Falanqeynta iyo Gorfeynta Buugga ‘ Dhaxalreeb Labaad’ ee Boobe Y. Ducaale Qoray, iyo Gaar ahaan sii Gorfeynta Gorfeynta uu Qoraagu Buugga Cabdillaahi Yuusuf ku sameeyay




Hordhac
Buugga magaciisa waxa la yidhaa ‘ Dhaxal-reeb Labaad.’ Waxaa qorey Qoraa Sare Boobe Yuusuf Ducaale. Waa buug taariikh ah oo qoraagu dhacdooyinkaa badidooda goobjoob ka ahaa. Wuxuu ka koobanyahay 305 bogg. Si kooban ayaan isku dultaagidoonaa. Marka hore waxa buuggu ka hadlayo ayaan sookoobid ku samayn oo falanqayn, aniga oo hanbalyo iyo bogaadin qoraaga ahna ku ladhaya, sidoo kale aan ka illaawayn wixii dhaliil ah. Marka xiga waxa aan sii gorfeyn doonaa gorfeyn uu qoraagu ku sameeyay buug uu qorey Cabdillaahi Yuusuf. Gorfeyntaa iyada dhaliil badan oo aqooneed iyo mid qoraalleedba waan usoo jeedin doonaa. Haddii si aan ku cajabin aan meelaha qaar carrabka ugu adkeeyo, iska liq oo caqligaaga la kaasho.
Falanqeyn Kooban
Buuggu waa buugta jaad ahaan loo yaqaan ‘ History ~ Dhacdooyin.’ Mgaciisu sdian ayuu u qoranyahay ‘ Dhaxal-reeb labaad.’ Mid kale ayaa ka horreeyay oo ‘ Dhaxal-reeb: Horaad’ la yidhaa oo isla qoraagu qorey. Markaa waa taxane kaa hore kaabaya. Magaca buugga laaxin badan oo xagga qoraalka ah ayaa iiga muuqda. Soomaali ahaan waxaa fiican, naxwa ahaanna saxan in loo qoro ‘ Dhaxalreeb.’ Waayo, waa laba eray oo isku tagay, hal magac oo nuxur gaar ah gudbinayana sameeyay. Halkaasi way hoosmartay qoraaga. Mar haddii cinwaankii qaldamay qoraal ahaan, waxa aad filataa in buugga badhtankiisana waxbadani qoraal ahaan qaldanto.

Buuggu waxa uu ka koobanyahay dhawr qeybood. Qaybta koowaad wuxuu ladh uga dhigay ‘ Macallinkii Medrasadda Maadda iyo Murtida.’ Wuxuunna kaga warramayaa waayihii iyo suugaantii Abwaan Cabdillaahi Cabdi Shube (1926-1978kii).  Abwaanku Bullaxaar ayuu ku dhashay, balse wuxuu ku barbaaray Hargeysa oo noloshiisa intii badnayd ku qaatay sida qoraagu xusayo. Abwaanku cuntokariye ayuu Hargeysa ka noqday ayuu qoraagu innoo soo warinayaa. In uu murtida iyo maadda aad ugu wacnaa ayuu innoo sheegayaa qoraagu. Sidoo kale, kaliya Jacburka ma tiring jirine curin iyo farshannimo kale inay u raacsanayd, oo heeso badan iyo riwaaydo badan lahaa ayuu qoraagu innoogu nuuxnuuxsanayaa. Dhawr maanso oo Abwaan Shube curiyay ayuu soo qaadanayaa qoraagu. Waxaanna ka mid ah:
“ Islaan baa loogu duceeyay,
Daaco goorwalba joogtiyo,
Wuxuu doonayo saarkiyo,
Wuxuu diidayo saarku.
Nin baa loogu duceeyay,
Calan dheer dusha saar oo,
Dawarsoo ha fadhiisan.
Mid baa loogu duceeyay,
Markuu waagu dillaaco,
Dubbe weyn dagta saar oo
Dhagaxuun dildillaaci.
Mid baa loogu duceeyay,
Dibbir oo iska seexo.
Inan baa loogu duceeyay,
Mar habeen dam yidhaahdo,
Daaraddiina ka bood oo,
Suuqa soo daddawaaf.”

Abwaanku dhabarka ayuu kaga  jabay ceel dooxa ku yaal goor habeennimon ah isaga oo hoyanaya! Muddo ayuu sii noolaa; dhaawacaanna wuu u dhintay sida qoraagu ka soo warinayo Abwaanka inankiisa Aab[b]i.
Buuggu dhacdooyinkii ayuu sii dhexjibaaxayaa, wuxuunna ladhka ku xiga qoraagu ka dhigay ‘ Ma Beertii Xorriyaddaa ugu Danbayn Xorowday.’ Waxoogaa ayuu canjaladda dibucelinayaa. Waxaase ugu muhiimsan in Juun 25, 1960kii, goor casar ah ay dadwaynihii Hargeysa, iyo dad gobollada kale ka yimid ba iskugu soo baxeen garoon Kubbadeed oo ku yaallay Xaruntii xaafadda 26ka Juun. Madax badan oo Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaya Maxammed X. Ibraahin  ayaa joogay. Sidoo kale, Kaaral oo gumeystihii caddaa ka wakiil ahaa joogay. Halkaa waxaa gabaygii caanka ahaa ee ‘ kaana SIIB, kanna SAAR’ ka tiriyay Abwaankii Cabdillaahi Suldaan Timacadde. Labadii CALAN sidaa ayaa la isku wayddaariyay oo kii Soomaaliyeed cirkaa lagu shareeray, kii Ingiriisna inta la duudduubay ayuu Kaaral kilinkillada uu gashaday, sidaa qoraagu xusay.

Isaga oo innoo wada waxa uu galayaa cinwaanka la yidhaa “ Cali Mahdi: Kala-kexeeye wuu ku daa, Kufshaa wanaaga maas kabaa.” Halkan Cali Mahd ayuu qoraagu ku naqdinayaa. Sidii caadada u ahayd ee uu ragga kale ee buugga ku jira u soo qaadanjiray wax hordhaca oo ku saabsan taariikhnololoodkooga, Cali-Mahdi ma soo qaadanayo! Kaliya dhaliil iyo waxkasheeg buu ku bilaabayaa. Cali-Mahdi inuu shir baan soo qabanqaabiyay yidhi Julaay, 2007dii, ayuu qoraagu innoo sheegay. Waqtiga shirkaa la qabanayay inuu balliyo dhiig ah dhex jooga degello darxumo ahna dhex jiifo ayuu qoraagu carrabaabayaa. Wuxuunna yidhi; “ Cali-Mahdi ayaa maantana ka hadlaya dibuheshiisiin iyo Midnimo Soomaaliyeed isaga oo balliyo dhiig ah dhex jooga oo degello darxumada iyo silicu barriinsadeen dhex jiifa oo ku raaxaysanaya dhawaaqa shinbiraha ka dul heesaya damallada webiyada iyo durdurrada aan gudhayn xididdada kula jira. Waqalladaa iyo dirirradaa ransanaya ayuu is-na dhacadiid u jiifaa oo hadba loogu bushaaraynayaa hoog iyo halaag lagu rogmaday..” Bogga 46. Halkaas ayuu ka miisayaa qoraagu. Qoraalka abaar afeed oo farabadan iyo qaladaad naxweed ayaa ka muuqda. Qoraalka intaa le’egi malaha hal hakad, meelihii hakadkuna way cadyihiin oo xataa qof barbarad ahi haddii uu qoro inuu garanwaayo lagama yaabo. Balse, qoraagu aad buu u dhayalsaday xagga sixidda buugga, oo meelo badan oo kale ka gaabsigaa afeed iyo qaladkaa tirabeelka ah ayaa ka muuqda.
Lixdankii midnimadii dhacday inay Soomaalilaan hormuud ka ahayd oo dooc iyo dareen ku geeyeen ayuu sheegay, maantana doocii iyo dareenkii kula soo noqdeen. Siyaad Barre, inuu isbaday in la rido oo waliba Soomaalilaa faracaaradood wax ku soo dhacsatay ayuu sheegay qoraagu. Sida uu u wado wuxuu soo gelinayaa go’itaanka Soomaalilaan, Cali-Mahdi inuu sabab ku lahaa ayuu sheegayaa. 

Qoraagu intan aynnu la eegno; “….. Dhagax-tuurkii, dooddigii Mandheera ee laga qaxay dayaankeedii, Bir-jeex deeddankeedii, laga dilay kulkeedii, Dhagad iyo Gal-dogob, digtii awrrayaal, dedan, duman, duxan, guda-galkii 84-kii, jarmaadihii 27ka meey, carraabihii 31kii Meey iyo inta goob iyo goor innoo suntan ee cadawgii Soomaaliyeed kabaha birta ah lala dulmaray xagguu ku maqnaa. Ma SNM baan gobollada Dhexe ka dagaallamin. Halkuu joogay markaanu ardaayada: Far-janno, lama-baar, Baar-magoog iyo Mustaxiil ka duulaynay ee cadawgii leedi waayay. Ma Ceelkii Baarrey ayaanaan waayo degganayn. Miyaanaan guluf iyo gaasasba ka bixin: Ganbadh, Garba-gurraaje iyo Bengoon oo aannu ka daawan jirnay kaaha Luuqa-ganaane. Ma SNM baan Baydhabo iyo Xamar kala xidhi jirin beryaha qaarkood. Xaggee ayuu joogay markaa? Isaga oo caga-dhabad ah miyaanay daad-xoortu Diri-dhabe ka soo tuurin. Halgankii Soomaaliya ka socday yaa wiiqay? Janankii USC-da horseedka u ahaa ee Caydiid yaa dhabarka ka jabiyay? Khadkii Cagaarnaa yaa Xamar dhex dhigay? Ma annagaan ka gurman wixii hoog iyo halaag Soomaali la baday?Miyuu illoobay sidii Jinni-boqor markuu isagu isku caleemo-saaray Soomaali ee yidhi: “ Anigaa u Madaxweyne ah.” Yuu u noqday madaxweyne? Xagguu ku danbeeyay Cali-Mahdi? Muxuu ku hawlanaa sannadahaas oo dhan. Isaga ayaa dal iy debadba kala gooyay. Sababaha Soomaalilaan madaxbannaanideeda ula soo noqotay ka mid bu ahaa. Kala-gooye markuu is caleemo-saaray iyo xilliyo ka horreeyayba Somaliland waa la jaray…. Meel baas iyo reer muskood ayaa lagu caleemo-saaray. Intii igmatay ee caleemo-saaratay ayaan maanta oggolayn in kaleba iska daaye. Somalilandna hadalkeedaba daa oo sheekadaba ha ku soo darin.” Bogga 48-49.

Waxbadan ayaan qoraaga ku diiddanahay. Meelahaa uu sheegay SNM ma gaadhay? Sida aan qabo maya ma gaadhin. Kaliya SNM Soomaalilaan ayay ku koobnayd, Itoobbiyana saldhig iyo fadhiisin ayay u ahayd. Balse, SNM ayaa gobollada dhexe iyo Goldogob ka dagaallantay waa ii hadalka Qoraa Boobee, hortiina hal buug oo sheegaya ma arag! Dhaliilaha kale ee ka muuqda intan waxa ka mid ah faan iyo ka badbadis loogu talagalay. Taasina waata buugga nuxurka ka qaadaysa. Xagga Af Soomaaliga intan lafteedu way ka arradantahay oo erayo badan ayaa qaldan. Bal u fiirso ‘caleemo-saaray, caga-dhabad, far-janno, Gol-dogob…” Dhammaan erayadaasi iyo kuwo kalaba waa qalad. Waayo, marka laba eray isku biiraan ee hal macne sameeyaan ama magac qudha noqdaan waxaa Soomaali ahaan xeer ah in la isku daro oo sidan loo qoro ‘ Caleemosaaray, Cagadhabad, Farjanno, Goldogob.’

Intaa ka dib, wuxuu si dulkaxaadis ah innooga warramayaa taarikhdii halgamaa Xaaji Maxamuud Ismaaciil Waraabecadde ( 1933kii-2007dii). Wuxuu qoraagu  aad ugu dheeraanayaa taariikhdii uu Xaajigu ku lahaa SNM ah, iyo sidii uu uga qeybqaatay duufaantii berigaa jirtay. Nin kaftan badan oo hadalyaqaan ah, furfuran oo faxal ah inuu ahaa ayuu innoo sheegayaa qoraagu.
Hadda wuxuu bilaabayaa mawdduuc uu ladh uga dhigay ‘ Maydhaanka Taariikhda Soomaaliyeed’ Waxaanna gundhig u ah dood BBC-du qabatay maalin Jimce ah oo ku beegan Juun 15, 2007dii. Qoraagu BBC-da waxa ay horumar samaysay wuu ku ammaanayaa, sidoo kale wixii ay ka gaabisay wuu ku dhalliilayaa; ta danbe ee waliba dhaliisha ayuu qoraagu xoogga saaray. Dooddiisa waxaanna sal u ah: In BBC-du aynna caddaalad u samayn labadii Gobo lee lixdankii midoobey (Soomaalilaan iyo Soomaaliya).  Dhawr tusaale oo kookooban ayuu qoraagu xusayaa. Waxa ka mid ah isku imaad Jaamacadeed oo Berbera lagu xusayay in BBC-du ka sii dayn wayday. Halka inta muddaharaadyo Berbera ka dhacay ay sii daysay aynna tiro lahayn, ayuu qoraagu ku doodayaa. Taa baddelkeeda ay aad ugu sedburiso Soomaaliya sida qoraagu qabo. Mid kale ayuu qoraagu ku ladhayaa; wuxuu sheegay in laba Bandhig oo kala waqti ah, misana ku saabsan Diiwaanka Timacadde lagu kala qabtay Hargeysa iyo London. Labadaas midna BBC-du may sii dayn! Walow midkood ay ballanqaadeen haddana may fulin. Bandhiggaa dhiggiisa oo ku saabsan buugaag uu qorey Aw Jaamaca C Ciise ayaa lagu qabtay Boosaaso. Barnaamijkii waalla sii daayay. Waliba saddex jeer ayaa Idaacadda laga sii daayay sida qoraagu xusayo.

Ta kale, qoraagu wuxuu ku doodayaa in ay taariikhda Soomaalida maydhayaan oo wax aan jirin ku soo darayaan, wax jirayna marrinhabaabinayaan. Sidoo kale wuxuu qoraagu qabaa in shakhsiyaad gaar ah loo xidhay doodaha qaarkood, iyada oo uu jiraan dano shakhsiyadeed oo daaddihiyaha iyo doodaha ka dhexeeyaa. Tusaale ahaan, wuxuu qoraagu soo qaadanayaa Yuusuf Garaad oo muddo badan ka shaqayn jiray BBC-da, madaxna ka soo noqday sababta uu laba aqoonyahan uun doodda iyo Barmaamijyada wax ka wayddiin jiray. Qoraagu wuxuu sheegayaa in Yuusud Garaad, waqti la dacweeyay oo inuu habqabyaaladeed shaqaale ku qaatay, qaarna ku eryay ayaa lagu soo oogay. Ciddii dacwadda ku soo oogtay maxkamad ayaa la islatiigsaday. Markii maxkamadda la tagay waxaa loo baahday inay keensadaan laba qof oo kala difaaca. Xerta dacwoonaysa waxaa difaacayay nin Ingiriis ah oo la yidhaa I. M. Lewis. Halka Yuusuf Garaad iyo xertiisana uu difaacayay Cabdi I Samatar. Wixii intaa ka danbaysay Yuusud Garaad, wuxuu bilaabay sidii uu ugu abaalgudi lahaa ninkaa difaacay ee Kiiska dhan ka jeediyay. Halkaas ayay ka soo bilaabantay inuu Yuusuf  Ninkaa Cabdi I Samatar iyo walaalkii u xidho doodaha! Waayo, waa abaalgud, ayuu qoraagu ku doodayaa.

Hal mid baan aad ugu sii dhalliilayaa qoraaga, oo ladhkan aynnu ku jirno uu ku xusay, waata ah ‘ Dadka laga tirada badanyahay’ oo uu bogga 68 ku xusayo. Oo dadka yaa tiriyay? Cidna. Ummaddu way isleegtahay si guud. Cidna cid wax ma dheera. Caado dhaqan oo aad u xun oo waxa jirta Soomaalidu leedahay, taasi oo dad qaar ah magac iskaga ladhay ‘ Dadka laga tirade badanyahay!’ Waa kalmad aad u arradan oo qof damiir nool leh inuu ku hadlaa ay ku adkaanayso. Waxa nasiibdarro weyn ah in Qoraa Boobe arrintaa sidii caammada ku hadaaqo oo laga tiro badanyahay la soo istaago! Aad baan uga xumahay in qof intaa le’eg kalmadaha noocaas ah laga arko, ama laga maqlo!
Hadda wuxuu bilaabayaa inuu ka sheekeeyo waxoogaa sooyaala oo ku saabsan Cabdikariin Xaaji Ducaale. Ladhna wuxuu uga dhigay ‘ Kaftankii iyo Keni-adeygii: cabdikariin Xaaji Ducaale ( 1940kii-2007dii).’  Cabdikariin, 1940kii ayuu Ceerigaabo ku dhashay. Cabdikariin wuxuu ka mid ah Ururkii Waddaniyadda Soomaaliyeed ee SNM. Qoraaga aqoonbadan ayay isku lahaayeen, muddo badanna ay isyaqaanneen sida uu sheegay.

Qoraagu wuxuu ku soo dhextuurayaa cinwaan uu ladh uga dhigay ‘ Shir-jaraa’id: waa maxay? Ma shilbaa ma sheekaa? Wuxuu kaga warramayaa shirjaraa’id waxa uu yahay. Waan garanwaayay halka ay xidhiidh kala leeyihiin mawdduuca buuggu daaranyahay ee innoo qalan! Lana rabo inaan ka sacabbobuuxsano! Meel uu xidhiidh kala leeyahay waan garanwaayay. Waa mawdduucyada buugga nahda iyo nuxurka ka qaadaya. Qoraaguna ay ahayd inuu ka fiirsado, talooyin badanna ka galo. Dadkii la tafaftirayna mawdduucyadaa nuxurkii ka dilay buugga way ku daawadeene kamay deeddifayn. Taa ka sokow, cinwaanku wuu qaldanyahay oo qoraagu qaabka uu u qorey  ee ‘ Shir-jaraa’id’ waxa aad mooddaa inuu ilduufay oo sidii berigii Af Soomaaliga aan la qorin uu u qorey. Qaabqoraalku waa sidan ‘ Shirjaraai’id,’ Inuu saxo ayay ahayd, waase lagu degdegay.

Sooyaalkii ayuu halkii ka sii wadaa qoraagu. Hadda wuxuu innooga sheekaynayaa inyar kuu saabsan taariikhda facaweyn ee Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxummed. Suldaanku nabadda ayuu doorweyn ku lahaa. In badan Kililka Shanaad oo uu ku dhashay ayuu nabad ka dhaliyay. Laba jeer ayuu Boqor Xayle Salaase, oo Itoobbiya xukumayay derajooyin siiyay. Sannadkii 1961kii, ayuu Boqor Xaylse Salaase, ku martiqaaday Addis Ababa. Wuxuunna u saxeeyay derajada ‘          Baranbaraas’ oo boqrku kelidii bixiyo. Sidoo kale, sannadkii 1969kii, ayuu marlabaad Boqor Xayle Salaase Qasrigiisa madaxtooyada ku guddoonsiiyay derajada ‘ Fiitoo-waraari’ oo ah derajo isla Boqorka oo keli ahi bixiyo, sida uu qoraagu xusayo. Sidoo kale, door muhiim ah ayuu ka so qaatay Jabhaddii SNM, Dibuheshiisiintii dagaalladii Sokeeye, iyo guud ahaan nabadda, sida qoraaguba qalinka ku duugayo.

  Weli Sooyaalkii ayaa innoo socda. Hadda waakan bilaabaya qoraagii waxoogaa ku saabsan Halgamaa Maxammed Rooble Faarax (Guraaye) oo noolaa intii u dhexaysay 1934kii-2006dii. Qoraaga iyo halgamaa Maxammed Jabhaddii SNM ayay ka wada tirsanaayeen, aqoon badanna way isku lahaayeen sida qoraagu xusayo. Inuu Halgamaagu SNM waxbadan gashaday oo naftiisa u hurey ayuu innoo sheegayaa qoraagu. Sidoo kale, inuu xoolihiisa u hurey oo xataa gaadhi nooca Iskarogada loo yaqaan ah bixiyay; oo kuwii u horreeyay ee Jabhaddu yeelato ka  mid aha.

 Hadda googooskii ayuu galayaa. Wuxuu soo dhexgelinayaa cinwaan aan aad ula xidhiidhin mawdduuca innoo furan, walow waxyar uun la is odhan karo meel buu ka soo galayaa. Ladh wuxuu uga dhigay ‘ Jabhadayntii Af- Soomaaliga.’ Wuxuu si aan faahfaahsanayn ugu tilmaamayaa sida Af Soomaaligu uga qaybqaatay halgannadii dhacay.

Hadda dhacdooyinkii ayuu ku soo laabanayaa. Abwaan Cabdillaahi Qarshe oo noolaa intii u dhexaysay 1924kii-1997kii, ayuu ka warramayaa. Abwaanku inuu nin suugaan dhaadhi ah ahaa ayuu xusayaa. Heeso badan iyo laxanno badan ayuu sameeyay, sida qoraagu ku doodayana heesaha qaraamiga ah isagaa intooda badan u sameeyay laxannada. Maalintu dhintay geeridiisa aad baa loogu baroordiiqay oo maansooyin badan ayaa laga tiriyay. Abwaannada ka tiriyay waxaa ka mid ahaa: Abwaan Cali-Banfas, oo yidhi ‘ Fanku eray hadduu yahay,
Isir uu hiddaystoo,
Summad lagu arooriyo,
Aqal uu u hoydiyo,
Abtirsiinyo loo qoro,
Carro’edeg abwaankii,
Udubkiisa taagee,
Adduunyada dhammaanteed,
Laga wada ogsoonaa,
Iilkiisa geerida,
Alle ha u siraadee,
Maanta aaska lagu noqoy,
Waa ayaanba ayaan,
Nin aroosanayaa,
Ninna iil gelayaa,
Dhakhso looga idlaa”

Sidoo kale, Abwaan Ibraahin Sheekh Saleebaan ayaa isna tiriyay; ‘ Alleylehe sarwayn baa duntiyo, seeski uu dhigaye,
Alleylehe sallaan baa burburay, loo sinnaan jiraye.
Alleylehe siraad baa bakhtiyay, meel sudhnaan jiraye,
Suugaanta maansiyo fankii seedahaa go’aye………..”
Ragga kale ee baroordiiqda tiriyay waxaa ka mid ahaa; Axmed Yuusuf Ducaale, Ciise Warsame, Maxammed Xaashi Dhamac Gaarriye iyo qaar kale sida qoraagu xusayo.

Dad kale hadal ayay ku cabbireen. Waxaa ka mid ahaa: Yuusuf  Xaaji Aadan Cilmi Qabille, Maxammed Saleebaan Tubeec, Saynab Xaaji Cali (Baxsan), Maxammuud Ismaaciil (Xudaydi), Cabdillle Raage Taraawil, Maxammed Cabdillaahi (Singub), iyo kuwa kale.
Qoraagu Abwaanka aad ayuu ugu dheeraanayaa, waxbadanna inuu ka sheego ayuu isku dayayaa. Balse, meelaha qaar waxa aad mooddaa inuu ku soo celcelinayo sidii cashir la subcinayo. Inuu nuxurka uun ka raaco ayay ahayd. Wayse seegtay.

Markuu taa ka yimaaddo wuxuu bilaabayaa Sooyaalkii Abwaan Xasan Sh. Muumin.  U magacbixintii maalmaha Soomaalida iyo doorkii uu Xasan Sh Muumin ku lahaa ayuu sharraxayaa. Sidoo kale, wuxuu hoos ugu deedegayaa markii uu Abwaanku bilaabay inuu wax allifo ama tiriyo oo ahayd sannadkii 1957kii. Tii u horreysayna waxa ay ahayd ‘ Dedaala Soomalay dedaala, Dedaala Soomalaay, danteenna haka daalinee, dadaala Soomalaay.’ 

Abwaanku Riwaayado badan ayuu leeyahay. Waxaanna ugu caansan ‘ Shabeelnaagood’ oo xikmad badani ku duugantahay, sida qoraaguna xusayo luuqado qalaad lagu turjumay. Sidoo kale, waxa ka mid ah ‘ Gaaraabidhaan,’ iyo ‘ Dunidu Maskaxday Magan u tahay.’ Waa riwaayado xiiso badan oo wacyigii bulshada waqtigaa noolayd kor u qaadayay, waxna ku darsanayay inay baraarugaan.

Intaa ka dib xagga sooyaalka shakhsiyeed wuxuu ku xigsiinayaa Abwaankii waddaniga ahaa ee Cabdillaahi Suldaan Timacadde. Abwaanku Galooley ayuu ku dhashay sida dad badan sheegeen oo Inaadeerkii Isaaq Maxammed ka mid yahay, qoraaguna xusayo. Ku sinnaan 192okii ayuu dhashay, wuxuunna dhintay 1973kii. Da’ ahaan 53 sano jir ayuu ahaa. Qoys beerallay ah ayuu ka dhashay. Madi buu ahaa Abwaan Timacadde.

Abwaanku Jabbuuti, Diridhaba iyo Herer ayuu intii hore ku noolaa. Sannadkii 1949kiin ayuu Galooley oo beertoodu ku taalo soo degay. Xaas labaad ayuu ku guursaday oo afar hablood iyo wiil u dhashay sida qoraaguba xusayo. Markii uu dalka soo degay wuxuu aad uga qaybqaatay halgankii xornimodoonka ahaa ee dalka ka jiray. Wuxuunna ku biiray Ururukii SNL oo xaruntiisu ahayd Hargeysa. Halkaas ayay ka baxeen gabayadii ugu badnaa ee marxaladdaa ku beegnaa, sida qoraaguna qabo. Qoraagu wuxuu xusayaa inaan Abwaan Timacadde weligii noqon shaqaale dawladeed, marka laga reebo laba sannadood oo si aan joogto ahayn uu ugu qornaa Radio Hargeysa.

Sannadkii 1971kii, Abwaanka waxaa sii xumaatay xaaladdiisii caafimaad, xanuun cunaha ka hayay aya ku sii batay. Xaaladdiisii markay waxba kabasho keeniwaydday Dawladdii Soomaaliya ayaa sannadkii 1972kii u dirtay dalka Kiiniya. Waxyar ka dibna waxaa lagu soo celiyay Soomaaliya, sida qoraagu xusayo. Ugu danbaynna waxaa lagu soo celiyay halkii uu ku dhashay ee Galoolley, oo xaaskiisii Ardo Qalinle ayaa hayn jirtay; intii noloshiisa ka hadhsanaydna halkaas ayuu joogay. Qoragaagu wuxuu xusanayaa in uu Gabiley joogay oo Timacadde xaaskiisii u sheegtay inay xaaladdiisii sii xumaatay, aynna ku taliyeen in Kalabaydh la geeyo. Kalabaydh ayuu ku dhintay Abwaanku AHUN, Feebarweri 6, 1973kii.

Xilligii uu maansada bilaabay iyo marxaladihii kaladuwanaa ee Abwaanku soo maray, ayuu innoo guudmarayaa qoraagu. Abwaan Timacadde sannadkii 1936kii, isaga oo 16 jir ah ayuu bilaabay curinta maansada sida dad badan oo aqoon lihi sheegaan. Herer ayuu degganaa oo adeerkii ayuu ka joogay. Sida qoraaguba xusayo, tixdiisii u horreysay ee uu Abwaan Timacadde tiriyaa, waxa ay ahayd afarrey uu gabadh Qotiyad ahayd oo uu qabay ina adeerkii Maxammed Daahir oo markaa degganaa [Herer]. Iyada oo Maxammef Gabadhaa qoonsaday, Timacadde waxa uu yidhi;
“ -Fooxdoon haddaad tahay, Dukaan furan ma waydeene,
-Isna wuu ku filayaa, intaad fooggantahay meele,
-Maxaa farasmagaalan ku dhigay fiidki laga hoyday.”

Qaabqoraalka uu qorey qoraagu tixdaa waxa aad mooddaa inuu aad u qaabdaranyahay. Dib baan u saxay oo waxdheeraada oo aan loo baahnayn oo uu ku daray ayaan ka saxaye isagu sidanuu meelaha qaar u qorey ‘ Foox-doon, Is-na, Faras-magaalaha..” Waa erayo noocaa iyo wax ka liita u wada qoran oo meelaha qaar aad u kakan oo waxbadan kaa kharribaya.

Hadda qoraagu isagaa isku soo jeedsanaya, oo waxa aad mooddaa inuu buug xasuusqora qorayo. Halgankii uu qeybta ka ahaa ee SNM ayuu guudmarayaa. Xasuuso badan oo uu arkay ayuu ka warramayaa. Waxbadan ku dheeraan maynno oo dan badan innagama jirtee; qoraagu waa meelaha uu ilduufay ee xasuusqorka iyo sooyaalka uu kalagaranwaayay. Waxaynna ahayd dhacdooyinku sida ay isku wataan inuu u kala hormeeyo, oo midba meel ugu talogalayo, kolbase meel buu sidii gaaraabidhaanka ka hillaacayaa haddana kaaga baxayaa. Waa waxyaabaha buugga uuna talo badan ka gelin qoraagu.
Sii Gorfeynta Gorefeynta Boobe ee Buugga Cabdillaahi Yuusuf
Hadda gebagebadii buugga ayaynnu maraynaa. Qoraagu wuxuu ku soo koobaya dhaliil badan oo meelo badan ka raran. Wuxuu qorey cinwaan dheer oo ladhkiisu yahay ‘ Ma Habaarkiyo Hantaaqada.’ Wuxuu gorfeynayaa buug uu qorey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo la yidhaa ‘ Halgan iyo Hagardaamo.’ Qoraagu judhaba waxoogaa quudhsi aad u malayso ayuu gorfeynta ku bilaabayaa. Bal ila eeg intan buugga ku taal; “ Haa…. Qalinow lahu jecel…. Lagu jamay oo laguu jeel…. Taariikhda ma njin kaa tallaabsaday oo tixgelin iyo qaddarin marna aan ku tamaddin ayaa maanta ku tashaday in uu kugu tar-sheegto……Ma in aad xasho, cusho, oo weliba cidaadna mariso ayay kaa doonayaan….tagtadeennii ma tegin… taallo waa la joogaa…. Ma timaaddadeennaa? Taariikh togan baan ka tilmaansan doonnaa… Dal iyo dadow idinkuna nasiibkiin…. Ma mid aan idiin danayn oo idinka danaystay ayaa maantana u darban in uu markale iyo marar badanba idinka danaysto…. Hilbahaagii yaa cunay… Yaa haadka kuu wadhay…. Ma kuwii xuska iyo xusuusta intii ay xayga ahaayeen kaa waayay, ayaa hollinaya mar ay xijaabteen  in aad ku xurmayso xuruuf xargalay oo hoosta ka qallalan oo qalaalan….. Ma qof aan la xaalayn, ma qof aan la xiisayn, ayaa maantana xurmadaada raba….. Oo miyay dhacaysaa! Baabbacadaa timo ka eeg!...... Ninba intii uu gaystay ayaa u taalla….” Halkaa ayuu Qoraa Sare Boobbe ka miisayaa gorfeynta. Arradnaanta afeed ee ka muuqata waxaa igala daran yaraysiga dhex ceegaaga, ee qoraagu ku furfurtay. Inuu nuxurka ka raaco oo uu iska daaye nacnacda badan ayay ahayd. Wayse seegtay. Bilowgeedii haddaad aragto inaad dhammaadkeeda garan karto.
Waakan qoraagii haddana Cabdillaahi Yuusuf ku canaantay qoraalka isaga oo waxoogaa yasida ku daraya, oo Cabdillaahi kula yaabban waxqoridda, kuye ‘ ….. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ayaaba yidhi waxbaan QORAYAA oo weliba ummad aanu xilkeedii gudan oo uu weliba intiisii gumaaday, maantana cay iyo digashaba isku raaciyay… Waa nasiibkii haddii uu tagoba. Malaha wuxuu is-leeyahay guul ayaad la tallaabsan doontaa. Bal adba!................................” Bogga 276. Sidaas ayuu Qoraa Boobe oo waaya’arag ahi u hadlayaa. Markii hore waan u qaadanwaayay oo malaha adigaa qaldane Qoraagu sidaa odhan maayo ayaan islahaa, se yidhi. Waa markaan idhaahdo ‘ Malaha Boobe inuu isagu kelidii wax QORO ayuu moodayaa!’ Waar bi’waaye ha loo sheego in dunida rag la mid ah ama ka dheereeyaa ku noolyihiin, waa halkii ninkiiye ‘ Dunida rag baa ku nool’ keli kuma tihide wax innoo basri, qoraa.

Weli Qoraa Boobbe hadalladii anigu Sandheere ahaan aan yaridda u arkayay ayuu sii wadaa, bal ila eeg intan; “ La ye: Maantana Cabdillaahi Yuusuf Axmed Yey oo la ogaa wixii uu Soomaali soo mariyay ayaa qalin iyo warqad qaatay oo buug qoray. Qalinka, Dawladda iyo waraaqaha la masabidayba annagaa xaal siinnay. Weligii qalin iyo waraaq is-ma saarin oo dhaqankaaba ma lahayn ayaa la idinka yidhi. Waqii intuu noolaa waxba ma akhriyin. Intii xusulkii xabaal ka sarreeyayna, ninka buug ehel u noqday ma aha. Garashada iyo aqoontaba la col ayuu ahaa, sidii ayuu u neceb yahay illaa maantadaa aynu joogno. Waxaan is-leeyahay gororkan yare e laga soo weriyay ee buugga lagu sheegayna, dirqi iyo si fool adag ayaa lagaga soo tuujiyay. Waxaan is-leeyahay rokoodh yar inta la hoos dhigay ayaa laga matajiyay. Alla! Cabdillaahi Yuusuf Axmed iska aammus lahaaye! Miyaanu Cabdi-qays ku heesin: Shib baa igu habboonayd, Debnehoon shakaalee……. Odeygeennan cumaamaddii ka dhacatay ayay shibtaa iyo shanqadh-la’aantaasi ku fiicnaayeen. Bal maxaa ka hadliyay. Qaar aan u furayn ayaa u raray oo goob cidla’ah kaga tagay…” Bogga 277.

Afkiibaa juuqda gabay. Hadalkaas aan labada qaws dhexgaliyay waxaa qoray oo buuggiisa bogagga u danbeeya ku gunaanaday Qoraa Sare Boobe Yuusuf Ducaale. Hadalku Af Soomaali ahaan aad buu u kakanyahay oo meelo badan ayuu mid naxweed iyo mid qoraalleedba galay. Meelaha uu si aan habboonayn u qoray waxaa ka mid ah ‘ Masabiday, is-leeyahay, La ye, xaal siinnay, is-ma….” Waa erayo uu qaab Soomaali ahaan qaldan u qoray. Halkii uu ka fiirsan lahaa wuu ka faanay oo nin buu weerarayay.Sida saxda ahi waa ‘ Masabbiday, isleeyahay, Laye, Xaalsiinnay, isma….”
Intaa ka sokow, waxa aan shaamarreer ka qaaday luuqadda uu ku hadlay iyo yasidda intaale’eg ee uu ku kacay Masuulka intaa le’egi! Intaa aan soo xigtay gebigeeduba waa shakhsiweerar e ma aha gorfeyn buugeed. Waase tabaalaha adduun inuu Shakhsiweerar innoogu sheego gorfeyn. Inta qalinka iyo qoraalkaba tixgelisa kamuu xishoonne xaalbaan ka siiyay. Marka hore isaga ayaa islahaa Cabdillaahi Yuusuf buugga uu qorey dadka xaal ka sii, isagaaba se dabinkii ku dhacay. Wixii uu xaalbaan idinkasiinayaa lahaa ayuu dhexdabbaashay. Waxa aan isleeyahay malaha si kale oo uu Cabdillaahi waxa uu u hayo ugu soo gabbado ayuu garanwaayay markuu innaleeyahay ‘ Buuggiisa ayaan gorfeynayaa.’ Meelo badan qaladka uu sheegayaa haba jiraanne, Balse, Allaan kugu dhaariyaye maxay tahay ‘Weligii qalin iyo waraaq is-ma saarin oo dhaqankaaba ma lahayn ayaa la idinka yidhi. Waqii intuu noolaa waxba ma akhriyin.’ Muxuu ku caddaynayaa inuuna waligii wax akhriyin? Waligiise aannu qalin iyo waraaq isduldhigin?! Waa dhibaato weyn kollay oo qoraagu qabatimay. Haddii uu caddaymo hayo inuu yidhaa bay ahayd ‘ Cabdillaahi weligii wax ma baran oo halkaa iyo halkaa ayuu ku caddeeyay ama isagaaba sheegay!’ Caddaymo maangala oo sooyaalka Cabdillaahi ku saabsan inuu na horkeenno ayay ahayd. Balse, weerar cad oo bilaa caddayn ah, shakhsinacayb iyo quudhiwaa badan ka muuqdo ayuu na soo hordhigay.
Hadalkaa sare ee aan buugga ka soo xigtay, waxaa ku jirta ‘  Garashada iyo aqoontaba la col ayuu ahaa, sidii ayuu u neceb yahay illaa maantadaa aynu joogno.’ Ka daroo dibi dhal! Bal aad iila fiirsada qaabdhaca hadalladiisa iyo nuxurka ku duugan. Qof dhan oo uuna waxbadan kala socon ayuu ku leeyahay ‘ Garashada iyo aqoontaba la col ayuu ahaa..!’ Oo isagu garasho ma lahayn miyaa?! Ma qalbigiisa ayuu jeexay markuu leeyahay la col ayuu ahaa garashada iyo aqoonta? Isagu miyuunna garasho lahayn, miyuu garasho la’aa?! Wuxuu intaa ku sii dabadarayaa ‘… sidii ayuu u necebyahay illaa maantadaa aynnu joogno.’ Hadalkaasi waa in qofkii laga soo qaaday wax aan jirin yasid halkii u danbaysay. Qof baa laga soo qaadayaa inuu ogaanshaha iyo iftiinkaba la colyahay. Oo Boobe ma wuxuu moodayaa in aqoontu tahay kaliya in Jaamacad la tago? Waxkasta oo aad ogaato waa aqoon. Aqoonta ayaaba ogaal u taagan. Haddii qofku ogaado sida uu hawl u fulinayo ama sida uu shay u xallinayo waa aqoon. Taanna qof nool oo ka maarmaa ma jiro. Markaa siduu ula colloobay Cabdillaahi isaga oo aan ka maarmayn, mase hayaa Boobe wax caddayna oo sheegaya in Cabdillaahi ogaanshaha la col ahaa? Waa wayddiimaha qoraaga horyaalla, buuggana uuna ku xusin xogtan uu ku eedaynayo Cabdillaahi halka uu ka keenay.
Wuxuu ku sii darayaa ‘Waxaan is-leeyahay gororkan yare e laga soo weriyay ee buugga lagu sheegayna, dirqi iyo si fool adag ayaa lagaga soo tuujiyay. Waxaan is-leeyahay rokoodh yar inta la hoos dhigay ayaa laga matajiyay.’ Qof ishawlay oo xaalad ta Boobe ku sugan, waqti huray oo isxilqaanay, ayuu ku sheegayaa ‘ in waxaa loo qoray!’ waa yaraysi halkii u danbaysay, mar haddii Qoraagii inna yidhi ‘ Cabdillaahi buuggii waa loo qoray!’ Ciddii u qortayna waalla rabaa. Markaad qof weyn oo muddo badan soojoogay tahay, ama aad aqoonleedahay ee Akaademik ah tahay waxaa fiican inaad tuhunka iska ilaaliso. Sidoo kale, inaad waxaanad hubin sheegto aad iska ilaaliso. Qof kula mid ah oo aad waxbadan ka simantihiin sida aad waxbadan ugu kala duwantihiin, inaad yaraysatana aad iska ilaaliso. Intaaba qoraa Boobe, wuu ku dhacay. Qof ayuu tuhmay oo inuu aqoonta iyo garashadaba la colyahay ku tuhmay isaga oo aan wax caddayn ah ahayn. Wax uuna hubin oo uuna caddayn u hayn ayuu na soo hordhigay oo qof ayuu ku sheegay weligii hadda intuu yaara maaha WALIGII [ maco ahaan intuu noolaa] inuuna qalin iyo waraaq isduldhigin, sidii oo uu gaadhkahayay. Sidoo kale,nin ragga oo sidiisa ku 9 bilood ku dhashay, ayuu waxsoosaarkiisii in loo sameeyaye uuna isagu samayn ee uu MAGACA uun sheegtay ku sheegay! Tolow sida qoraagu sheegayo haddii uu aqoonta iyo garashada weligii la col ahaa, waraaqad iyo qalinna uuna isduldhigin; buuggaa uu qoreyna loo qoray, sidee buu jabhad ku hoggaamin jiray oo dal dhan oo aynnu xaaladdiisa ogeyn ku maamulayay muddo badan? Waa wayddiin qoraha hortaal, ase uuna iswayddiinba markuu tuhunka iyo shakhsiweerarka samaynayay. Waxa aan meelo badan ka akhriyay inuu Cabdillaahi Yuusuf Dugsi Sare dhammaystay, waddamo badanna wax ka soo dhigtay, sida ay qortay Shabakadda Somali Wiki (http://somaliwiki.com/index.php/2018/02/12/tariikhda-madaxwayne-cllaahi-yuusuf-axmed/). Malaha wuxuu islahaa dad Qarniyo kaa danbeeya ayaad Cabdillaahi yuusuf u sheegaysaa, ama dad hadda taariikhda baranaya oo aan wax soo jiray ogayn! Wuxuuse illaaway in dadkii waqtigaa uu ka sheekaynayo noolaa ay noolyihiin. Saddexdaa sifo oo marka wax la hufayo ama aragtiyo la haadinayo laga duulo ayuu qoraagu dhexfadhiyaa oo isaga oo ku sifaysan saddexdaba wax innoo qorayaa oo innoo gorfeynayaa. Waase ciddii ka yeesha. Intaa aan xagga sare ku soo xusay, iyo in kale waa inta gorfeynta ku qoran buugga Boobe nahda iyo nuxurka ka qaadaysa.

Intaa ka dib, wuxuu u galayaa buugga, jeldigiisa, Shirkadda daabacday buugga. Cidda daabacday buugga Hanbalyo ayuu leeyahay, balse, wuxuu leeyahay buuggan kuwo kale oo dad iyo dalba u faa’ido   leh ayaa inaad daabacdaan idiinka habboonayd. Jeldiga qurux wuu ku sheegay. Balse, buugga waxa ku yaal ayuu waxbala’aan ka soo qaaday oo wuxuu ku soo koobay ‘ Jeldiga waxka hooseeya ayaan jirin!’

Dhawr weedhood oo buugga ku yaal ayuu soo qaadanayaa. Hadal kooban ayuu ka odhanayaa, dabadeed waakaa haddana Shakhsiweerarkii ku soo noqday ee yidhi; “… Odeyga si wanaagsan uma taqannaane, marba waa halka uu joogo iyo cidda uu la joogo. Haddii maanta Addis Ababa joogi lahaanna, Itoobbiya sidaa sidaa u lama hadleen. Haddii uu Masar ku sugnaan lahaana Af Carabi ayaabu wax ku qori lahaa, haddii aanu ku gabyeen ama ku heeseenba…..”  Qoraagu halkan wuxuu ku xusay inuu Cabdillaahi Yuusuf ahaa qof jirjirroole ah oo labalabeeya, misana Munaafaq ah. Wax caddeyna oo uu sheegay habayaraatee ma jirto. Sidoo kale wuxuu ka soo qaadayaa qof abaal loo galay oo abaalkaasi markasta oo uu wax samee isyidhaa xantaxantaynayo oo wixii ka joogsanayo, isaga oo weliba maahmaah abaal ah sheegaysa soo xiganaya wuxuunna buugga ku yidhi; “ ….. ‘ Af wax cunay xishoo.’ Waa Cabdillaahi Yuusuf oo aan biyo is-marin…” Waa dhaliisha xogta uu sheegaya haysata caddeynla’aantu. Sidii qof ka hadlaya naftiisa ayuu uga hadlayaa qoraagu! Haddii caddeymo maangala uu keeni lahaa wuxuun baan odhan lahayn waxbaa ka jira. Haddase, arrimahaa uu ku eedeeyay waa kuwo caddeymo u baahan. Laba qof haddii ay wax iska sheegaan, oo wax caddeyna qofka eedaynaya laga waayo, waxaa loo badiyaa inuu been’abuuranayo- illaa uu caddayn maangala keenayo. Haddase waa been odhan maayo qoraaga e soo caddee ayaan leeyahay.

Qoraa Boobe, isaga oo weli buuggiis kasii hadlaya waxa uu yidhi ‘ ….. Hadda dadkan la sheegay inay in ay buuggan wax ka qoreen ama tafat-tireen, tummuuxaa ka badan. Waa bun-tirsi oo waxba la is-amaahin mayo’e marka horaba eraygani wuxu sax ku yahay mahad-celin oo laba eray oo la isku geeyay. Qaladka kale ee ku jiraa waa erayga mahadnaq oo qudhiisu laba eray ka kooban oo kala ah mahad-naq…”  Qoraagu Odeygaa uu buuggiisa gorfeynayo qalad buu ku haystaa, kii uu ku haystay mid ka daran isagaa dhexgalay. Intaa labada qaws u dhexaysay ee aan xoo xigtay qalad higgaadeed iyo mid qoraal ayaa ka buuxa.  U fiirso ‘ Tafat-tireen, bun-tirsi, is-amaahin, wuxu, mayo’e, mahad-celin, mahad-naq…” Erayadaasi qaarkood meelo kale ayuu sin saxan ugu qorey, tusaale ahaan erayga ‘ Mahad-naq’ isaga oo sida uu saxda ku yahay ee ‘ Mahadnaq ah’ wuxuu ku qorey TUSMADA buuggiisa.  Kuwa kale sida loo qoro ee la islawaafaqsanyahay badanka waxyar mooyee waa sidan; ‘ Tafaftireen, buntirsi, is amaahin, wuxuu, maayo’e, mahadcelin, mahadnaq.”

Iaga oo weli sii wata wuxuu leeyahay Boobe, ‘… Waxaa ugu daran ninka shanaad oo ah ama lagu qoray Aadan Buryar oo sax ku ah Bur-yar maa daama laba eray oo la isku kabay magacu ka koobanyahay…” Doodda uu ku doodayo ‘ Buryar in loo qoro Bur-yar’ waan ka diiday qoraaga, waayo haddii laba shey israacaan oo halshey isku noqdaan waa inay habdhaca isku darsamaan oo aan waxba loo dhexsiin. Sidoo kale muxuu u kala jari waayay ‘ Cabdi iyo Allah, maadaama ay laba magac oo sida ‘ Bur’ iyo ‘ Yar’ yihiin kuwo isku tagay. Qaladkaa uu ku haysto Cabdillaahi Yuusuf , marka aynnu eegno buugaagta Naxwaha Af Soomaaliga ah iyo habka ugu macquulsan ee loo qori karo magacyada noocaasa waxaa saxan in ‘ Buryar’ la qoro. Halkaasi qoraaga way seegtay oo kummannaan magac oo sidaasa ayuu qaabkaa qaldan u qorayaa, waxaa ka mid ah ‘Gol-janno, hal-door, noq-noqonaya, baadi-goob, qudh-gooyo, qoor-qabada, faro-maroojin, far-janno, madax-bannaani, dhaqan-celin, hub-dhigis, shaamo-reer, qudh-qudhin, ku-gasho, gar-darro, diyaar-garaw, mahad-celin.’ Innaga oo ku xoojinayna doodda odhanaysa ‘ haddii laba magac ama laba shey isku biiraan oo hal magac ama halshey isku noqdaan waa in la isku daraa iyada oo aan waxba loo dhexaysiin’ dhammaan magacyadaa qoraagu habqoraalkooga wuu qalday buuggana si aad u badan ayay ugu soo noqnoqonayaan. Waa meelaha ay ahayd inuu qoraagu buugga aad uga fiirsado oo tafaftirkana u badiyo, misana saxo oo wixii cidkastaaba sixitaannimadooda garanayso uu qaladnimadooda naga daayo.

Isaga oo sii wata, meelo badan oo aan waxbadan ku duugnayna waxkasheegaya waxa uu ugu danbayn leehayay hadal aan aad ula yaabay oo uu yidhi; “ Ilaahay ‘ odeyga’ khaatumadii waa uu seejiyay kol haddii uu ‘ aakhiral-cimri’ noloshiisii waxan ku sagootiyay…” Bogga 301.  Waa hadal quudhiwaa badan iyo wax kale oo badan ba ka muuqdaan. Qoraagu marka qofka la odhankaro ‘ wuu khaatumoseegay’ ma waxa ugu jira in qofka taariikhxumi ka hadho? Haddase ninkaasi buug uu qorey sidee buu taariikhxumo noqon karaa?
Khaatumaxumada sida loo yaqaani waa qofka oo wax aan aakhiro la mahadin ku dhinta, sida isaga oo gaalnimo ku dhinta, ama isaga oo macaasi waaweyn dhexdabbaalanaya inay naftu ka baxdo. Qof adduunka xun sameeyay oo markii u danbaysay wanaagsameeyay ama isaga oo ku dhexjira wanaag dhintaa kuma dhiman khaatumoxumo. Hadda aynnu u nimaadmo sababa uu u adeegsan ninkan Cabdillaahi Yuusuf ee uu leeyahay ‘ Khaatimaxumuu’ ku dhintay. Sabab waxa uu uga dhigayaa ‘ Buugga uu qorey!’ Waa cibaaro aad u cajab badan oo qofkii caqlilihi la yaabayo. Qof buug qoran samaan iyo xumaanba inuu ummadda u faa’ideeyo mooyee inuu khasaariyo lagama yaabo; waliba kaaga daranta naftiisa wax khasaare ahi kamay soo gaadhin qofka. Buuggan hadda uu Cabdillaahi qoray waxbadan ayuu iftiimiyay oo uu goobjoog u ahaa, cid beenisayna lama hayo waxaa uu sheegay. Markaa faa’ido mooyee wax faa’ido darro ah oo laga taransado anigu garanmaayo. Balse, Boobe wuxuuba ku doodayaa, oo hadalkiisa aad dhadhansan kartaa, faa’ido uu Ummadda uga tagay iska daayoo, isagii qorey ayaa ku khasaaray oo ku khaatumoseegay, mar haddii uu waxaa Ummadda uga tagay.’ Hadalladaa bilaa wajahaadda ah ee Qoraa Boobe ganayo ee Buugga ku socdaa wax xataa dhallaanku dhegaysan karo,m oo wax ka soo qaad ah maaha. Waayo, caqliga bini’aadanku wixii caqligala ayuu qaataaye, wax qof kaliyi ku qasbayo ma qaato. Hadalkaasina harawsi badan ayaa iiga muuqda.

Gebagebadii gorfeynta iyo guud ahaan tii buugga ayaynnu wadnaa hadda. Boggii u danbeeyay. Waakan qoraagii soo xidhaya gorfeyntii iyo buuggiiba wuxuunna leeyahay ‘ Intaas aan ku soo kobo gorfayntii iyo falanqayntii buuggaa la sheegay in uu qoray Cabdillaahi Yuusuf Axmed..”  Bogga 305. Ka soo bilow bilowgii gorfeynta illaa dhammaadka qoraa Boobe ma qirsana inuu Cabdillaahi buug qoray, oo waakan inna leh ‘ buuggaa la sheegay in uu qoray cabdillaahi…” Waa cajiib, inuu qof dhan wuxuu qoray qiriwaayo! Waxaanse anigu qirayaa in waxaa uu Boobe ku haysto Cabdillaahi Yuusuf uu isagu dhexfadhiyo oo buuggiisan hadda aan gorfeynayo ee gacanta ku hayaa innoo metelayo. Buuggana buugga uu waan gorfeeyay oo buug laguma sheegi karo uu leeyahay uu ka daranyahay, qaladkasta oo uu Cabdillaahi ku sheegayana isagu uu galay, ama kaba badsaday.

Gebagebo
Intaas ayaan ku soo koobayaa falanqayntii iyo Gorfayntii aan ku guudmaraya buugga Qoraa Sare Boobe. Qofkasta waxa aan kula talinayaa inuu buugga akhriyo oo gaar ahaantii u faaqido nuxurka iyo waxa uu sido buuggu.

Halkan kaladeg iyada oo oo PDF ah: 
(https://drive.google.com/file/d/1aW1EmPxN8tj67unSsxMzPDG7p_wCZOxw/view?fbclid=IwAR1p_y17RL0F63Qxekyzdbynk_vtGYvrLGShiaoGXY75PScst4UEwsVy8C8)

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Dec. 31, 2018





Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?