolaaday oo qayb noloshiisa ka mid ah ayuu ku noolaa. Taas ayaa buugga ka
dhigaysa mid waaqici ah.
Buuggu isaga oo Soomaalida wada anfacaya, haddana waxa uu si
gaar ah u anfacayaa ardeyda barata aqoonta siyaasadda, siyaasiyiinta xilalka
duwan haya, diblomaasiyiinta, Safiirrada, xildhibaannada, wasiirrada iyo
madaxda meel uun xukunta.
Wuxuu ka koobanyahay 88 bog, oo A4 ah. Waxa aan maqaalkan
kooban isku dayi doonaa inaan soo bandhigo aragtida qoraaga ee mawduuca ku
aadan. Iyo inaan soo gudbiyo aragtiyaha qoraaga ka horreeyay, ee uu soo
xiganayo. Sidaa si la mid ah waxa aan isku dayi doonaa inaan meelaha qaar anna
wax ku darsado.
Marka koowaad, waxa aynnu si kooban u dulmari Turkiga iyo
Soomaaliya waxa ka dhexeeya, waxa uu Turkigu Soomaaliya ka caawiyo, u jeeddada
uu ka leeyahay caawinta, sababta Turkigu Afrikada kale Soomaaliya ugu
horraysiiyo, qorshayaasha ujeeddaysan ee uu Turkigu Soomaaliya ka leeyahay. Ugu
danbayn waxa buugga laga faa’idi karo, iyo gebagebada ayaynu ku soo afmeeri
qoraalka.
Xidhiidhadii Turkiga
Qoraagu, waxa uu xusayaa ka dib dhammaadkii dagaalkii
qaboobaa, iyo burburkii Midawgii Soofiyeeti in ay hababkii adduunyadu u
xidhiidhayeen ee caalamiga ahaa, iyo siyaasaddii arrimaha debaddaba saamayn ku
timid, oo ay noqotay in la falanqeeyo. Siyaasadda arrimaha debaddu maaha mid
sidii dhagaxa meel iska taagane waa mid shaqaysa, oo dibuhabayn lagu sameeyo,
lana qaabeeyo si ay u jeeddadeeda u gaadho. Haddaba, sannado badan Siyaasadda
Arrimaha Debadda ee Dalka Turkigu waxa ay aad ugu xidhnayd Galbeedka sida NATO,
Midowga Yurub, iyo Maraykanka oo ayu xulafo la ahayd. Sababta ugu way nee
Turkiga raggii aasaasay arrintaas ka lahaayeenna waxa ay ahayd inay sameeyaan
Qaran siyaasaddiisu ku salaysantahay habka reer Galbeedka (Cumar Y. Cabdulle , 2019),
(Ozkan iyo Akgun, 2010).
Haddaba markii uu burburay Midawg Soofiyeed dalka
Turkigu waxa uu sida waddamada kale sii horumariyay dhaqaalihiisii,
xidhiidhadiisii, iyo qorshayaashiisii siyaasadeed. Meelaha uu ku fidiyay waxa
ka mid ahaa Bariga Dhexe iyo waddamada la isku yidhaa Balkans. Waxa kale, oo uu
qorshe wanaagsan ka helay Afrika. Afrika, meelaha uu sida wanaagsan dano
siyaasadeed uga helay waxa ka mid ah Soomaaliya. Soomaaliya, Turkiga waxa ay u
noqotay goob wanaagsan oo uu waxbadan ka qabsan karo. Waxa ay ka midtahay
meelaha uu Turkigu aad wax uga qabto, ee uu sannadahan danbe xidhiidh wanaagsan
la yeeshay.
Turkigu Muxuu Soomaaliya u Qabtay?
Turkigu, Soomaaliya waxyaabo badan ayuu ka
qabtaa. Deegaanka ay ku taallo ayaa saamaxay inuu ku soo hirto oo uu waxbadan
ka qabto. Waxyaabo badan ayuu Turkigu Soomaaliya ka qabtay. Innaga oo qoraaga
ka soo xiganayna waxa aynu ka sheegi karnaa:
1-
Turkigu
wuxuu Soomaaliya ka taageeray adeegyada guud:
Waxyaabaha waxa ka mid ah Gaadiidka, iyo
goobaha caddaaladda.
2-
Turkigu
wuxuu Soomaaliya ka taageeray dhisidda nabadda: Waxa uu dalkiisa ku qabtay kulamo uu ku dhexdhaxaadinayo
Soomaaliya iyo Soomaalilaan.
3-
Wuxuu aad
uga qaybqaatay dhisidda hay’adaha dawladda: Waxyaabaha
uu qabtay waxa ka mid ah, lacag toos ayuu ku taageeray. Wuxuu tijnoolayidda ka
teegeeraa goobaha dawladda. Shaqaalaha dawladda ayuu tababbar siiyaa. Wuxuu
koruqaadaa awoodda dawladaha hoose. Wuxuu aad u caawiyaa beeraha, iyo xoolaha.
4-
Waxbarashada: Wuxuu Soomaaliya ka caawiyaa waxbarashada sida inuu siiyo deeqo
Waxbarasho oo bilaasha. Inuu ka furtay goobo tayaysan oo wax lagu barto. Wuxuu
ka furay dugsiyo farsamo. Wuxuu aad u xoojiyaa
Goobaha waxbarashada.
5-
Caafimaadka: Aad buu Soomaaliya uga caawiyay adeegyada caafimaadka, sida; inuu
furay Cusbitaallo, iyo inuu tababbar siiyay kalkaalisooyin, iyo shaqaale
caafimaad.
6-
Garoonnada
iyo Dekedaha: Turkigu waxa uu Soomaaliya dayactir
ku sameeyay, maamulaanna garoonka iyo Dekedda Muqdisho. Diyaaradda Turkiga ee
Turkish Airlines waxa ay labada dal soo gelisaa in ka badan $100 Milyan.
7-
Waxyaabo
kale ayuu ka caawiyaa: Waxyaabaha kale ee uu Turkigu
Soomaaliya ka caawiyo waxa ka mid ah; wuxuu aad u taageeraa Ururrada Bulshada Soomaaliya
ka jira.
8-
Wuxuu ka
taageeraa Ciidamada: Haddii ay tahay tababbarka
Ciidamada noocyadooda kaladuwan, adeegsiinta, taageerrada, IWM (Cumar Y. Cabdulle,
2019).
Muxuu Turkigu Soomaaliya wax ugu qabtaa? Sabab?
U jeeddada uu Turkigu Soomaaliya ka leeyahay,
waxa lagu sababeeyaa laba Doodood:
1-
Doodda
1aad: Soocelinta Xidhiidhadii Taariikheed:
Turkiga iyo Soomaaliya waxa ka dhexaysay xidhiidho taariikheed oo hore. Boqortooyadii
Cusmaaniyiinta oo meelo badan oo adduunka ah martay, meelaha fadhiisimaha u
ahaa waxa ka mid ahaa Geeska Afrika sida Soomaaliya. Sababta ay Soomaaliya
Boqortooyadaasi fadhiisinta ama xarunta ugu dhigatay waxa ay ahayd ‘ Soomaaliya
oo meel qumman ah oo meel wanaagsan oo ku habboon ku taalla.’ Boqortooyadu
Soomaaliya in badan ayay joogtay, oo illaa hadda sida quu qoraagu qabo raadkii
Boqortooyada waxa laga sii arki karaa magaalada Muqdisho, iyo meelo kale oo
gobollada Waqooyi ah. Dooddani, sida qoraaguna xusayo waxa ay ku doodaysaa
sababta Soomaaliya Turkigu ka leeyahay waa soocelinta Taariikhdaa soojireenka
ah. Dooddan qoraagu shakhsi ahaan ma qabo, oo wuu ka soo horjeedaa. Se waxa
qaba aqoonyahanno Soomaaliyeed sida Cabdiraxmaan Baadiyoow. Iyo aqoonahanno
reer Galbeeda oo Turkiga ku duraya inuu soo celinayo boqortooyadii
Cusmaaniyiinta.
2-
Doodda
2aad: Arrimo Bini’aadannimo ayuu u Caawinayaa: Sannadkii
2011kii dalka Soomaaliya waxa ku dhufatay abaardaran, oo dad iyo duunyaba
waxyeellaysay, macaluul badanna keentay. Abaar aan muddo badan adduunka soo marin ayay
ahayd, sida UN sheegtayna waa abaartii ugu gaajada xumayda ee gaajadu dadka
baabbiisay muddo 60 sano ah. Arrinta xusidda mudan iyadna waxa ay tahay in
gobollo badan oo meelaha ay abaartu aad ka u saamaysay ah ay Al Shabaab
xukumaysay. Aad bayna u adkayd ee Kaalmo
bini’aadannimo la gaadhsiiyo meelahaasi, waayo Al Shabaab ayaa ajaanibka
Mucaawanooyinka bixinaya u arkayay basaasiin reer galbeeda (Maruf & Joseph, 2018). Haddaba waqtigaas abaarta
darani jirtay Dalka Turkigu waxa uu soo ururiyay gurmad badan, oo wuxuu ugu
deeqay Soomaaliya si loo gaadhsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen. Sannadkii
2011kii Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Turkigu waxa ay ku deeqeen 365$
Malyan, halka ay Dawladda Turkidu ku deeqday $49 Malyan ((Yükleyen and Zulkarnian,2015).
Wafdi ballaadhan oo uu metelaya
Turkiga, oo uu hoggaaminayay Raysalwasaarihii waqtigaasi Erdogan, ayaa yimid
Soomaaliya Bishii Ogosto, 2011kii. Waxa la socday wasiirro, Ganacsado,
Saxafiyiin, IWM (Cumar Y. Cabdulle, 2019). Madaxweyne
Erdogan, waxa uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee soo booqda Soomaaliya sannadkii
2011kii (Cannon, 2016). Waxyaabo badan oo iskugu jira dhar, cunto, iyo
dawooyin ayuu waqtigaas Turkigu Soomaaliya keenay. Qoraagu, waxa uu xusayaa in
gargaarku yahay waxyaabaha ugu salka ballaadhan ee dalalku danahooga
siyaasadeed ku fushadaan, waddamada kalana saamayn ugu yeeshaan.
Dooddan odhanaysa ‘
Turkigu Soomaaliya gargaar bini’aadannimo daraaddii ayuu u caawiyaa oo dano
kale kama laha’ dadka qaar ayaa qaba. Waa dood gaarkeeda u taagan oo
aqoonahanno badan ku doodayaan. Se qoraagu ma qabo, oo wuu ka soo horjeedaa.
3-
Doodda 3aad:
Dano Istiraatijiyadeed: Dooddan qoraaga ayaa qaba oo
soo dhiraardhirinaya, wuxuu ku doodayaa iyaga oo aragtiyahaas hore jiraan oo
Soomaaliya Turkigu ka leeyahay, haddana waxaa jirta dano ka gundheer caawin iyo
wadaag taariikheed. Danaha uu Soomaaliya ka leeyahay Turkigu waa kuwo
qorsheysan oo uu rabo inuu arrimihiisa debadda ku fushado.
Danaha Istiraatijiyadeed ee Turkigu Soomaaliya ka leeyahay Maxaa
Caddaynaya?
Labadaas doodood way jiraan, dad badan ayaa
qaba. Qoraaguna sidooda uma diiddana. Se ma qabo. Dood kalana wuu qabaa. Doodda
qoraagu waxa ay tahay ‘ Turkigu dano qorsheysan oo dhaafsiisan soocelin
taariikheed, iyo gargaar Bini’aadannimo ayuu Soomaaliya ka leeyahay.” Dooddaasi
uu qoraagu qabaa waata gundhigga u ah aqoonbaadhista. Wuu sababaynaa. Sababta
Soomaaliya Turkigu dano Istiraatijiyadeed inuu ka leeyahay lagu garanayo, ee
caddaynaya waxa ka mid ah:
B) Turkigu wuxuu ka furtay Soomaaliya
Safaaraddii ugu waynayd: Sannadkii 2011kii Turkigu waxa
uu Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka furtay Safaarad wayn. Waxa Safaaradda yimid oo furay Madaxweynaha
Turkiga Erdogan. In Turkigu ka furto Safaarad Soomaaliya waxa ay fududeynaysaa in
maalgashadayaasha Turkigu Soomaaliya si fudud ku iman karo, oo Afrikada kale uga
sii gudbi karo oo Soomaaliya u noqon karto Biriij isku xidha Turkiga iyo
Qaaradda. Markan uu Safaarrada ka furtay wax uu qoraagu xusayaa in la dareemay
inay Soomaaliya ka jiraan DANO mandiqadeed oo laga leeyahay. Waxa iyadna sii
xoojinysa in arrintani dano qorsheysan oo mandiqadeed tahay sababta uu Turkigu
Soomaaliya u doortay ee uu Waddamad kale ee Afrikaanka ah sidaa wax uga qabsan
waayay. Sannadkan 2011ka qoraagu waxa uu xusayaa inay ahayd markii uu bilaabmay
in galaangalka uu Turkigu Soomaaliya ku hayo. Waa mid ka mid ah qodobbada
caddaynaysa in Siyaasadda Arrimaha Debadda Turkigu, ay Soomaaliya ka leedahay
dano Istiraatijiyadeed, oo ka gundheer gurmad, iyo sooyaal.
T) Soomaaliya waxa ay ku taallaa
meel ku habboon ganacsiga iyo Milleteriga: Qoraagu waxa uu xusayaa in Soomaaliya ku taallo meel aad ugu
habboon ganacsiga iyo Millatariga. Oo gacankan Soomaaliya ku taallaa waxa uu
dhex u yahay adduunka. Soomaaliyana wuxuu ka dhigi karaa inay ku dooddo inay
ganacsiga adduunka maamusho oo xuddun u tahay. Taasina ay keenayso in waddamo
badan oo sida Turkigu ay ku soo hirtaan, iyaga oo raba inay ka faa’ideystaan. Waxa
kale, oo qoraagu xusayaa in Turkigu doonayo inuu dhaqaalihiisa ballaadhiyo oo uu suuqaq cusub oo uu alaabtiisa, iyo
waxsoosaarkiisa ku iibiyo ka samaysto Geeska. Taasna meesha ugu habboon ee uu u
soo mari karaa waa Soomaaliyaa. Waa mid
ka mid ah qodobbada caddaynaysa in Siyaasadda Arrimaha Debadda Turkigu, ay
Soomaaliya ka leedahay dano Istaraatijiyadaysan, oo ka gundheer gurmad, iyo sooyaal.
J) Dhaqaalaha Soomaaliya oo kobcaya:
Sannadahan danbe dhaqaalaha Soomaaliya aad buu u kordhayaa, sida
qoraagu xusayo. Sida Baanka Adduunku ( 2018) Rebood uu Soomaaliya uu ku yidhi:
“ Si xawliya ayay u kobcaysaa lacagta Moobillada la iskugu diraa…” Turkiga oo
dhaqaalahaas la socdaa waaka ballaadhiyay ee habeeyay Dekedda Muqdisho. Labada meelood ee dawladda lacagtu ka soo
gasho oo ah garoonka iyo Dekedda Muqdisho labadaba Shirkad Turkiga ayaa gacanta
ku dhigtay dibudhiskeeda, maamulka, iyo dayactirka muddo 20 sano ah (Shinn,
2015). Turkigu wuxuu rabaa inuu
kaabayaasha dhaqaalaha ka qaybqaato oo maamulo. Waa arrin caddaynaysa in
Turkigu dano dhaqaale ku qabo oo uu rabo inuu sii maalgashado, rejo wayna uu
Mustaqbalka ka leeyahay Soomaaliya. Waa
mid ka mid ah qodobbada caddaynaysa in Siyaasadda Arrimaha Debadda Turkigu, ay
Soomaaliya ka leedahay dano q Istaraatijiyadaysan, oo ka gundheer gurmad, iyo
sooyaal.
Maxay Soomaaliya Xuddun ugu noqotay Siyaasadda Arrimaha Debadda
Turkiga Marka Afrika la eegayo?
Markii ay dhalatay Dawladnimada cusub ee Turkiga
ee Ataaturki hoggaaminayay waxa ay baddeshay xidhiidhkeedii galbeedaysnaa, oo
waxa ay u soo jeedisay Afrika, iyo Bariga Dhexe. Afrikaanka iyo Turkiga
xidhiidh wanaagsan ayaa u bilaabmay:
B) waayo markii hore kama dhexaynin Sooyaal gumeysi.
B) waayo markii hore kama dhexaynin Sooyaal gumeysi.
T) Waqtiyadaa Afrikaanka la gumeysan jiray ee
Reer Yurub gumeysan jireen Turkigu wuu caawin jiray Afrikaanka, oo gurmad ayuu
siin jiray.
J) Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee Turkigu
waddamo badan oo Afrikaana ayay xidhiidh lahaayeen, oo waddamo Afrikaana
dagaallo ay galeen ayay ka caawisay.
Sannadkii 1998ki ayuu Turkigu siyaasaddii
Arrimaha debadda soo gaadhsiiyay Afrika, isaga oo daahfuray qorshe uu ku
magacaabay “African
opening action plan of 1998.” Qorshayaashaa sababaha iyo ujeeddooyinka ugu waaweyn ee u sameeyay waxa ay ahaayeen:
opening action plan of 1998.” Qorshayaashaa sababaha iyo ujeeddooyinka ugu waaweyn ee u sameeyay waxa ay ahaayeen:
1-
Xidhiidh
Siyaasadeed: Waxa laga waday in xidhiidhka
Afrika iyo Turkigu la xoojiyo, oo safaarado la kala furto, oo qorshayaal
Diblamaasiyadeed la kala fushado.
2-
In
dhaqaalaha la iska kaashado: Waxa la iska
caawinayaa sida cashuuryaraynta, isku furka dhaqaalaha, farsamada, aqoonta, iyo
ka wadashaqaynta heshiisyada ganacsi. In Turkigu ka mid noqdo xubin Ururka
dhoofinta iyo soodhoofsashada Afrikaanka, iyo inuu deeqbixiye ka noqdo Bangiga
Horumarinta Afrika.
3-
Inuu
horumariyo xidhiidhka bulsho ee labadooda u dhexeeya: Sida kor loo qaado aqoonta, wadashaqaynta, dhaqanka, inay ardeyda
iyo aqoonyahannada labada dhinac wax iswaydaarsadaan, deeqo waxbarasho, In
Turkiga laga aasaaso Machad lagu barto Afrika/Afrikaanka.
4-
In la
xoojiyo oo kor loo qaado xidhiidhada Millatari, iyo difaaca: Sida in Abbaanduulayaasha iyo Askarta Afrikaanka tababbar lagu
siin karo Turkiga, in dhaqaale lagu kaalmayn karo hawllagallada nabadeed UN ka waddo
Afrika.
5-
In la
sameeyo ururro cilaaqaad oo u dhexeeya Turkiga iyo Afrika: Sida inuu xubin ka noqdo ururrada ‘ The common market for Eastern
and Southern Africa’COMESA’, iyo ‘Southern Africa development community (SADC)’
Midawga AFrika, iyo Bangiga Horumarinta Afrika ( Cumar Y. Cabdulle, 2019).
Xidhiidhada ugu muhiimsan ee Turkigu Afrikaanka
la leeyahay waxa ay bilaabmeen sannadkii 2005tii. Waayo sannadkan waxa lagu
dhawaaqay ‘ Sannadkii Afrika’ ee Siyaasadda Debadda Turkiga. U jeeddada loogu
dhawaaqay waxa ay ahayd in la fuliyo waxyaabihii Turkigu ka dejiyay Sannadkii
1998kii.
Saddex u jeeddo ayuu Turkigu ka lahaa Afrika:
1-
Inuu sii
xoojiyo xidhiidhkii ay Cusmaaniyiintu la lahaayeen Afrika.
2-
Inuu
koruqaado arrimhiisa Diblomaasiyeed ee joogitaanka Afrika.
3-
Inuu
xidhiidh qorshaysan oo wadashaqayneed la yeesho Waddamada iyo Uururrada
Qaaradda jooga.
Xidhiidhadii uu Turkigu la sameeyay Afrika,
waxaa ugu muhiimsanaa, xuddunna u ahaa kii uu la yeeshay Soomaaliya. Soomaaliya
xidhiidh wanaagsan ayuu la yeeshay. Qoraagu waxa uu ku doodayaa sababta uu
xidhiidhka ula yeeshay inay ahayd inuu ka fushado dano siyaasadeed. Danahaas
ayuu Soomaaliya ka arkay, wuxuunna dareemay inuu ka fushan karo. Waxa jiray afar
sababood oo Turkigu u doortay Soomaaliya:
1-
Sooyaalka
labada waddan ka dhexeeya.
2-
Meesha ay
Soomaaliya ku taallo oo ah buqcad habboon.
3-
Gurmad
bini’aadannimo.
4-
Inuu xoojiyo
dhaqaalaha iyo sidaasadda uu AFrikaanka la leeyahay, meesha ugu wanaagsanna waa
Soomaaliya. Waayo waxa ay leedahay
Xeebta ugu dheer Afrika, oo kheyraadka baddaasi lama soo saarin, weli
wuu dihinyahay.
Isla halkan qoraagu waxa uu hoosta ka
xarriiqayaa arrinta ‘ Gargaarka ama Gurmadka.’ Waxa uu sheegayaa inuu gurmadka
ay waddamada ama ururrada kaba bixiyaan uu yahay mid ka ah waxyaabaha Waddamadu
waddan kale ay danaha ay rabaan ay kaga faa’ideystaan. Waa runtii, Dambiso Moyo
buuggeeda ‘ Gargaar Gunnimo, 2009’ iyada
oo gurmadkan aad u dhalliilaysa waxa ay tidhaahdaa ‘gargaarku waa curyaamin
dhaqaale, iyo waxsoosaar.’ Waa runteed. Qoraaga buugguna aad buu u dhalliilayaa
gargaarka, oo wuxuu meelo badan ku sheegayaa inuu yahay qodob dano gaar
ahaaneed loogu soo dhuunto.
Maxay tahay danaha Istaraatijiyadaysan ee Turkigu ka leeyahay
Soomaaliya?
Soomaaliya, waxa ay ku taallaa buqcad soo
jiidasho leh oo waxbadan ku habboon. Waxa arrin cajiiba ka sii dhigaya waxa ay
xuduud la leedahay labada Badwayn ee Badwaynta Hindiya, iyo Badda Cas. Waxa ay
ku taallaa halka ay iska galaan Qaaradaha Afrika iyo Barigu, iyo halka ay iska
galaan Eeshiya iyo Galbeedku. Waxa ay kale oo u dhaw Kanalka Baab Mandab oo ah
Bado badan xidhiidhiya ( Cumar Y. Cabdulle, 2019), iyo (Maxamed, 2003).
Goobta habboon ee ay Soomaaliya ku taallo
daraaddeed waxa ay keentay in awoodo badan ay ku hirdamaan, oo danahooga ka
dhex arkaan tagtadii iyo timaaddadaba. Taasina dalka waxa ay ku keentay saamayn
badan oo tognaan, iyo tabnaan bal eh. Turkigu waxa uu ka midyahay awoodahaa
debadeed ee danahooga Soomaaliya meesha ay ku taallo danahiisa ka dhex arkay.
Qoreshayaal ka gundheer gurmad iyo taariikh ayuu ka leeyahay Soomaaliya, sida
Qoraa Cumar Y. Cabdulle qabo, kuna doodayo. Waqtiyadii ka horreeyay gumeysigya, xilligii
gumeysyuhu dalka haystay, iyo waqtigii lagu jiray dagaalkii qaboobaaba
Soomaaliya awoodo debadeed ayaa ku hirdamayay, oo waxa ay lahayd goob ku
habboon oo wanaagsan.
Qorshayaasha uu Turkigu Soomaaliya ka leeyahay
innaga oo qoraaga ka soo xiganayna ayaynu qaar ka mid ah tixi:
1-
Dano Dhaqaale: Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu wanaagsan dhaqaale
ahaan, waayo waxa ay isku xidhaa Eeshiya, Afrika, iyo Yurub. Waxa se dalka
waxyeello soo gaadhsiiyay burburkii dawladdii uu Siyaad Barre gadhwadeenka ka
ahaa, oo waxyaabo badan ayaa burburay sida dekedihii ku yaallay Kismaayo,
Muqdisho, Boosaaso, iyo Berbera oo ahaa isha dhaqaalaha dalka, Geeska Afrikana
u ahaa meelaha ugu muhiimsan dhaqaalaha. Sida qoraagu qabo sababta ugu wayn ee
Turkigu xidhiidhka arrimaha debadda
Soomaaliya ula yeeshay waxa ay tahay si uu u xoojiyo xidhiidhka dhaqaale
ee uu Soomaaliya iyo waddama la jaarka ah leeyahay weeyi. Meelaha uu
dhaqaalahaas isha ku hayo haddana qaarkood qayb wayn ku leeyahay waxa ka mid
ah:
B) Garoonnada Diyaaradaha, iyo
Dekedaha.
T) Beeraha, Kalluunka, iyo
dhoofinta Muuska.
2- Dano ku salaysan buqcadda ay ku taallo: Soomaaliya, waxa ay dhacdaa meel ganacsiga ku habboon, waxyaabo
badanna ku wacan. Meesha ay dhacdo daraaddeed, waxbadan oo uu Turkigu rabo ayay
ka caawin kartaa ayuu qoraagu qabaa.
3-Dano Ammaan: Markii wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Erdogan uu yimid Soomaaliya
sannadkii 2011kii, ee uu gargaarkii abaarta u yimid, waxa uu Muqdisho ka furay
Saldhigga ugu waynaa ee Turkigu leeyahay. Turkga taasi waxa ay u sahlaysaa
colaadaha geeska inuu ka gaashaanto iyo inuu la tartamo Imaaraadka Carabta. Saldhiggaasi
wuxuu u sahlayaa meel ay ka galaan colaadaha Gacan Cadan ka aloosan. Aad waxa
ay u tartamaan oo xifaal badan ayaa ka dhexeeya Turkiga iyo Imaaraadka. Turkigu
waxa uu Soomaaliya ka furtay Saldhiggii Millatari ee ugu waynaa, si uu ugu
awoodeeyo joogitaankiisa Soomaaliya. Saldhiggaasi wuxuu u sahlayaa meel ay ka
galaan colaadaha Gacan Cadan ka aloosan.
Sannadkii
2017kii Turkigu waxa uu Muqdisho ka furtay Saldhig Millatari oo aad u
ballaadhan oo 2KM ah. Waxa ku baxday lacag dhan $50 Mliyan, waxaana lagu
tababbaraa 10,000 Ciidan. (Cumar Y. Cabdulle, 2019).
Saddex u jeeddo
ayuu Turkigu uga furanayaa Soomaaliya Saldhig Ciidan:
B) Inuu Turkigu
ilaashado saamaynta ganacsi ee uu mandaqadda ku leeyahay.
J) Inu argagixisada
kula dagaallamo, Ciidamada Qaranka Soomaaliyeedna taageero oo ka caawiyo sidii
ay Al Shabaab uga adkaan lahaayeen.
J) Inay Soomaaliya
u noqoto Suuq uu ku iibiyo agabka Millatari ee uu soo saaro.
Maxaa Buugga Laga faa’ideysan karaa?
1-
Buuggu waxa
uu aad u qaadaadhigayaa xidhiidhka siyaasadeed ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo
Turkiga, waxa uu innoo saamaxayaa inaan fahanno xidhiidhkaas.
2-
Wuxuu innagu
baraarujinayaa in u jeeddada Turkigu dalka u joogaa ay ka gundheertahay arrimo
gargaar bini’aadannimo, iyo xidhiidh siyaasadeed, oo dano ka waaweyn ayaa jira.
3-
Dalkasta oo
dalkale waxa u qabanayaa inay jirto dan uu isagu ka leeyahay, oo uu daraaddeed
dalka kale waxa ugu qabanayaa, ayuu buuggu inna xasuusinayaa.
4-
In
siyaasadda arrimaha debadda dalalku ay u samaystaan inay ku fushadaan danahooga
daleed, iyo diblomaasiyadeed.
Gebagebo
Turkigu Soomaaliya waxqabad badan ayuu ka wadaa.
Waxqabadyadaasi waa kuwo soo bilaabmay muddo dhexdiiyay. Turkigu Soomaaliya
waxa uu ka taageeraa waxbarashada, ammaanka, caafimaadka iyo waxyaabo kale.
Waqtigii ugu horreysay ee uu u soo gurmado waxa ay ahayd waqtigii ay abaartu ku
dhufatay deegaanno badan oo Soomaaliya ah sannadkii 2011kii. Wixii intaas ka
danbaysay si joogta ah ayuu uga warhayaa.
Dhinaca kale, Turkiga iyo Soomaaliya waxa ay ka
dhexaysay taariikh soojireen ah. Waxa ka mid ahaa Boqortooyadii Cusmaaniyiinta
oo Turkiga maamulaysay meelaha ay yimaaddeen waxa ka mid ahaa magaalooyinka
Soomaalida sida Muqdisho. Xidhiidhkaas labaadna wuu ka dhexeeyay Soomaaliya iyo
Turkiga.
Doodda, qoraagu horraysa iyo danbaysa waxa weeyi
in Turkigu Soomaaliya ka leeyahay dano ka ballaadhan gurmad, iyo taariikh
wadaag inuu ka leeyahay. Danahaas waxbadana yaa caddaynaya. Danaha waxa ka mid
ah; kuwo dhaqaale, ganacsi, goobo Istaraatijiyadeed, kuwo ammaan IWM.
Waxa aan rabaa, inaan si kooban intaas ku soo
koobo.
Cabdirasaaq Sandheere
Juun, 2020.
Comments
Post a Comment