Sookoobidda buugga “ How Successful People Think- Sidee Guuleystayaashu u fekeraan?”


Hordhac

Buuggan la yidhaa Sookoobidda buugga “ How Successful People Think- Sidee Guuleystayaashu u fekeraan?’ waxa qoray John Maxwell. Waxa uu ahaa qoraa. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ 15 Valuable Lows o Growth.”
Waa buug kooban. Waxa uu ka koobanyahay 120 iyo dhawr bog.  Se PDF ahaan waa 80 Bog. Buuggan waxa uu kaga warramayaa QAABKA ama SIDA dadka GUULEYSTAYAASHA ahi u fekeraan. Dadka guuleystayaashu qaab gaar ayay u fekeraan sida qoraagu qabo, qaababkaas ayaynnu isla eegi.
Nuxurka
Hordhaca hore qoraagu waxa uu isku wayddiinayaan dhawr su’aaloo. Ta koowaad waa “ Maxaad u doonaysaa in aad baddeshid habfekerkaaga?’
Marka aad fekrad baddelaysid waxaad u baahantahay qodobbadan inaad xasuusnaatid. Waxa ka mid ah:
1-      Ogsoonoow isbeddelku iskama yimaaddo si AUTOMATIC AH.
2-    Baddelidda fekerku way adegtahay.
3-     Baddelidda fekerku wax la maalgeliyo way u qalantaa.
Sideed ku noqon kartaa FEKERAA WANAAGSAN?
1-      Maskaxda wax wanaagsan ku shub/geli.
2-    Dadka fekerrada wanaagsan ama fekerka ku fiican naftaada ka agdhawee.
3-     Dooro in aad ka fekerko wax wanaagsan. `
4-    Ka falceli fekerrada wanaagsan oo ficil u baddel.
5-     Dareennadaada u oggolow in ay abuurto habfeker wanaagsan.
6-    Habka ku celceli.
7-     Raadi meel ku habboon oo aad ku fekerto.
8-    Raadi meel ku habboon oo fekradahaagu duuli karaan.
Sidee Guuleystayaashu u fekeraan?
Qoraagu waxa uu buugga dhan ba kaga warramayaa 11 astaamood oo GUULEYSTAYAASHU leeyihiin. Astaamahaas ayaynnu qaar ka mid ah soo qaadan:
1-      Waxa ay abuuraan oo leeyihiin FEKER ballaadhan ( Big picture Thinking): Macne ahaan waxa ay xooggasaaraan waxbadan, oo waxyaabo badan ayay ka fekeraan.
2-    Diiradda Meel kaliya ayay saaraaan ( Focused Thinking): Halkan waxa uu uga jeedaa in waxkasta aad diiradda loo saaro sidii iyada oo aad sheygaas oo kaliya haysid. Tusaale, haddii aad 4 Cutub ayaad akhriyaysaa. Marka aad ka 1aad akhriyayso isaga xooggasaar oo kuwa kale iska illow, oo markooda iyagana diiradda saar.
Qofku markuu shey diiradda saarayo waxa muhiim ah:-
1-      In u jeeddadu u caddaado.
2-    In uu riyadiisa horumariyo.
Qofku wuxuu ku joogtayn karaa diirad saaridda:
1-      Inuu waxkasta oo tashuush ku furayo ka dheeraado ama meesha ka saar ( Remove Distructions).
2-    Inuu waqti gaar ah u sameeyo.
3-     Inuu yool cad dejisyto.
4-    Inuu horumarka iswayddiiyo, oo wax iska wayddiiyo.
In qofku diiradda meel kaliya saaraa faa’idooyin badan bay leedahay sida:
1-      Hadaf cada inuu yeesho.
2-    Waqti inuu u qorsheeyo.
3-     Tallaabada taa xigta inuu qaado.
3-     Si waaqici ah ayay u fekeraan ( Realistic thinking): Waxa uu ka fekerayaa waxkasta oo macquul oo dhici kara, ha ahaado tabnaan iyo tognaan ba.
4-    Fekerrada ayay abuuraan ( Creative Thinkers).
5-     Inuu isticmaalo Feker qorsheysan ( Startegic Thinking): Marka ay fekerayaan si qorsheysan ayay u fekeraan.
6-     Waxa ay sii eegaan/ indha’indheeyaan waxa suurtagel ah noqon kara ( Posibility Thinking): Waxa suurtagel noqon kara way iswayddiiyaan marka ay fekerayaan ee ay noloshooda dhisayaan.
7-     Waxa ay bartaan fekerka jawaabcelinta ( reflecting Thinkin): Waxa ay aad iskugu taxallujiyaan oo fekerkooda ku daraan haddii ay wax dhacaan wixii ay kaga falcelin lahaayeen. Dadka kale qaladaadkooda, iyo guulahoodaba wax ka baro.
8-    Su’aalo ayay iswayddiiyaan: Su’aalo badan oo dhinacyo badan taabanaya ayay iswayddiiyaan waqtiga ay fekerayaan.

Gabgebo
Buuggu intaas ayuu ku koobanyahay. Si guud ayaynu dulmarnay. Waxa aan rejaynayaa in waxbadan laga fahmay. Mahadsanidiin.

Muuqaal ahaan halkan ka daawo buugga:
https://youtu.be/MK8xP01MTig

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
22 maarij, 2020.


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?