Sookoobidda Buugga “I Know How She Does It ~ Waan garanayaa sida ay u qabato.”

 

Hordhac

Buuggan la yidhaa “I Know How She Does It ~ Waan garanayaa sida ay u qabato.” oo Cinwaan hoosaadkisu yahay “How Successful Women Make the Most of Their Time.” Waxa qortay Marwo Laura Vanderkam. Laura, waa qoraa wax qorta. Inta badan waxa ay wax ka qortaa maamulka waqtiga iyo mawduucyada la xidhiidha.

 

Buugaag kale ayay qortay. Waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ Off the Clock.” Iyo ka kale ee la yidhaa “What The Most Successful People Do Before Break Fast.

Waxa ay qortay sannadkii 2015kii. Buuggan waxa ay kaga warramaysaa waxa ay dumarka guulaystayaasha ahi waqtigooda intooda badan qabtaan. Si guud ayaynu u dulmari.

Nuxurka

Buugga waxa ay ku taxaysaa waxa dumarka guulaystayaasha ahi waqtigooda intooda badan qabtaan. 5 qodob ayaynu ka soo qaadan. Waxa ay yihiin:

1-      Waqtigooda ayay qayqaybiyaan: Tusaale ahaan, waxa ay u qaybiyaan waqti shaqo, waqti nasasho, waqti ay caruurta kula qaataan IWM.

2-    Waqtiga ay Qoyska la qaadanayaan ayay macne u yeelaan: Cuntada ayay meel kula cunaan qoyska. Marka ay cuntada wadacunayaan way u sheekeeyaan.

3-     Shaqada guriga ayay wax fudud ka soo qaadaan: Macne ahaan shaqada guriga waxwayn oo lagu mashquulo uma arkaan, waxa ka baylahsan markaaba way qabtaan.

4-    Waxa ay maamulaan oo qorshe iyo hagid u sameeyaan waqtiga ay fasaxayihiin: Waqtiyada fasaxa ay yihiin sida dhammaadka toddobaadyada waxa ay u sameeyaan qorshe ay ku hagaan, iyo wax ay qabtaan oo maamula.

5-     Inta badan ma jecla guurka: Hablaha guuleysta badankoogu ma jecla guurka, inta guursataana furniinka ayaa ku badan.

Gebagebo

Buuggu wuu koobanyahay. In ka mid ah waxyaabaha uu diirradda saarayo ayayny si kooban u dularmarnay. Intaas ayaan ku soo koobayaa.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

27 Abri, 2020.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?