Posts

Showing posts from December 30, 2018

Falanqeynta iyo Gorfeynta Buugga ‘ Dhaxalreeb Labaad’ ee Boobe Y. Ducaale Qoray, iyo Gaar ahaan sii Gorfeynta Gorfeynta uu Qoraagu Buugga Cabdillaahi Yuusuf ku sameeyay

Image
Hordhac Buugga magaciisa waxa la yidhaa ‘ Dhaxal-reeb Labaad.’ Waxaa qorey Qoraa Sare Boobe Yuusuf Ducaale. Waa buug taariikh ah oo qoraagu dhacdooyinkaa badidooda goobjoob ka ahaa. Wuxuu ka koobanyahay 305 bogg. Si kooban ayaan isku dultaagidoonaa. Marka hore waxa buuggu ka hadlayo ayaan sookoobid ku samayn oo falanqayn, aniga oo hanbalyo iyo bogaadin qoraaga ahna ku ladhaya, sidoo kale aan ka illaawayn wixii dhaliil ah. Marka xiga waxa aan sii gorfeyn doonaa gorfeyn uu qoraagu ku sameeyay buug uu qorey Cabdillaahi Yuusuf. Gorfeyntaa iyada dhaliil badan oo aqooneed iyo mid qoraalleedba waan usoo jeedin doonaa. Haddii si aan ku cajabin aan meelaha qaar carrabka ugu adkeeyo, iska liq oo caqligaaga la kaasho. Falanqeyn Kooban Buuggu waa buugta jaad ahaan loo yaqaan ‘ History ~ Dhacdooyin.’ Mgaciisu sdian ayuu u qoranyahay ‘ Dhaxal-reeb labaad.’ Mid kale ayaa ka horreeyay oo ‘ Dhaxal-reeb: Horaad’ la yidhaa oo isla qoraagu qorey. Markaa waa taxane kaa hore kaabaya. Magaca bu