Posts

Showing posts from October 17, 2021

Sookoobidda Buugga “I Know How She Does It ~ Waan garanayaa sida ay u qabato.”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ I Know How She Does It ~ Waan garanayaa sida ay u qabato.” oo Cinwaan hoosaadkisu yahay “ How Successful Women Make the Most of Their Time.” Waxa qortay Marwo Laura Vanderkam. Laura, waa qoraa wax qorta. Inta badan waxa ay wax ka qortaa maamulka waqtiga iyo mawduucyada la xidhiidha.   Buugaag kale ayay qortay. Waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ Off the Clock.” Iyo ka kale ee la yidhaa “ What The Most Successful People Do Before Break Fast. ” Waxa ay qortay sannadkii 2015kii. Buuggan waxa ay kaga warramaysaa waxa ay dumarka guulaystayaasha ahi waqtigooda intooda badan qabtaan. Si guud ayaynu u dulmari. Nuxurka Buugga waxa ay ku taxaysaa waxa dumarka guulaystayaasha ahi waqtigooda intooda badan qabtaan. 5 qodob ayaynu ka soo qaadan. Waxa ay yihiin: 1-       Waqtigooda ayay qayqaybiyaan: Tusaale ahaan, waxa ay u qaybiyaan waqti shaqo, waqti nasasho, waqti ay caruurta kula qaataan IWM. 2-     Waqtiga ay Qoyska la qaadanayaan ayay macne u yeel